Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Qabiil Wada Shiikh ah

Recommended Posts

Qabiil Wada Shiikh ah,Jabhad Wada Wadaado Ah,iyo Booli Xalaal ah? Cajiib

 

 

1. Qabiil wada sheekh ah

2. Jabhad wada wadaaddo ah iyo

3 Booli xalaal ah,

 

 

1. walaalayaal saddexdaan oraahood waxaan u doortay inaan ka hadlo waxaa weeye waxaan maqallaa sheekh hebel,sida sheekh daahir,sheekh,yuusuf,sheekh shariif,sheekh caga wayne,waxaan kaloo maqallay macallin cayroow oo halkaas sheekh malaha waa looga waayey,maxaase dadka u diidey Dr hebel,profiser hebel,injineer hebel general hebel,col.hebel iwm marka malaha sheekhaani waa uun nin boos loo ciriiryayo kkkkkk.

 

 

Tan kale miyaan qabiilkuba sheekh iyo macallin maahee uusan lahaynba wax aw ah,ama iska caadi ah amaba caamo iska dheh,culimadaan faraha badan oo mushaa ikhiinta leh,oo macallimiinta lihi xaggee jireen 15kii sano ee wax walbaaba dheceen,dil,kufsi,dhac,boob,bililiqo baahsan,haddaan awood jirin maxay afka uun uga hadli waayi jireen waxaas oo dhan been kasoo qaad.

 

 

2. ma wax dhicikaraa in jabhad noqoto wada wadaaddo illayn waaba jabhad u bannaan baxday inay dhiig daadisee,waxa halkaas ku dhimanayaana cid walba waa isugu jiraan, Tan kale wadaad sow kii ilaahay ka biqijirey oo dadka xumaanta ka reebijirey oo wanaagga fari jirey maahan, goormaan arki jirey wadaad bililiqo guranaya oo xalaashanaya dhiigga dadka islaamka ah amaaan waxba galabsan haddana cunaya oo xiranaya oo guursanaya oo ku hoyana wax wada xaaraan ah wada wadaaddo halkaas ha inoo ka hareen waa uun nooc ******** ah,wadaadana majiraane yaan lagu wareerin,wadaad waa kan alle kacabsada wuxuu wuxuu ka reebayna ka hara.

 

 

3. waxaan maqallaa maxkamado ayaa caradii qabsaday,sow looma baahnayn inay marka hore ka shaqeeyaan garsoorka oo wixii dulmanaa ka kor qaadaan,dhibka xamar ka jirey ma wuxuu ahaa in taliye kooxyadii laga eryo oo mid la mid ahi uun meeshii qabsado mise waxay ahayd in

 

 

A. Nabadda magaalada la sugo,

B. Nadaafadda laga shaqeeyo

 

 

C. Caafimaadka wax laga qabto

 

 

D. Waxbarashada wax laga qabto.

 

 

E. Gaajada iyo baahida wax laga qabto oo maatada loo gargaaro mise

 

 

F. In inta waxaasoo dhan la illoobo sheekh ku sheeg,ama wadaad ku sheeg,uu isku dayo inuu

jeebka lacag ka buuxasado isla markaasna maatada cuna qabatayn ku sameeyo oo uu uga

 

 

daro kuwa ay isku sheegaan inay ka xoreeyeen dadka muqdisho oo ayna ku dadaalaan inay sameeyaan cuna qabatayn oo ay dhahaan urur kaliyihi hanoolaado inta kalena ha baqtido, oo ay caddahay in midab takoor halkaas hareeyo boolidii horay loo haysteyna hadda midkale oo lagu daro la sii raadinayo iyadoo malaha tii hore ay yaraatay,tii hore iyo tu dambana saas loo xalaalaysto.

 

 

Intaas aan soo sheeagay iyo in ka badan oo aanan halkaan ku soo koobi karini hadday tahay hawl ay fulinayaan maxkamado isku sheega inay diin ku dhaqmayaan haddii ay magac kale sheegan lahaayeen sidee buu ahaan lahaa dhaqan koodu,

 

 

waxaan u daynayaa arrintaas dambe akhristayaasha iyo qof kasta oo arka qoraalkaan.

 

 

waxaan ku soo koobayaa walaalayaal ilaahay khayrka ha ina waafajiyo dalkeenna iyo dadkeennana ilaahay dhibaatada ha ka saaro,ilaahowna diintaada u gargaar amiiiiiiiiin

 

 

Qore Xasan yuusuf jibriil.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this