Sign in to follow this  
General Duke

Latest news.. Courts on back foot..

Recommended Posts

Simbanews, a mogadishu radio station..reports the following

Dagaal xoogan oo xalay dhex maray Maxkamadaha iyo Dowlada Federaalka.

 

Muqdisho, Khamiis, 21 Dec 06 Simba Radio

 

Dagaal lagu sifeeyay in uu ahaa kii ugu qaraaraa ayaa xalay saqdii dhexe ciidamadada Dowlada iyo Maxkamadaha waxa uu ku dhwex maray in ta u dhaxeysa Moodamoode iyo Wariisho .

 

Dagaalka ayaa ilo wareedyo kusugan magaalada beydhabo waxa ay xaqioijiyeen in dagaalku si rasmiya xalay uu u bilaawday abaarihii 1-dii habeenimo kaasi oo socday ila saakay waabarigii .

 

Wararka ayaa intaa raacinaya in dagalka leysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

Daryanka rasaata ka dhaceysa hubka cul culus ayaa xalay laga maqlayay magaalada beydhabo oo ah xarunta dowlada fadaraalka .waxa ay na wararku in raacinayaa in xalay magaalada beydhabo qalqak xoogan uu kajiray taasi oo lagu macneyay jawiga cimilada oo dagan iyo hugunka rasaasta oo aad u xoogbadneed.

 

Warar kale ayaa xaqiijinaya in maxkamada difaacooda ugu weyn ay saareen dhinaca mooda moode iyo Wariisho oo xalay dagaalku sida kulul uu uga holacay .

 

Dhaqadhqaaq ciidan kii ugu weynaa ayaa ka jira xarumaha labada sdhina iyo sal dhigyada laga hago xoogaga dagaalamaya ee maxkamadaha iyto ciidamada Dowlsada oo ay taageerayaan Xoogag itoobiyaan ah

 

Suxanimadii hore ee saakay oo dagaalku joogsay ayaa xaalku Iminka uu dagan yahay waxaana mar waqlba lafilan karaa in

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo culus oo xalay ka qarxay deeganka Daynuunaay iyo Moode-moode

 

Baydhabo 21, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Dagaalo cul culus oo madaafiic la isku adeegsaday ayaa xalay saqdii dhexe dib uga qarxay deegaano ku dhow dhow Daynuunaay iyo Moodo Moode.

 

Dagaalkaan ayaa waxa uu dhex maray ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa Ethiopia iyo kuwa maxkamadaha islaamka Somalia, iyadoo labada dhinac madaafiic cul culus oo ay isweydaarsanayeen laga maqlayay gudaha magaalada Baydhabo xalay saqdii dhexe, kuwaasi oo hakaday waabarigii saakay.

 

Dagaalakaan oo ahaa mid aan u culus ayaanu jirin faahfaahin rasmi ah oo ku aadan natiijada uu ku dhamaaday, laakiin dadka ku dhaqan magaalooyinka Buur-hakaba iyo Baydhabo ayaa inta badan waxa ay ka sinaayeen maqalka sawaxanka iyo daryanka madaafiicda ay isweydaarsanayeen labada dhinac.

 

Dowladda KMG ah ee Somalia Mas'uuliyiin u hadashay waxa ay sheegeen in aysan heyn natiijo rasmi ah oo ku aadan dagaaladii xalay ka dhacay deegaano ku dhow dhow Daynuunaay, walow ay sheegtay in ay ku gacan sareyso dagaalka.

 

Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay sheegteen in dagaalkii xalay uu dhinacooda soo gaaray qasaaraha 8 ruux oo dhaawac ah, inkastoo dhinaca dhimashada aan faahfaahin rasmi ah laga bixin sida uu shabelle u sheegay Sheekh Mustaf oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Buur-hakaba.

 

Saakay waa ay dagan tahay agagaarka Moode Moode iyo Daynuunaay oo xalay dirir la isku adeegsaday madaafiic ay ka dhacday, inkastoo mararka qaar la maqlayo wali madaafiic goos goos iyo rasaas ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Dagaallo mar kale xalay ka curtay inta u dhexeysa Daynuunaay iyo Buur-hakaba oo ay ku...

 

Posted to the Web Dec 21, 07:28

 

Baydhabo (PP) - Dagaallo kale oo aad u qaraar ayaa xalay ku dhex maray inta u dhexeysa Daynuunaay iyo Buur-hakaba ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maxakamdaha Midoobay oo halkaas ay dagaallo hore ku dhex mareen.

