Sign in to follow this  
General Duke

Troops led by General Cabdi Samad Cali shire enter Laas Canood

Recommended Posts

Laascaanood: Ciidamo fara badan oo ku qulqulaya Laascaanood

20. September 2007

 

laascaanood(AllPuntland)- Maamulka dowlad goboleedka Puntland ayaa ciidamadii ugu xooganaa geeyay aaga uu dagaalka ku dhex maray labada ciidan ee iska soo horjeedo iyadoo gurmad ka tegaya gobolada iyo degmooyinka Puntland si weyn looga dareemay gurmad xoogan oo ku sii jeeda halka la isku horfadhiyo ee Abeesaley.

 

Ciidamadan oo ku hubeysan hubka waaweyn iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ee ciidamada Milateriga loogu talagalay iyadoo maanta laga dareemay deegaanka Laascaanood ciidamo dheeraad ah oo ku sii qulqulaya halkaasi.

 

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland Gen. Cabdi Samad Cali shire ayaa isagana maanta gaarey magaalada Laascaanood waxaana taliyaha socdaalkiisa ku wehliya ciidamo dheeri ah oo ku hubeysan hubka goobaha fog wax ka dila.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka socda maamulka Puntland oo ku sii qulqulaya Laascaanood

 

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay magaaladaasi iyo jiida hore ee dagaalka ee deegaanka Adhi-Cadeeye ay ku sii qulqulayaan ciidamo fara badan oo ka socda maamulka Puntland.

 

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa waxay halkaasi gaareen xili ay deegaanka Abeesaley ay ka oogan tahay xiisad iyo dhiilo colaadeed oo salka ku haysa dagaal maalinimadii shaley halkaasi ku dhexmarey ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland.

 

Warar SBC ay ka heshay ilo xog ogaal aha ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka gudbeen magaalada Laascaanood, iyagoo ku biirey ciidamada Puntland ee difaaca kaga jira duleedka magaalada Laascaanood, waxaana ciidamada ka mid yihiin ciidamada Puntland ee ku sugnaa Gobolada kale ee Puntland.

 

Puntland waxay ku eedeysay dagaaladii ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood inay ka dambeeyaan maamulka Somaliland iyo Isbahaysiga la magac baxay dib u xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya ee dhawaan lagu dhisey magaalada Casmara ee wadanka Eritrea.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadde oo si caro leh uga hadlay dagaalkii Adhi Cadeeye

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 20-Sebtember-2007

 

Maamul gobolaeedka Puntland ayaa maanta ka hadlay dagaalkii maalintii shalay deegaanka Adhi Cadeeye ee duleedka Laascaanood ee gobolka Sool ku dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.

 

Madaxweynaha maamulka Puntland Cadde Muuse ayaa ku eedeeyay maamulka S/land in ay duulaanka soo qaadeen Puntland-na ay ku jirtay xaalad isdifaaca ah .

 

Cadde Muuse oo u waramayay warbaahinta Puntland ayaa gaashaanka u daruuray warka ka soo yeeray wasiirka gaashaandhigga S/land ee ahaa in ay ku tala jiraan in guud ahaan ay qabsadeen gobolka Sool oo ay isku hayaan maamulka S/land .

 

"Warkaani ma ah mid haboon waa mid la isaga soo booday , Puntland talaabada ay qaadeyso waa mid iska cad", sidaa waxaa yiri Cadde Muuse.

 

Wareysi uu siiyay Radio Galkacyo ayuu madaxweyne Cadde Muuse ku eedeeyay mamaulka S/land in mar waliba ay ku soo xadgudbaan Puntland ayna ka shaqeeyaan deganaasho la`aan .

 

"Waxaa jira siyaasiyiin reer Puntlad ah oo wax ka wada dagaalka laakiin talaabo adag ayaynu ka qaadeynaa", sidaa waxa yiri Cadde Muuse.

Hadalka Cadde Muuse ayaa soo baxaya xilli maalintii shalay ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo S/land deegaanka Adhi Cadeeye.

 

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah: Khasaarihii soo gaarey ciidamada Somaliland ka soo gaarey....

 

Waxaa isa soo taraya khasaaraha uu keenay dagaalkii shaley dhexmarey ciidamada Puntland iyo maamulka Somaliland, iyadoo khasaraha soo gaarey dhanka ciidamada Somaliland saacadihii ugu dambeeyey ay ka soo baxayaan warar dheeraad ah oo faahfaahsan.

 

Dad xog ogaal ah oo ka gaabsadey in magacooda saxaafada laga sheego sababo dhanka amaanka ah oo ku sugan degmada Caynaba ee Gobolka Togdheer ayaa u xaqiijiyey SBC in afar askari oo ka mid ahaa ciidamadii Somaliland ee shaley dagaalka la galey ciidamada Puntland lagu aasey magaalada Caynaba.

 

Dadkan xog ogaalka ahi waxay tibaaxeen in sidoo kale 7 askari oo kale oo ka mid ahaa ciidamada Somaliland oo dhaawac uu ka soo gaarey dagaalkaasi loo gudbiyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Dagaalkii shaley ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee dhexmarey ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland wuxuu maanta saameyn weyn ku yeeshey dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee Gobolada Sool, Togdheer iyo Cayn, waxaana gabi ahaanba istaagay gaadiidkii isaga kala gooshi jirey goboladaasi.

 

Xaaladaha deegaanadii shaley dagaaladu ka dhaceen ayaa wali kacsan iyadoo laga cabsi qabo in dagaaladu mar kale halkoodii ka soo socdaan, maadaama aanay jirin cid ilaa iyo haatan u istaagtey sidii colaada ka soo cusboonaatey deegaankaasi loo joojin lahaa.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland Oo Abaabul Dagaal Ku Jirta...Waxayna Sheegen Inay Guul Ka Gaadheen dagl

 

(Laascaanood}20.9-7

Dhowr Baroon iyo ciidan uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland C/samad Cali Shire ayaa soogaadhay magaalada laascaanood xili ay socdaan dagaalo qadhaadh................................

