Mahdi Posted August 28, 2005 Franēois Lonsény Fall ayaa la filayaa in uu la kulmo maalinamada Sabtida wasiirka arimaha dibada ee Masar Ahmed Aboul Gheit iyo Madaxa jaamacada carabta Amre Moussa. Maalinimada Axada Ergi-ga QM wuxuu u ambaxayaa wadanka Ethiopia, si uu ula kulma madaxa ururka midowga Afrika Alpha Omar Konare. Inta uu joogo Mr.Fall magaalda Addis Ababa wuxuu kaloo la kulmi doonaa madaxda wadanka Ethiopia. Horaantii bishaan Mr.Fall ayaa waxa uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay magaaloyinka Jowhar iyo Muqdisho xubnaha DFKMG ah oo khilafku ka dhexeyo isaga ka codsaday in ay UN-ta kala shaqeyaan xubanhaasu sidii ay u dhamayn lahaayeen khilaafkan caqabada ku noqday sidii ay u shaqayn dowladii lagu soo dhisay wadanka Kenya. Mr. Fall ayaa xiriir joogta ah la leh Madaxwaynaha DFKMG ah Mud. Cabdulahi Yusuf iyo raysul wasare Geedi, sida uu sheegay xafiiska siyasada ee QM u qabilsan arimaha Somaliya (UNOPS) xaruntiisa Nairobi ayaa Madaxwaynaha iyo Rasulwasaare Geedi waxay qabaan in si ku meel gaar ahaan ah ay dowladu ugu sii hakato magaaloyinka Jowhar iyo Baydhabo. Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan, qayb ka tirsan golaha wasiirada iyo koox xildhibaano ah ayaa waxay ku adkaysanayaa in saldhiga dowladu ahaado magaalada Muqdisho. http://allafrica.com/stories/200508260751.html Allafrica/Garoweonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites