Sign in to follow this  
Jacaylbaro

The President To Appoint a Strong Committee for Aid and Development in Sool

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-10-31 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN): Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku war-geliyey Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasin in Guddi ka kooban Xukuummadda, Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE,UCID iyo UDUB]iyo labada guddoomiye Gole Barlamaan [Wakiillada iyo Guurtida] sidii loo soo magacaabi lahaa,kuwaas oo uu tilmaamay inay ka hawl-gelidoonaan gurmadka iyo baahiyaha ka soo kordhay Gobolka Sool,isla markaana diyaarindoonta arrimaha taakulaynta iyo baahiyeed ee ka jira deegaankaas.

 

Sida waxa lagu sheegay War-saxafadeed qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale kaahin oo nuqul ka mid ah ay maanta heshay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa.

 

“Sidaynu wada ognahay,waxa xaaladi ka soo korodhay qaybo ka mid ah Dalka jamhuuriyadda Somaliland,taasi oo loo baahan yahay in aynu si wada jir ah uga hawl-galno xaalada ka soo korodhay Gobolada Sool,sanaag bari iyo Buuhoodle.” Sida waxa uu Madaxweyne Rayaale ku sheegay War-saxafadeedkiisa qoraalka oo uu ku tilmaamay in loo baahan yahay in si wada-jira looga hawl-galo Xaalada Bariga ka soo korodhay.

 

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ku sheegay War-saxafadeedkiisa inuu go’aansaday inuu magacaabo Guddi Qaran oo ka hawl-gasha gurmadka iyo baahiyaha ka soo kordhay Goboladaasi,gudidaasi oo aad Guddoomiye ka noqon doonto,waxay diyaarin doontaa arrinta taakulaynta arrimaha baahiyeed ee ka jira deegaankaas.

 

“Madaxweyne xigeen, waxaan kugu war-gelinayaa in Gudidu ay ka koobnaan doonto Xukuumada oo aad laba Wasiir ka soo qaadan doonto,labada Guddoomiye ee Wakiilada iyo Guurtiduna waxay soo magacaaban doonaan min xubin,sadexda Xisbi Qarana iyana waxay soo magacaaban doonaan min xubin oo ay kuu soo gudbin doonaan,Guddiga waxan u soo koobay si hawsha Guddigu hab sami ugu socoto” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ku wargelinayey inta ay ka koobnaandoonto Gudida Qaran ee Gurmad.

 

Gudidan Qaran ee uu Madaxweyne Rayaale ku dhawaaqay inay ka hawl-galidoonto Xaalada ka soo cusboonaatay Gobolka Sool,iyo weliba Magaalada Buuhoodle, ayaa ka danbeysay kadib markii ay labada Xisbiga Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID ayaa ku eedeeyey Xukuumadu inay ka gaabisay inay dadkii ku barakacay Magaalada Laas-caanood ee ku sugan taakuleyn ka geysato dhinackasta,oo ay ku mashquulsan tahay waxyaabo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this