Sign in to follow this  
me

Sababihii Burburkii Ciidanka Soomaaliya - Col.Canjeex

Recommended Posts

me   

Sababihii Burburkii Ciidanka Soomaaliya, intii ka danbaysay Shilkii Maxmed Siyaad Barre 1987kii iyo Dilkii Xeebta Jasiira(Xogbixin Col.Canjeex).

 

 

Aug 07, 2006 By:Col. Ibraahim Cali Barre(Canjeex)

 

Dimishiq(Radiossc.net):-Sida aynu la socona Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan, kuwaas oo raadweyn ku yeeshay isbadeladii siyaasadeed ee ka dhacay dalka 30kii sanno ee dawladii dhexe ee Soomaaliba soo martay maamulaysay dalka.

 

 

Waxaana jirtay marxalado raadweyn ku lahaa isbadelka habsami u socodka hawlihii dawlada dhexe , haddaba waxaa jitay dhacdooyin abuuray isbadelo mugweyn oo laga yaabo Soomaalida inteeda badani in aanay dhaadin xilliyadaas oo raadweyn ku yeeshay ama abuuray jawi isbadel, waxaana ka mid ahaa muddooyinkii ka horeeyey kacdoonadii dalka ka abuuray isbadelka muggaweyn oo ayba kuba burburtay xukuumadii dhexe ee Soomaaliya, sida shilkii ku dhacay madaxweyne Maxmed Siyaad Barre, loolankii ka dhex qarxay labada kooxood ee ay kala hagayeen Maslax Maxmed Siyaad iyo Maxmed Cali Samatar loolankaas oo uu ku doonayey Maslax in uu dalka ku qabsado.

 

 

Waxa kale oo iyaguna isbadelka gogol xaadh u ahaa gudaha dalka marka laga yimaado jabhadihii dalka dibadiisa weerarka ka soo qaaday,kacdoonkii ka dhacay masjidka Sheikh Cali Suufi iyo xasuuqii xeebta jasiira, haddaba dhacdooyinkaas oo dhan waxaa xog balaadhan inaga siinaya Col. Ibraahim Cali Barre(Canjeex) Taliyihii Hore ee guutada labaad ee taangiyada, isla markaana ahaa ciidanka kayd wasaaradda gaashaan dhiga guutadiisuna u xilsaarnayd nabad galyada Magaalada muqdisho , oo isagu ka mid ahaa saraakiishii dhacdooyinka badankooda goobjoog ka ahaa.

 

 

Shilkii La Soo Gudboonaaday Maxweynihii Hore Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Siyaad Barre ILaahay Hawnaxariistee Sannnadkii 1987kii.

 

 

Sannadkii 1987kii waxaa madaxweynaha Soomaaliya la soo gudboonaaday shil gaadhi , kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Afgooye , waxaana iyaga oo Muqdisho ku soo socda is galay gaadhigii madaxweynaha iyo Gaadhi Caasiya, xilligaas oo lagu jiray bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana gaadhiga uu madaxweynuhu saarnaa shufeer ka ahaa Xasan Abshir Faarax oo ahaa duqa magaalada Muqdisho.

 

 

Madaxweyne Siyaad Barre shilkaas jugweyn ayaa ka soo gaadhay wuuna miyir doorsoomay, waxaana isla markiiba diyaarad gaar ah u soo diray boqorkii dalka Sucuudiga ee xilligaas boqor Fahad ilaahay hawnaxariistee, waxaana loo qaaday dalka sucuudiga.

 

 

Waxaana xilkii dalka la wareegay golihii sare ee kacaanka oo ka koobnaa shan xubnood kuwaas oo kala ahaa, Maxmed Cali Samatar Axmed Saleebaan Dafle, , Ina Laxwas, Xuseen Kulmiye Afrax.

 

 

Loolankii Dhexmaray Kooxda Maslax Ee Xukun Doonka Ahayd Iyo Kooxda Cali Samatar.

