Emperor Posted December 28, 2008 Mujaahidiinta Ahlusunah oo Dhuusamareeb kala wareegay Shabaab Dhuusamareeb 28 December 2008 Waagacusub Mujaahidiinta Ahlusunah Wal Jameeca ayaa dagaal lix saacadood socday kadib la wareegay gacan ku heynta Magaalada Dhuusamareeb oo ay hore u maamulayeen Kooxaha Shabaabka Caalamiga Somalia. Meydadka Maleeshiyadda Shabaabka ayaa Magaalada tuban,waxaana lagala wareegay gaadiid iyo saanad. Kooxo ka mida Shabaabka ayaa hoobiye duleedka Magaalada kaga garaacaya Dhuusamareeb,waxayna hoobiyeyaasha ku dhaceen Xaafada ay degan yihiin dad rayida. Boqolaal dadweyne ah oo faraxsan ayaa isugu soo baxay Dhuusamareeb,waxayna ku dhawaaqayaan Allaahu Akbar. Warar soo baxay ayaa sheegay in gurmad Shabaabka caawinaya ka soo shiraacdeen degaanka Ceelbuur,waxaana Dagaalyahanada Ahlusunah isu qeybiyeen wadooyinka soo gala Magaalada oo ay daanta barri ka soo tuurayaan rasaas,kooxo ka mida firxadkii Shabaabka oo godoonsan. Dagaalka lagu laalay Shabaabka tacadiyada ka waday gobolada Galgaduud,waxaa ka qeybgalay haween iyo Caruur. Inkastoo ,Bidcadda Shabaabka Somalia ilaah garabkooda ka baxay,hadana diyaar garoowyo xoogan ayaa ka socda degaanada Cadaado iyo Gelinsoor,waxaana laga yaabaa inay ka qarxaan dagaalo looga saarayo fariisamaha ay ku leeyihiin . Goboladda Jubbooyinka ayaa la soo weriyay inay u diyaar garoobayaan Jihaad ay la galaan Wahaabiyadda isbiday awooda,ee markii ay laayeen waxgaradkii noolaa,ku bilaabay ******ada khabuuraha Mashaa'iiqda alla karaameeyay ee reer Aakhiraadka. Dagaalka lagula jiro Shabaabka wuxuu yahay mid la mida Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee jabay Allaahu Akbar,Alla awooodiisu weynaa Mohamed Abdi Nur Dhuusamareeb -Guriceel Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted December 28, 2008 Meydadka Maleeshiyadda Shabaabka ayaa Magaalada tuban,waxaana lagala wareegay gaadiid iyo saanad. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted December 28, 2008 Guriceel oo saaka degan ka dib dagaalo lagu hoobtay oo shalay ka dhacay iyo milateriga Itoobiya oo dib uga laabtay duleedka degmadaasi Waxaa xaalad deggenaan ah laga dareemayaa xaaladda Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo shalay isku herdiyeen dagaal yahano kala taabacsan urur diimeedyada Al-shabaab iyo Ahlu sunna Wal-jameeca, inkastoo markii dambe ay gacan ku haynta degmadaasi ay la wareegeen Ahlu Sunna Wal-jameeca. waxaa magaalada Guriceel ku sugan dagaal yahano taabacsan urur diimeedka Ahlu Sunna Wal-jamaaca oo shalay gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta degmadaasi kaddib markii Xarakada Al-shabaab ay isaga baxeen magaaladaasi, waxaana iska hor imaadkaasi oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu sababay dhimashada in ka badan toban qofood oo ay ku jiraan dhinacyada dagaallamay iyo dhaawaca tiro intaasi badan oo la dhigay Isbitaalka Istarliin oo qeyb ka mid ah shalay madfac uu ku hubsaday. Qoysaskii shalay isaga barakacay magaalada ayaa saakay la arkayaa iyagoo si teel-teel ah ugu soo noqonaya degmada Guriceel, inkastoo weli laga dareemayo gudaha degmada saan-saanta ay reebeen dagaalladii shalay halkaasi ka dhacay, waxaana dadka qaarkood oo ka maqan magaalada ay sheegeen inay haddii ay noqdaan ay ka baqanayan in mar kale korkooda lagu dagaallamo. Dhinaca kale ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay gelinkii dambe soo gaaray duleedka waqooyi ee degmada Guri-ceel oo aad ugu dhow goobtii uu shalay barqadii ka qarxay dagaalyahanada urur diimeedyada Al-shabaab iyo Ahlu-Sunna Waljameeca ayaa lagu soo warramayaa inay saakay dib uga gurteen, iyagoo ku laabtay degmada Balambal oo ay markii hore ka soo ruqaansadeen. Cabdishakuur Cilmi Xasan cabdishakuur48@live.com dayniilecom@hotmail.com deyniilenews@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 29, 2008 Dhiig Muslim Jeclaa in ay buun buuniyaan. Allow Sahal. Quote Share this post Link to post Share on other sites