Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Islamic Administration succeeds in peacebuilding as part of reconciliation policy

Recommended Posts

Heshiis la dhex dhigay Beelo Walaalo ah

 

Kulan balaaran oo Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Jowhar soo qaban qaabiyay ayaa lagu heshiisiiyay labo Beelood oo Walaalo ah oo horey Colaadi uga dhaxeysay.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin Maamulka Gobolka ah & Odayaal Dhaqameedyo labada Beelood ee heshiiyay ka socdey ayaa lagu soo afjarey Colaad in muddo ah ka dhaxeysay.

Heshiiska Labada Beelood ee Walaalaha dhex marey ayaa qeexayay in wixii horey u dhex marey Labada Beelood ay ka heeshiiyaan wixii hadda ka dib dhex marana ay ku xalistaan sida Shareecada Islaamku qabto.

Sidoo kale in wixii colaad ah ee horey labada Beelood uga dhaxeeyay ay iska ilaawaan baal cusub oo Hashiis & Walaalnimo ku dheehanna ay furtaan.

Labada beelood ee heshiiyay ayaa wada dega, deegaano dhaca dhanka Bari ee Gobolka Shabeelada Dhexe. Intii ay socdeen Dagaalada dhex marey Labadeed ayay ka dhasheen khasaarooyin Badan oo Naf & Maalba leh.

Odayaal labada dhinac u Hadley ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin Heshiiska Taariikhiga ah ee dhex marey, sidoo kalena ka sheqeynayaan dhaqan gelintiisa.

Sidoo kale Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Jowhar Sh C/fataax Xasan Xuseen oo goobta isna ka Hadley ayaa sheegay heshiiska dhex marey Beelaha walaalaha ay soo dhaweynayaan dhiirina gelinayaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dhex dhexaadin kale oo ay ka dhex wadaan Beelo kale oo colaadi dhex taalo.

Maaha markii ugu horeysay oo Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Jowhar ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab uu heshiis dhex dhigo Beelo Walaalo ah oo horey diriri u dhex martey.

Heshiista Xoogaga Muqaawamadu dhex dhigaan Beelaha Walaalaha ee isku qabta Daaqa & Biyaha ee deegaanada ay wada dagan yihiin ayaa ah kuwo si aad ah loo soo dhaweeyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this