 

Koox uu madax ka ahaa Maslax Maxmed Siyaad Barre, Aadan Gabyow, iyo saraakil yar yari waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay doonayaan in ay xukunka la wareegaan, waxaana uu loolan aad u xoogbadani dhex maray ruug caddaagii kacaankii ka soo qayb qaatay kuwaas oo ahaa Maxmed Cali Samatar oo ahaa xilligaas madaxweyne ku xigeen , isla markaana ahaa wasiirka gaashaan dhiga, Axmed Saleebaan Dafle oo ahaa wasiirka arrimaha gudaha.

 

Waxaana halkaas ka qarxay loolan aad u qadhaadh , anigu maadaama aan ahaa taliye guuto aad u xoogbadan, waxaa kulan ila yeeshay Maslax Maxmed Siyaad Barre iyo Aadan Gabyow waxayna igu yiraahdeen waxaanu doonayna in aanu dalka qabano, waxaan marka weydiiyey su’aal waxaana ku iri yaad saraakisha Soomaaliya ugu awooda badan kala haystaan ilayn wuxu inqilaab yar maahee, waxaa ii muuqatay in aanay la haysan Maxmed Aaadan Dagacadde oo qaybta dhexe ee dalka Haystay, Maxmed Siciid Xirsi Morgon oo waqooyiga Soomaaliya haystay, C/samad Cali Shire oo Baydhabo qaybta 60 Haysan , oo afarta dhina midna taageero ka wadan, oo doonayey in ay dagaal ahli qarxiyaan, waxayna iila muuqdeen dhidar onkod ku kacay.

 

 

Hawshaasina waxa ay ka soctay xarunta ciidamada ee heegan, waxaana aniga si toos ah iigu soo bandhigay Maslax Maxmed Siyaad iyo Aadan Gabyow oo ahaa markaa wasiir ku xigeenka gaashaan dhiga ,waxayna isaamineen in aanu odaygu soo noqonayn oo xaaladiisu khatar tahay , waxayna u xusula duubeen in ay dalka gacanta ku dhigaan, markaan arkay in aanay raggani wax natiijo leh soo kordhinayn ogaadeyna in aanay saraakiisha ciidamada kuwooda u waaweyn la haysan, shakiweyna la kala qaaday gaar ahaan labadan kooxood ee Maslax iyo Cali Samatar kala hogaaminayaan oo ragga qaarkiis anaay seexanba guryahooda sida Axmed Saleebaan iyo Cali Samatar oo kale ayaan waxaan guda galay in aan si toos ah xogta u siiyo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Saleebaan Dafle una sheego in aanan la socon ragga hawsha ku foogan.

 

 

Waxaanay Maslax iyo kooxdiisu gacanta ku hayeen gaaska 14aad ee ilaalada madaxtooyada oo ay ciidamada aan anigu gacanta ku hayey a ka tiknika badnaayeen, markaa ciidan aanan ku jirin waxba may fulin karaynin, markii ay og-aadeen in aanan diyaar u ahayn in aan hawshaas la fuliyo hankii ay qabeen waa ka jabay, waxaana taas u sabab ahaa iyaga oo aan waxba hore u sii diyaarin, noqdayna Dhidar onkod kiciyey, waayo waxoodaba waxaa kala tuuri lahaa ciidanka gobollada dhexe jooga oo ka tikniko iyo hubba badnaa intayadii muqdisha joognay.

 

 

Soo Noqoshadii Siyaad Barre.

 

 

Sadex bilood markii uu inta badan miyir doorsanaan ku jiray, laguna baananayey dalka Sucuudiga, uuna dalka ka talinayey Maxmed Cali Samatar iyo golihii kacaanka, waxa uu ku soo noqday dalkii isaga oo waliba aanay garashadiisu taam ahayn, waxaana looga waramay waxyaalihii dhacay Maxed Cali Samatar iyo Axmed Saleebaan Dafle wax ay u sheegeen in aan anigu kala badbaadiyey oo haddii aanan ka dhaga adeegeen hungurigii Maslax iyo Aadan Gabyow dalka dagaal sokeeye ka dhici lahaa.