 

Dagaalkii xalay ayaa ahaa mid ka xoog badan kii shalay dhex maray labada dhinac, waxaana wararka ka imaanaya deegaannada ay dagaallada ka socdaan ay sheegayaan in rasaasta ay xalay labada dhinac is weydaarsadeen ay ahaayeen kuwo xoog badan.

 

Ilo wareedyo ku sugan Degmada Buur-hakaba oo ay Puntlandpost la xiriirtay ayaa u sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid xoog badan, isla markaana si aad u daran looga maqlayay degmadaas dagaalka, waxaana wararku ay sheegayaan in xalay degmadaas ay ahyad mid xaaladdeedu kacsan tahay.

 

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Buur-hakaba ayaa u sheegay Puntlandpost in ay jiraan cabsi xoog badan oo ay ka qabaan in dagaalku uu noqdo mid ku soo fida dhankooda, balse waxay sheegeen in ay rajeynayaan in dagaallada ay noqdaan kuwo qabooba.

 

Dhanka kale, Degmada Baydhabo oo aan xiriir la sameynay ayaa waxay dadka ku sugan noo xaqiijinayaan in Madaafiicda waaweyn ee la is weydaarsanayay xalay laga maqlayay Degmada Baydhabo, maadaama uu jawiga dagganaa, waxaana ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid aad u daran.

 

Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale xalay waxay ahayd meel ay aad u kacsan tahay xalaadeeda, waxaana dad ku sugan ay u sheegeen Puntlandpost in rasaasta waaweyn ay aad u maqlayeen xalay intii uu dagaalka socday oo ay ku sheegeen inay ahayd 2-saacadood.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Dawladda federaalka oo sheegtay in rag xag jir ah oo ajnabi ah ay ku dhinteen dagaalladii shalay.

 

Khamiis, December 21, 2006

Baydhabo(AllPuntland)- Wasiir kuxigeenka gaashaan dhigga dawladda Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in dagaalkii shalay dhacay ay ciidanka dawladdu dileen dagaal yahanno ajnabi ah oo ku jira liiska argagixisada caalamiga ah.

 

Salaad Cali Jeelle wuxuu sheegay in ragga ku dhintay dagaalkii shalay ee safafka hore ka dagaallamayay inay ugu muhiimsanaayeen laba nin oo u kala dhashay Ereteria iyo Afganistan.

 

Salaad Cali Jeelle oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa wax laga waydiiyay sababta uu ku xaqiijin karo in dagaal yahaniintaasi ay dileen , mar haddii maydkooda aysan haynin, wuxuu tilmaamay wasiirku in safafka hore ee dagaalka shalay ay ku dhinteen raggan ajnabiga ah ,dawladdana ay u xaqiijiyeen wakiillo ay bulshada ku dhex leedahay, wuxuuna sheegay inay warkaasi u sheegeen dad maxkamaduhu khasab daagalka kusoo galiyeen.

 

Wasiir kuxigeenka dgaashaan dhigga Soomaaliya wuxuu sheegay in markii ay raggaasi dhinteen in durba maxkamaduhu ay gaadiid kula carareen.

 

Wasiirka waxaa wax laga waydiiyay sababta dagaalka keentay xilli wafdi caalami ah oo kasocda beesha caalamka ay joogaan Soomaaliya ayuu sheegay in maxkamaduhu ayba kusoo beegeen dagaalka socdaalka wafdiga .

 

Salaad Cali Jeelle oo wax laga waydiiyay khasaaraha soo gaaray ayaa sheegay in 2 askari ay ka dhinteen , tiro kalena ay ka dhaawacmeen ciidanka dawladda.

 

Mar uu ka waramayay khasaaraha gaaray dhinaca kasoo horjeeda wuxuu sheegay inay saddex gaari ka qabsadeen malleeshiyo aad u fara badanna ay ka dhinteen.

 

Salaad Cali Jeelle wuxuu sheegay in dawladdu ay mar walba ku khasban tahay inay is difaacdo , laba sano iyo barna ay difaac iyo nabad raadin kusoo jirtay.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: " 17 gaari ayaa maxkamadaha laga qabtay maxaabiisna gacantaa looga dhigay" xildhibaan dawladda ka tirsan.

Khamiis, December 21, 2006

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Tan iyo markii shalay dagaallada xooggan ay ka socdeen gobolka Baay tuulooyin hoostaga waxaa la waayay warar rasmi ah oo sheegaya khasaaraha dhabta ah ee dagaalladii shalay oo dhan socday ay gaysteen.

 

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xasan Yacqub Geescadde ayaa sheegay weeraradii dhowrka waji ahaa ee ay maxkamaduhu soo qaadeen ay ahaayeen kuwo la iska caabbiyay , khasaarana ay kala kulmeen dagaalkaasi.

