Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Al-Shabaab Criticize Al-Jazeera

Recommended Posts

Xarakada Al-Shabaab oo bayaan cad kasoo saartay warar been abuur ah oo Channel-ka Aljazeera baahiyay,quseeyayna Al-Shabaab

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saartay bayaan ku aadan warar been abuur ah oo labadii maalmood ee inasoo dhaafay uu baahinayay TV-ga Al-Jazeera kuna aadanaa in Mujaahidinta Al-Shabaab ay dagaalkooda jihaadiga ah u weeciyeen dhanka ''burcad badeedyada'',taasi oo micnaheedu tahay Mujaahidiintu in ay gaalada adduunka ku garab galayaan ololahooda danaha kale ku qarsan yahay ee ka dhanka ah raggaasi loo bixiyay ''burcad badeeda".

 

Bayaanku wuxuu u qoran yahay sidatan:-

 

 

Cidna kama qarsoona waxa ay ku kacayaan Warbaahinta reer galbeedka Saliibiyiinta ah ee ku aadan xumeynta Muuqaalka Mujaahidiinta iyo ku dhejintooda eedeymo gardarro ah,taasi oo ay dheer tahay taageerada tooska ah ee Warbaahintaasi siiso Ciidamada Saliibiyiinta ee kusoo duulay dalalka Muslimiinta.

 

Hasa ahaatee arrinka murugada leh waxaa uu yahay in qaar kamid ah Television-ada Carabta ee Caalamka la buuxiyay sheegashooda ah in ay ilaaliyaan sharafka saxaafadeed,dhexdhexaadnimada,sugnaanta iyo dhowrista shafaafiyada Ilaha wararka oo laga dheeraanayo qalloocinta macluumaadka,in warbaahinta sidaasi ah ay ku raaceen kuwa kale ee reer galbeedka Saliibiyiinta ''gacan ku riminta wararka iyo ku been abuurashada Mujaahidiinta''.

 

Labadii maalmood ee tagtay(Sabti iyo Axad) Channel-ka Aljazeera waxaa uu baahiyay war ka fog xaqiiqda,kaasi oo sheegayay:in afhayeen u hadlay Xarakada Al-Shabaab uu u goodiyay ''burcad badeeda'',wacadna ku maray afhayeenkaasi in lasoo xoreynayo markabka shidaalka sida ee Sucuudiga laga leeyahay.

 

Inagoo ka duuleyna warkaasi ayaanu isweydiineynaa,weydiineynaane Aljazeera:-

 

B:Meeye sugnaanshiyaha warkan(Misdaaqiyadiisa)?

 

T:Waa kuma afhayeenkaasi aan la aqoon ee Xarakada Al-Shabaab?

 

J:Warkani miyaad ka xaqiijiseen Xafiiska Warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab inagoo rumeysan in aadan moogeyn xafiiskaasi?

 

Arrinka labaad ee la yaabka leh wuxuu yahay in TV-ga Aljazeera uu ka san taagay Jihaadka Somaliya isagoo ku garab noqday habka gudbinta dagaalada lagula jiro gaalada marka ay timaado warbaahinta cadowga ku ah Islaamka,qofnka kama dahsoona kaalinta xun ee Jazeera kuna aadan buun buuninta waxa lagu sheego wadahadalada ka dhexeeya kuwa is dhiibay ee UDS-ta iyo Kooxda Ridada,iyo sida ay gacan ka geysteen suuq geynta khiyaanadaasi halka aysan micno weyn siinin dagaalka jihaadka holcaya ee fagaaraha ka soconaya,wax yar mooyee oo ay hadalkooda kusii fool xumeeyaan.

 

Wax qarsoodi ah oo aan faafineyno maahan in Xafiska Warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab uu TV-ga Aljazeera si gaar ah ugu fududeeyay howlo quseeya dagaallo,filimo iyo xittaa wareysi gaar ah oo ay la sameeyeen Afhayeenka Shabaab Sheekh Mukhtaar Abu Mansuur Allaha dhowree,balse waxaasi oo dhan miyeysan Archive-kooda ku waarin?,Su'aasha kuu soo deg degeysa ayaa ah maxaa keenaya daneynta weyn ee tifaftirayaasha Jazeera siinayaan warka afhayeenkaasi aan la aqoon ee aan soo sheegnay iyo buun buuninta warkiisa? halka agtooda 2 sanadood in ka badan ay ku heystaan iyagoon baahin kulan saxaafadeedka Abu Mansuur oo ah afhayeenka rasmiga?

 

Waxyaabaha ka badbadinta ah ee aan ku aragnay Al-Jazeera ayaa kasii kamid ah in ay iska abuuratay Filim dardaaran ah oo ay baahisay sheegtayna in uu ahaa mid kamid ah raggii fuliyay howlgalladii naf hurnimo ee Hargeysa iyo Boosaaso,inaguna wax hadal ah oo aan ku sheeganay howlahaasi sooma saarin.

 

La yaabka ayaa ah''Kol waliba oo Jazeera ay baahineyso Filim ay Mujaahidiintu soo saareen,waxay raacsiiyaan hadalkan ah(Sugnaanta warkan kama xaqiiqsana cid madax banaan) halka aysan si aan kala saarid laheyn u baahiyaan sheegashada hogaanada ciidanka Saliibiyiinta ee ku aadan dilka tiro intaasi ah ee Mujaahidinta,fulinta howlgal hebel iyo IWM..mar waliba oo ay Reuters ama AFP inagu been abuuratana Jazeera way baahisaa hubsasho la'aan!!!

 

(Waa maxay ka badbadinta intaasi la eg?)

 

Ha sheegeen isha rasmiga ah ee ay ka heleen warka la xiriira sheegashada Xarakada Al-Shabaab ee howlgallada Hargeysa iyo Boosaaso?

 

Ha sheegeen sidoo kale isha rasmiga ah oo ay ka ******** in afhayeenkaasi aan la aqoon uu ku hadlo magaca Xarakada Al-Shabaab?

 

Ugu danbeyntii Waxaanu leenahay:-

 

1-Xarakada Al-Shabaab waxay leedahay afhayeen rasmi ah waana Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansur Allaha inoo xafidee.

 

2-Xarakada Al-Shabaab waxay leedahay bog rasmi ah oo ah''www.kataaib.net'',masuulna ay xarakadu ka tahay waxyaabaha lagu baahiyo.

 

3-Waxaa jira hal jiha kaliya oo u xilsaaran baahinta Bayaanaatka,fariimaha codadka,iyo aflaamta muuqaalka ah ee Xarakada Al-Shabaab waana ''Markazka Sada Al-jihaad'' ee hoostaga Jabhadda Warfaafinta Islaamiga ah ee Caalamiga(GIMF).

 

Sidaasi daraadeed dhamaan wixii warbaahin ku saabsan ee aan kaso bixin jihooyinkaasi 3-da ah ee aan soo sheegnay nama quseeyaan,masuulna kama noqon doono,inagoona adkeynaya in aan kormeereyno habka warbaahinta ay u tabineyso dhacdooyinka Caalmka si guud ahaaneed iyo tan Somaliya si gaar ahaaneed cidna kama aqbali doono ku been abuurasho iyo sumcad xumeyn waayoo waan garaneynaa qaabka loola mucaamalo Murjifiinta iyo kuwa soo raaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this