 

 

Markii uu madaxweynuhu warbixinihii kala duwanaa qaatay isbadelo hor leh ayaa ka dhacay dalka inyar markii uu madaxweynuhu joogay dalkaba, waxaana xilalkii laga qaaday wasaarada gaashaandhiga Maxmed Cali Samatar, AXmed Saleebaan Daflena wasaaraddii Gudaha, waxaana la dalacsiiyey Maslax Maxmed Siyaad oo laga dhigay taliyaha ciidamada qalabkasida, wasiirka gaashaandhigana waxaa laga dhigay Gabyow, waxayna ka faa.iideysteen shilkii iyo maskaxdii Maxmed Siyaad Barre oo aan sideedii ahayn.

 

Waxaana bilaabmay wixii shilkii ka danbeeyey iyo isbadelkii hogaanka sare ama wax loo yqaano (مراكز القوه in ciidamadu aad hoos ugu dhacayeen oo isbadelo xataa hogaankii qaybaha ay ka dhaceen taas oo u muuqtay in ay ka faa’iideysanyeen kooxda Maslax wixii iska hortaagay xukunkii ay doonayeen in ay gacanta ku dhigaan.

 

 

Waxaana diriray oo kala qaybsamay hogaankii dalka oo laba qaybood u kala jabay oo waaweyn , waxaana dalka ka bilaabmay dagaaladii waqooyi.

 

 

Kacdoonadii shacabka.

 

 

Markii loolanku hadheeyey hogaankii sare ee dalka, qaybo badan oo dalka ka mid ahina dagaalo jabhado hurinayaan ka qarxeen , ayaa waxa iyaguna bilaabmay kacdoono shacab oo ay horkacayeen bulshada rayidka ahi, waxayna kala ahaayeen laba kacdoon.

 

 

Kacdoonkii ka bilaabmay masjidkii Sheikh Cali Suufi, kaas ciidamadu awood doodu wali waa jirtay ,waxaanay shacabkii ku maquuniyeen awood, kiidanbee dawladii dhex ku burburtayna wuxuu ku soo beegmay xilli aanay ciidamaba jirin, oo askari walbaa qabiilkiisii iyo meeshii cidoodu ka xigtay u dhaqaaqay, waxaana la odhan karaa wixii dalka burburiyey waxay ahaayeen ciidamada qalabka sida, waayo ninkasta oo sarkaal ahaa waxaa u yeedhay qabiilkiisii oo uu raacay, waxaana loo diray itoobiya, wixii dalka ku soo duulayna waxay ahaayeen saraakiishii , wuxuuna dalku sabeeyey oo uu hoos uun u sii dhacay markii ay hogaanka gacanta ku dhigeen kooxdii Maslax. Waxaana dalka ka dhacay danbiyo aad u tiro badan.

 

Dilkii Xeebta Jasiira Yaa Ka Danbeeyey.

 

Kacdoonadii ka dhacay Muqdisho badankooda waxaa soo abaabuli jiray kooxdii la odhan jiray Sulaxa, iyo maano feesto, hasa yeeshee markiiba waxaa la saaray dhalinyaro badan oo ka soo qaxday gobolada waqooyi oo xilligaasi dagaalo ka socdeen, waxaana jirtay in la sheegay in mudaharaadyadii ka dhacay Muqdisho laga maqlayey “ sida Hargeysoo kale ka dhiga Muqdisho, sida hargeysoo kale ka dhigaâ€, waxaana kale oo kacdoonkkii ka bilaabmay masjidka Sheikh Cali Suufi ku dhintay laba sarkaal mid boolis ah iyo mi Hangesh ah, askarina waa dhimatay.

 

 

Habeenkii Xeebta (Jasiira):-

 

Marka aan ka xogwaramo sida ay wax u dhaceen habeenkaas, aniga oo jooga guutada wakhti ay saacaddu tahay 11:00 habeennimo ayaa waxa ila soo hadlay Maslax Maxmed Siyaad Barre , wuxuun igu yiri meesha la yidhaahdo Daamay oo ah hotel uu lee yahay daahir Cali Daamay rabshaa ka jirtee ,halkaa gaar, waxaana waxaana u dhaqaaqnay aniga iyo nin gaashaanle ah oo igu xigay oo ah Ha-barje-clo ka ahaa Cimraan oo la odhan jiray Maxmed C/laahi Buraale(Ina Wildhad)wax kale oo ka mid ahaa raggaan israacnay nin sadex isbatoore ah oo la odhan jiray Maxmuud afrax shuunac waa nin ha-wiye ah oo dud-uble ah.