 

Md: Geescadde oo waraysi siinayay Radio Gaalkacyo ayaa sheegay in maxkamadaha ay ka qabteen gaadiid gaarya 17 oo ah kuwa tiknikada ah oo dagaalladii shalay ka qayb qaadanayay.

 

Xildhibaanku wuxuu sheegay inuusan war u ahayn khasaarihii ka dhacay Magaalada Buurhakaba, hase ahaatee 17kan gaari lagu qabsaday dagaal ka dhacay aagga Diinsoor.

 

Wuxuu intaasi xildhibaanku ku daray in gaadiidka laga qabtay ay dawladda federaalku gacanta ku hayso, sidoo kalana ay dawladdu hayso rag maxaabiis ah oo dagaalladii shalay lagu qabtay.

 

Xildhibaanku wuxuu sheegay dagaalkii ka dhacay Buurhakaba uu ahaa mid aad u kharaaraa, maxkamadahana bannaanka looga saaray magaaalada, ayna ku sugan yihiin buundada magaalada looga boxo.

 

Mar wax laga waydiiyay qorshayasha dawladda u yaalla dagaalladii shalay kadib , wuxuu sheegay in dawladdu ay ku taagnaanayso waddadeedii ay kusoo taagnayd 2da sanada iyo barka ee ahayd inay colaadda iyo dagaalka ka war wareegto.

 

Khasaaraha dagaalladii shalay dhacay ayaa wararka qaar ay ka badaniyaan inta uu xildhibaanku sheegay , halka warar kuwaasi kasoo horjeedana ay ku tilmaamayaan in khasaare wayni uusan gaarin maxkamadaha.

 

CCC Farayaamo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali govt claims victory

 

21/12/2006 08:28 - (SA)

 

Mogadishu - Somalia's transitional government claimed on Wednesday that its Ethiopian-backed armed forces had inflicted heavy losses on Islamic fighters in an upsurge in a conflict threatening to embroil the entire region.

 

Rival forces pounded each other with heavy shells and rockets near the seat of government in Baidoa, about 250km northwest of the capital, Mogadishu, and hundreds of terrified civilians fled the battlezone.

 

The information ministry in Baidoa said: "The onslaught of the Islamic Courts Union and their terrorist allies has been defeated", adding that "hundreds" of Islamic fighters had been killed.

 

The clashes began overnight on Tuesday after Islamist forces attacked government training camps in Daynunay and Manas, each within 30km of Baidoa.

 

Hundreds of civilians flee

 

The ministry said: "The ICU sustained hundreds of their combatants dead while other hundreds are wounded." Earlier, Islamic commander Sheikh Mohamed Ibrahim Bilal said the fighting "could result in heavy casualties".

 

Residents said hundreds of civilians fled the battlezones in southern Somalia, where nearly a million people had already been affected by heavy flooding.

 

Muhidin Ali Mursal, a resident of a village near Idale, said: "People have already started fleeing from the area and there are a lot of armed forces from both sides."

 

The fighting came a day after the expiry of an Islamist ultimatum for Ethiopian forces backing the weak government to withdraw.

 

The statement made no mention of Ethiopian troops despite witness accounts of them participating in the fighting that erupted midnight on Tuesday, two hours after the expiry of the Islamist ultimatum.

 

It added that the two military outposts had come under sustained mortar fire on the outskirts of Baidoa.

 

Mediated peace talks collapsed

 

The fighting took place on the day European commissioner Louis Michel held talks with President Abdullahi Yusuf and Islamists chief Sheikh Hassan Dahir Aweys.

 

He added: "Both parties ... have reiterated their commitment to the Khartoum dialogue process and political solution to the Somali crisis." No date for a resumption was given.

 

Aweys said: "We had a meeting with the European Union and the meeting was significant and it ended in mutual understanding."

 

Arab League-mediated peace talks collapsed last month after the Islamists refused to meet.

 

Deputy defence minister Salad Ali Jelle said one group of Islamist fighters involved in the clashes was led by Sudanese national, Abu Taha al-Sudan, one of three extremists wanted by Washington.

 

Jelle said: "Al-Sudan, the terrorist is leading the Islamic courts militias in the fighting. We have information that he is the one who attacked us in Idale", one of the government training camps.

 

Ethiopia had sent several hundred military trainers and advisers to help the government, but denied widespread reports that it had deployed thousands of combat troops to Somalia.

 

 

News24 is now available on your cellphone. Sign up and win a Samsung phone!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this