Cowke Posted September 28, 2009 Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee Puntland Gen. Yuusuf Axmed Khayr ayaa sheegay in dadka Soomaalida ay soo mareen marxalado adag, hase yeshee hadda ay marayaan meel aad u adag. Isagoo ka hadlayey munaasabad abaalmarino lagu gudoonsiinayey dhalinyaro ka qeybqaadatey tartan aqooneed heer gobol oo lagu qabtey magaalada Boosaaso ayuu wasiir ku xigeenku si kulul uga hadlay dhibaatooyinka amni ee ka jira guud ahaan dalka, waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliuyeed inaysan ku dhex milmin dhibaatada iyo siyaasadaha is diidan ee hadda socda. Dalka waxaa burburiyey saddex waxyaaboo& Waa qori, qaad iyo qabiil&, ayuu yiri wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee Puntland. Waxaa uu intaa raaciyey baaq uu u diray shacabka inay arimhaas iska ilaaliyaan. “Soomaaliya waxay gaartey heer sare xag dhaqaale, militari iyo siyaasad, laakiin maanta xitaa waxaa laga waayey jiritaankeeda saaxada caalamka”, ayuu yiri Gen. Yuusuf Axmed Khayr oo la hadlayey dhalinyaro ka qeybqaadatey tartan aqooneed heer gobol ah. Waxaa uu wasiir ku xigeenku dhinaca kale sheegay in wasaaradiisu ay hadda ku hawlan tahay wax ka qabashada xaaladaha amaan. Gen. Yuusuf Axmed Khayr waxa uu sheegay in maamulka cusub uu isbedel ku sameeyey arimo badan oo ka jira gudaha xilligan. Hadalka wasiir ku xigeenka ayaa ku soo beegmay iyadoo wafdi sare oo ka socda maamulka uuna hogaaminayo madaxweyne C/raxmaan Faroole ay maalmahan booqasho ku joogeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted September 28, 2009 qorir qori , qaadi yo qabiil waa runtiis, waa waxaa dalka burburshay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Castro Posted September 28, 2009 Dalka waxaa burburiyey saddex waxyaaboo& Waa qori, qaad iyo qabiil& , ayuu yiri wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee Puntland. This would be the first sighting of intelligent life in the "Puntland cabinet"? Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted September 28, 2009 I used to hear the 7 Qs which distroyed somalis. 1) Qaad. 2) Qabiil. 3) Qori. 4) Qurun. 5) Qaylo. 6) Qalbi adayg. 7) Qabqable. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted September 28, 2009 Your list may make sense if you exclude no.4? Care to elaborate. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Castro Posted September 28, 2009 The interior minister had it right. The 3 culprits are sophisticated weapons from major nations, narcotics from neighboring Kenya and Ethiopia and the "my uncle" syndrome from within. A lethal cocktail, indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted September 28, 2009 Originally posted by Castro: The interior minister had it right. The 3 culprits are sophisticated weapons from major nations, narcotics from neighboring Kenya and Ethiopia and the "my uncle" syndrome from within. A lethal cocktail, indeed. Adi maxaa adeer la'n ku dhigey? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Castro Posted September 28, 2009 ^^^^ I have a few, none of whom had his picture taken with Hu Jintao or Obama. They're all siblings of my parents so I'm stuck with them hence my "bitterness" at other people's famous uncles. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Zinki Posted September 28, 2009 Originally posted by Juje: Adi maxaa adeer la'n ku dhigey? Who is your Uncle? The king of the Jungle? Quote Share this post Link to post Share on other sites