 

Waxaanu tagtay goobtii naloo tilmaamay ee daamay , annaga oo ah lixdan waxaanuna halkaas kula kulanay ninkii hutelka lahaa, wax dhibaato ahi ma jiraan ayuu nag yidhi, Maslax ayaan dib ula hadalay waxaanu u sheegnay in aanay wax dhibaato ahi ka jirin.

 

 

Wuxuu yidhi waxaad tagtaan tarbuunka boolsiya gaaskaa idin soo marayee , waxaanu tagtay meeshii , oo u dhow buula xuubay waa ku sugnay, waxaa nagu soo maray , shan sarkaal oo kala ahaa taliyaha xooga dalka Soomalaiyeed Maslax Siyaad oo amarka bixinayey, waxaa kale oo Joogay , waxaa joogay taliyaha ciidanka Cirka Maxmed Nur Dhuudhi , Taliyaha ciidanka Badda Siciid Mariino, Giriin oo qaabilsanaa taliyaha ciidanka hawlgalinta, dadkaas qaarna waa dhinteen qaarna waa nool yihiin, meeshii anigu waan imi waxayan yiraahdeen dhalinyaro ayaa qalalaase wade hala soo qabto oo xiraddii dhanaane hala geeyo.

 

Markaa anigu waxaan codsaday in aanu xeradaydii kunoqono , hasa yeeshee waxaa amar nasiiyey maslax oo nagu yiri la jooga bulaysmilataariyada, waxaana la bilaabay in dad badan la qabqabto, iyaga oo ay dadka qabqabnayaan dhar cad, waxaana la soo qabqabtya rag badan oo xattaa saraakiil ay ku jireen , kuwaas oo aanu aniga iyo ku xigeynkaygii ka sii deynay markaanu ogaanay in ay yidhiin saraakiil, waxaana ka mid ahaa raggaas aanu sii deynay, waxaan ka xusuustaa Xusen Xasan nin la odhan jiray oo Ha-baryo-onis ahaa Muuse Cabda-lle ka ahaa , waxaa kale oo ku jiray nin la odhan jiray food oo ba dhulba-hante ahaa, ibraahin Ruush ayaa ka mid ahaa,waxaa kale oo ka mid ahaa nin ganacsade ahaa oo la odhan jiray Xuseen Cumraan oo aanu isaga iyo caruurtiisiiba ka sii deynay oo aan markii danbena ilaali ku idhi Gaashaanlihii aanu wada soconay Raggan ilaali oo waardiye ka ahoow.

 

 

Arrintu markay halkaas marayso annagu xeradayadii ayaanu ku soo noqonay annagoo isla socona bilaysmilataariyana waxay u dhaqaaqeen dhinaca xeraddii dhanaane oo ahayd saldhig ku yaala koonfurta muqdisho ahaydna xero lagu tabbaaro ciidanka waxaana xilligaas xukumayey Cabdi Yuusuf faaluc.

 

Waxaana dadkaasi kaxeeyey, Col.Axmed Nuur C/salaam Xasan(Dhagabacayr) waxayna ahaayeen dad aad u tiro badan intoodii badnaydna waxaa la geeyey xerada hasa yeeshee sadex dhaga bacayr waxaa la sheegay in uu sadex gaadhi ,hal baroon iyo laba xamuul ah uu dhinaca xeebta u leexiyey.

