Sign in to follow this  
Jacaylbaro

27th Anniversary of SNM

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-04-06 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Sanad Guuradii 27 ee ka soo Wareegtay Asaaskii Ururkii SNM oo ku beegnayd maanta oo kale oo ay taariikhdu tahay 6 April, ayaa dadweyne aad u tira badan iyo qeybaha kala duwan ee Saxaafadu waxay ku hungoobeen fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa si ay uga qeybgalaan dabaaldega Xuska asaaska, kadib markii ay cid masuul ahiba ka soo Xaadiriweyday Madashaashi oo kuraastii loo siidiyaariyey ay hawanayeen, marka laga yimaado Gudoomiyaha Ururka SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo goobtaasi yimi ayaa ka Cadhooday qaabka ay wax u dhaceen iyo ka soo xaadiritaan la’aanta masuuliyiintii SNM iyo Xukuummada , waxaanu Xasan Ciise oo cadheysan oo halkaasi weedh kooban ka yidhi waxa uu yidhi “Af Soomaali aan ku sheego magaranayo sababta ay sidan wax ku dhaceen, ee aan u soo seexdo”.

 

Mujaahid Xasan Ciise aad iyo aad ayuu uga cadhooday xusid la’aanta xuska sanad-guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay Asaaskii Ururkii SNM.

 

Marka laga yimaado taas, Muj. Dr.Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isagu in badan qurbaha ku noola oo xalay Warsaxafadeed soo saaray, waxaanu u dhigna sida:-

 

“Waxaan arkay qoraal si qalad ah uga hadlaya asaaskii SNM markii soo gaadhay London ee lagu dhawaaqay bishii April 1981waxaan cadeynayaa qodobadan:-

1. Magaca SNM [somaliland National Movement] waxa lagu go’aamiyey guriga aan ku jiray ee ciwaankiisu ahaa “34 Charleville Mansions, Lodon W14” Calaamada Ururkana [logo] waxa halkaa ku Sameeyey Yuusuf Warsame Siciid.

2. Waxa go’aankaas wada gaadhay madaxdii ururkii Somali Welfare Organization ee mudada dheer ka waday London mudaharaadadii lidka ku ahaa xukunkii M.S.Barre.

 

Madaxdaas waxa ka mid ahaa.

- Axmed Xaaji Cabdilaahi [Axmed Suufi]

- Axmed Maxamed Ibraahim Cigal

- Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax

- Dr. Omar Dixood

- Ibraahim Sheekh Muuse

- Ibraahim Cali Wayrax

- Marxuum Ismaaciil Maxamud

- Xasan Ciise Jaamac

 

Waxa go’aankaas nala qaatay Weftigii nooga yimi Saudi Arabia iyo Imaradka oo ka koobnaa:

 

-Marxuum Xasan Aadan Wadadiid

- Marxuum Axmed Ismaaciil [Doqdi]

- Marxuum Xuseen Abokor X. Faarax

- Marxuum Maxamed Yuusuf Cartan

- Dr. Cabdisalaan Yaasin

- Maxamed Xaashi Cilmi

- Maxamed Xuseen Yuusuf

 

3. Waxa halkaas lagu qorsheeyey in la qabto Shir ay isugu yimaadaan xubnihii iyo taageerayaashii ururkii SWO iyo Saxaafaddii London oo lagaga dhawaaqay Ururka Cusub ee SNM.

4. Waxa kale oo la go’aansaday in la qabto Shirweyne 6 bilood kadib, bisha October 1981. Waxa la qorsheeyey in intaas in intaas ka hor mar kale raacdo lagu maro dalalka Carabta, Yurub iyo Afrikada Bari, iyada oo la raadinayo cidkale oo u soo baxda halgankaa bilaabmaya, iyo cid kale oo Somalida kale ka mida oo hawshaa nala bilowda.

5. Shirkaas 6-dii April 1981 ee lagu asaasay Ururka SNM waxaanu ku qabanay hoolka “Connaugh Rooms”oo u muuqda BBC.Bush House.

 

Aniga ayaa hayey Microfoonka oo hagayey barnaamujka Madasha. Waxa halkaas SNM kaga dhawaaqay intayadii arrinta soo wada go’aamisay ee ku wada socotay een soo sheegay xubnihii iyo taageerayaashii SWO ee SNM ka horreeyey ee mudada dheer halganka dheer ku soo jiray, tiradoodana way ka badnayd boqol qof, shirkana aad iyo aad oo Camiray.

Waxa kale SNM nagula dhawaaqay Marxuum Siciid Maxamed Cigaal oo ka yimi Sweden. Waxa shirkaas ka soo qeybgalay Weriyayaashi BBC-da iyo kuwo kale oo badan oo ka socday Wargeysyada Ingiriiska.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this