Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: Somali Chinese diplomats meet PICS

Recommended Posts

Wasiirka arrimaha dibedda dowladda federaalka & safiirka Soomaaliya ee Kenya oo safaarada Shiinaha ee Nairobi kulan kula qaatay(Daawo sawiradii kulanka)

Nairobi

 

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya dalka Kenya Zhang Ming ayaa maanta kulan ballaaran kula yeeshay xarunta safaarada Shiinaha ee magaalada Nairobi xubno ka socda dowladda federaalka, ayna ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibedda Xuseen Ceelaabe Faahiye, Wasiiru dowladaha howlaha guud & guriyeynta Cabdalla Boss, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko, Qusulka safaarada Soomaalida Max’ed Aadan (Etson) & Madaxa Pratakoolka safaarada Ibraahim Axmed (Leyte), waxaana dhinaca dowladda Shiina kulankaasi goob joog uga ahaa Xue Bing oo ah qunuslka dowladda Shiinaha & diblumaasiyiin dalkaasi ka socday, wuxuuna kulankani uu xambaarsanaa labo weji, oo kala ahaa, safiirka Shiinaha oo isagoo metelayey dowlada dalkiisa ka warbixiyey mowqifka dowladiisa ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya, & taageerada dowladdiisu la garab taagan tahay dowladda federaalka & wejiga 2-aad oo ahaa, in safiirka oo ku hadlayey magaca wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha uu guddoonsiiyey safaarada Soomaalida Kenya labo baabuur oo kala ahaa Land-Cruiser & Toyota Crolla oo ahaa baabuurta raaxada, wuxuuna safiirku sheegay in dowladdiisu u qorsheysay in ay ku taageerto dowladda Soomaaliya 20 Milyan oo ah Yen-ka Shiinaha, looguna talogalay dib u dhiska dalka, wuxuuna sidoo kale balanqaaday safiirka Shiinaha in dowladdiisu gacan waxtar leh ka geysan doonto dedaalada xalka loogu doonayo Soomaaliya, ayna ka qeybqaadan doonto sidii dib loogu yagleeli lahaa Qarankii Soomaaliya.

 

Labada safiir ee Kenya u fadhiya dalalka Shiinaha & Soomaaliya Zhang Ming & Max’ed Cali Ameerika ayaa labadooda dal u kala saxiixay taakuleynta Shiinaha, waxaana halkaasi khudbado kooban ka jeediyey wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye & Amabssador Ameerika oo uga mahadceliyey dowladda & shacabka Shiina dareenka gaarka ah ee ay siinayaan xaaladda Soomaaliya.

 

“Safiirka Shiinaha, isagoo ku hadlaya magaca dowladiisa wuxuu salaan inoogu soo dhiibay madaxweynaha dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf & shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna balanqaaday in dowladdiisu si buuxda u garab taagan tahay dowladda federaalka” ayuu yiri Ambassador Max’ed Cali Ameerika.

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan

abdishakuurelmi@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this