 

 

Waxaana jirta in dad badan la cabsiiyey in aan angu ciidankan watay, waxaana jirtay in maalin maalmaha ka mid ah annagoo joogta magaalada Nairobi annag oo ka sheekaysanayna dagaalka socda gedo oo ay xilligaas ku dirirayeen Itixaadka iyo amxaardu, aan idhi war dadka maaladaayo, uu igu yidhi adiguba dad ayaad laysay oo jasiira ku laysay, nasiib wanaag waxaa markiba agtayada joogay laba askari oo dhacdadaas goob joog ka ahaa nina la yidhahado xunbubay nina aadan gaboobo oo isbatoorayaal ahaa, Aaadan gaboobe wuxuu ahaa ninkii baronka waday, ninkii ka fakadeyna dilkaas , sidii uu u fakadey ayuu ka sheekeeyey iyo in laysku qabtay ragga layntooda , laba sarkalaan diideen in ragga la laayo.

 

 

Taladii dadkaas lagu qabqabtay waxaa si toos ah u bixiyey Maslax Maxmed Siyaad Barre , mayna ogayn hogaanka sare ee dalku sida madaxweynaha Siyaad Barre , Maxmed Cali Samatar, Axmed Saleebaan Dafle, waxaana ay dad badan laga dhaadhiciyey in aan anigu watay ciidanka arrintaas oo ah mid aanay waxba ka jirin , sababtoo ah waxaa jiray rag badan oo aanu wada hawlgalay markii Maslax na amray, markii aanu soo noqonayna ogaa oo uu ka mid yahay ku xigeenkaygii Ina wildhad.

 

Arrintii waa ay qaraxday waxaana loo saaray guddi ay ku jireen sadex xubnood oo ka soo jeeda beelaha Is-aaqa, guddidaas oo ka koobnaa 13 sida uu ii sheegay nin la yiraahdo Jaan-go’an, waana lays qabsaday , raggii aan anigu sii daayeyna waxay ii haysteen in aan anigu watay ciidanka maadaama aan anigu ka sii daayey, waana u eekaan kartaa , amarkii uu bixiyeyna Maslax wax uu ahaa in dhalinyaro la qabqabto ee may ahayn in saraakiil la soo qabqabto sidaas ayaana anigu arrinka isu hortaagay , saarkishiina mid lagama soo kaxayn.

 

Buuq ayaana dalkii galay oo dadkii aan anigu sii daayey iyo ninkii ka badbaaday dilka warkoodii ayaa soo baxay, gudidii loo saaray arintan ka dhacday jazeerana ismaanu arag waayo aniga markiiba waxaa lay badelay Hargeysa, waxaana laygu badelay dadkii aan badbaadiyey oo warkii iyo dhacdadii faafiyey, taas oo la yidhi waxaa ragaas sii daayey Col.Canjeex , waxaana sidaas igu ashtageeyey saraakiishii koofiyad casta oo yiri haddaanu dadkaas sii deyn Col. Canjeex waxan oo buuq ahiba ma dhaceen, aniga sidaas ayaa laygu badelay, .

 

Waxaana arrimahan wax iga weydiiyey ina laxwas,oo igu yiri dadkan maxaa loo laayey, anna waxaan ku iri arrintan maxkamad hala horkeeno, markaas ayaan waxaan ogaa ka sheegayaaye, wuxuuna wax ii weydiinayey markii dadkii la sii daayey yiraahdeen Canjeex ayaa ciidanka watey oo nagasii daayey sidaas ayaa aniga arrinka wax iiga weydiiyey Ina laxwas.

 

 

Waxan layska dhaadhiciyey ee la leeyahay Gen. Canjeex ayaa dadka laayeyna waa been, anigu cid aan amar ku bixiye in lalaayo ma jirto General-na . ma ahayn, dadkuna haday been u fakadaan uun waxay noqdaan sida bahalkan la yiraahdo Yey oo kale , isagoon xog hayn qof dusha uga tuura waxaanu samayn, oo yiraahdo ninkan ayaa dad laayey, meeshana layska qaylin mayo maxkamad ayaa laysla tageyaa, waxaana meel kasta u diray warqado gaar ahaan hay’adaha xuquuqul insaanka, waxaana u sheegay in aan been abuurkaas maxkamad-kasta oo aduunka ku taala aan dacwad uga ahay, waayo Soomaaliya dawlad loo dacwad tagaa kama jirto.