 

C/samad Cali Shire oo ah Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ayaa maanta soogaadhay magaalada laascaanood wuxuuna toos ugu gudbay jiida hore ee ay ka socdaan dagaalada goos gooska ah ee u dhaxeeya somaliland iyo puntland.

 

sarkaalkaas hogaamiya ciidamada daraawiishta waxaa weheliyay sida la sheegay khubaro ku takhasuustay dagaalada waxayna haatan u kuur galayaan jihooyinka dagaalka.

 

Maamulka somaliland oo kal hore waxba kama jiraan ku tilmaamay dagaalkii hore ee isniintii ka dhacay laascaanood inuu dhexmaray puntland iyo somaliland ayaa haatan qiratay in xalay dhankooda ay dagaalameen.

 

somaliland wali wax guulo ah oo lataban karo maysan sheegan aan ka ahayn in xalay dagaal qadhaadh uu dhacay balse balse dhanka puntland ayaa guulo isdaba jooga sheeganaya.

 

Waxay puntlandtu ku adkaysanayaan in ay gubeen laba kamid ah tiknikada dagaalka ee ay wateen ciidanka somaliland isla markaana ay laayeen ciidamo halka dhankoodana ay ka qirteen in hal askari uu kaga dhaawacmay.

 

Liibaan Jordan::;Widhwidh Online News Desk...Media Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cadde Muuse somaliland hadii aysan joojin daandaansiga ay wadaan Puntland waxay ka bixin doontaa jawaab ay la dhakafaaraan.

 

Madaxwaynaha Puntland oo saxaafada warsiiyay isagoo ku sugan wadanka Emaaraadka carabta ayaa si kulul uweeraray weerar la sheegay inay ciidamada somaliland ku soo qaadeen deegaanada puntland isagoo sheegay in xiligan wixii ka dambeeya uu dhamaad yahay dulqaadkii Puntland iyo tixgalintii ay u haysay darisnimada.

 

Madaxwaynaha oo hadalkiisa laga dhadhansan karay caro saa'id ah ayaa sheegay in ciidamada puntland ay difaaci doonto weerar kasta oo kaga yimaada dhanka Soomaaliland isagoo Madaxweyne Muuse sheegay, maamulka Puntland uu tilaabo muuqata ka qaadi doono maamulka Hargaysa.

 

Madaxweyne Cade Muuse wuxuu sheegay in Soomaaliland ay dhowr jeer oo hore ay soo wareertay deegaanada Puntland, isagoo Cade Muuse sheegay in maamulkiisu uu tilaabo muuqata ka qaadi doono maamulka Somaliland.

 

Madaxweynaha Puntland, ayaa beeniyey warar sheegaya in ciidamada dagaalamayaa ay yihiin kuwa Somaliland iyo kuwa dowlada Faderaalka ee kusugan deegaankada Puntland.isagoo cade muuse sheegay in warkaasi uu yahay been la soo dhoob dhoobay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo ka socda Puntland oo ku sii qulqulaya magaalada Laascaanood kadib dagaalo ka qarxay shalay duleedka laascaanood.

 

Magaalada laascaanood ayaa la ciiraysa ciidamo faraban oo kaga soo qulqulaya dhinaca magaalada garoowe iyadoo ay soo gaareen gobolka sakaariil sar sare oo ka socda laamaha ciidamada Puntland uuna hogaaminayo taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta iyadoo uu kulamo la qaatay saraakiishii ciidamada puntland ee horay u joogay jiida hore.

 

Taliyaha ciidanka daraawiihta oo ay la socdeen ciidamo xoogan ayaan ku hakan magaalada isagoo isla markiiba u gudbay jiida hore ee laysku horfadhiyo deegaanka lagu magacaabo abeesaalay.

 

Taliyaha ayaa soo gaarsiiyay ciidamada raashin iyo qalab military isagoo ugu hambalyeeyay siday ujabiyeen ciidamadii somaliland oo weerarka ku soo qaaday fadhiisimadooda kuwaasoo uu sheegay inay guuldaro kula laabteen halkii ay horay uga soo duuleen.

 

shalay ayaa dagaal qaraari ku dhexmaray maamulada somaliland iyo Puntland deegaanka abeesaalay iyadoo dagaalkaas ay puntland sheegatay inay ka gaartay iyadoo sheegtay inay gawaari dagaal ku gubeen dagaalka askarna kaga laayeen somaliland.

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke, whats the truth of this? Why now? Does tfg has a hand in this?

 

 

 

It's getting out of hand...or it sounds like it!

 

ps--where's bro sophist when you need him...all these news portals are confusing!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Xiin, nothing major adeer, Somaliland like it did in Dhahar tried to get clever, but now things have calmed down since more troops have arrived from other parts of the state.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Amazing, Puntland never seizes to produce from time to time Genrals and high number of troops according to Duke. I just pray at sometime they will rise to defend their nation from the likes of Duke and his masters Axmaros - but then again it is well documented these 'Generals' and 5000 troops have never claimed victory anywhere in history and have only emerged now with the presence of Ethiopian tanks.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

^^^lool. No one had any doubt what you thought of those darn Somali's from Puntland.

Indeed! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by The Duke:

^^^Indeed, what you think or daydream about will have little impact on those darn Somali's from Puntland. We all knew that as well.
:D

Nah! That is where you are wrong. Tell me how long will the Ethiopian tank be in Somalia - that is how long the smile will be in your face... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this