Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Arrintu Waxay Noqonaysaa Garowe Dhexdeeda Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland

Recommended Posts

“Puntland Hadday Isku Daydo Inay Samayso Abaabul Dagaal Waxaanu U Sheegaynaa Inay Arrintu Garoowe Dhexdiisa Noqonayso” Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland – Ibraahim Caydiid Dhadhable

 

Abaandulaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ibraahin Caydiid Dhadhable oo hada ku sugan Jiida hor ee gobolka Sool isaga oo Kormeer ku maraya Aaga Hore ee ciidanka ka shisheeya magaalada Laas-caanood ayaa warbixin kooban weriyaha Haatuf ee gobolka Sool, A. A. Yusuf ka siiyay xaaladda jiiddaas, waxaanu sheegay inaanay jirin wax dhibaato ahi, isla markaana ay la socdaan dhaqdhaqaaq kastoo oo ay ciidamada cadowgu qaadaan.

 

Ibraahim Caydiid ayaa ugu horeyn isagoo xaaladda jiidaas ka waramaya waxa uu yidhi “Waad aragta xaalada jiida waxana hada dagalki laga jooga muddo waqtigi Gobolka la qabtayna ciidamadu waxa ay ku dagalameen debeda daafaha waxa kaliya ee ilaa hada laga arkaya Magaalada waxoogaa shaqaaqo mudaharaada oo ay kooxo yar oo dhalinyaro ahi ka samaynayaan xaafad ka mida Magaalada taas oo la doonayo in si nidaama loo galo.”

 

Abaanduluhu mar uu ka hadlayay xaaladda dagaal ee waqtigan iyo hanjabaadaha Puntland waxa uu yidhi “Tabaha dagaalku waa faro badan yihiin, tab kasta oo ay Puntland la timaadona waanu la soconaa, diyaar baanuna uu nahay in aanu tabta ay keenaan teeda kula dhaqano, taasina waxa ay ka mid tahay xaaladaha dagaalka saacadaa laga bilaabo waxa aan awoodaa in aan ciidan u diro Garoowe oo aan waxaan doono ka soo sameeyo, balse waxa qudha ee aan iska diidayaa dagaalka noocaas ah balse waxa aan kuu sheegayaa in aanu si kasta oo ay xaaladda dagaalka u dhigaan aanu ula gudhin karo, Ciidamaduna waxa ay xidheen dhamaan Aagaga Gobolka waana Ciidamo dhumucdoodu dhisan tahay waxana ay is haystaan ilaa Oog iyo ilaa Jiidaha hore ee Magaalada Laas-caanood ka horeeya.”

 

Abaandulaha mar la waydiiyey waqtiga ay xadka gaadhayaan waxa uu sheegay in ay sida ugu dhakhsaha badan u tagayaan waxana uu yidhi isaga oo arrintaa sharaxaya “Ujeedada ugu horaysaa waa in xadka la tago, in badan ayaanu fadhinay aagan dhexe balse hadda waxa naga go’an in aanu xadka tagno anagu ma nihin wax iska yaacaya ee waxa aanu nahay ciidan dhisan oo u soconaya qaab istarajijiya waxa aanu wadnana waa istarajijiyada anaga oo leh istarajijiyadayada ayaanu waxa aanu doonaynaa in aanu xadkayaga ku tagno si dhib yar. balse hadday Puntland isku daydo in ay soo samayso abaabul dagaal waxa aanu u sheegaynaa in aanu Garoowe dhexdiisa arrintu noqonayso” ayuu hadlakiisa ku soo xidhay.

 

Dhinaca kale mar aan Aagagaa booqday ciidamadu waxa ay ahaayeen qaar si xoogan u feejigan iyada oo ay ii sheegen in ay la socdaan xaaladaha ka jira Garoowe oo ay sheegeen in aanay awood buurani jirin balse ay diyaar u yihiin wax kasta oo ay isku dayaan.

 

 

Xigasho: Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by SheekhaJacaylka:

“Puntland Hadday Isku Daydo Inay Samayso Abaabul Dagaal Waxaanu U Sheegaynaa Inay Arrintu Garoowe Dhexdiisa Noqonayso” Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Somaliland – Ibraahim Caydiid Dhadhable

Xa ku boota ah...!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this