 

Gudidii loo saaray baaritaanka xasuuqii jazeera waxaa la sheegay in ay is hortaageen generaaladii dalka markaas ka calanwaleynayey (Maslax iyo Gabyow)waayo odaygu xilligaas awood ma lahayan ,gudiduna waxay ahaayeen gudi adag oo doonayey in ay hawshooda wataan.

 

 

Waxaana u arkaa arrinkan aniga Col.Canjeex ahaan laygu eedaynayo in ay tahay shirqool, laba waji ka soconayey, mid qabyaaladeysan oo ay wadaan qabiilooyinka qaarkood,oo cunsuriyeysan, ay tixgalinayaan uun qabyaalada,kuna talaxtagey, oo aan kala jeclayn mid danbi leh iyo mid aan lahaynba oo cuqdadi ka buuxdo iyo mid xilligii Dawlada la doonay in aniga dusha layga rido in aan anigu hawshan ka danbeeyey markii aan badbaadiyey dad badan , arrintaasina ay ka caraysiisey raggii markaas hawsha watey.

 

Dawladuna amaradeedu waxay ka soo bilaabmaan kor ilaa hoosa, min madaxweyne ilaa askari, dawladuna waxay ahayd in ay arrinkan maxkamad keento hasa yeeshee qaar ay dhibaysay ayaa jiray.

 

 

Waxaa la ogyahay in ninkii fuliyey hawshan ee la odhan jiray dhagabacayr uu ku dhintay dagaaladdii ay isla galeen dawladu iyo ururkii USC gobolada dhexe ee Soomaaliya, waxaase la garanayaa raggii gaandhariyada kahaa, gawaadhidii raggu saarnaayeen , sadexdii shufeerada ahaan waa la wada garanayaa.

 

 

Waxaana ragga rasaasta ku furay sida ay sheegeen shufeeradu, shan nin oo uu ku jiro dhagabacayr, sida uu sheegay ninkii gaadhiga wadey oo la odhan jiray Aadan Gaboobe mar uu ka waramayey Nairobi.

 

Waxaana amar la siiyey in uu aaso dadkii la laayey taliyihii saldhiga dhanaane cabdi Yuusuf Faadaco, waxaana haboon in la weydiiyo.

 

Arrintan aniga waxaa iga soo gaadhay shirqoolo iyo isku dilo badan oo la doonay in laygu geysto magaalada Nairobi, waxaana laysku dayey in sideed jeer laydilo, dadkii laysoo qaybiyey oo uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Cabdi Haybe, oo laba kun oo dollar la siiyey siduu hawshaas u fulin lahaa, waxaana hawshaas yiri intaan la fulin sida aan baaritaan ku helay aan hubino nin reer ceerigaabo ah oo la yiraahdo Shiikhu Jabhab, waxaa laysku dayey in lay afduubo iyadoo la adeegsanayo diyaaraha qaadka iyo booliska Kenya.

 

Waxaana jirta in aniga oo jooga dalka Kenya barnaamij dhoofna iiga socdo oo dhinaca maraykanka ah , in gabadh turjumaan ii ahayd I ashtakeysay, waana wax ay dhamaantood iska dhaadhiciyeen.

 

 

Waxaana hubaa in aan anigu wax danbiya aanan galin, waxaana ogahay in aanay dadkan aaminsan in aan anigu ka danbeeyey ku qancayn, xaqiiqa waayo qabyaalada ayaa indha tirtay.

 

 

Anigu waxaan diyaar u ahay sidaan u sheegay meel kasta oo aduunka mid ah in arrinkan lagu baadho, meeshan been abuur ayaa yaala baaxad weyn, waxaana ka furay magaalada Dimishiq aniga iyo Qareenkaygu dacwad qofkii haya , intaa aan sheegay hawsoo gudbiyo maxkamada aan dimishiq ka furay Dimishiq.

 

 

 

Col. Ibraahim Cali Barre(Canjeex)

 

Ibrahimanka01@hotmail.com

 

Dimishiq Suuriya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Why this post? well, isn't time that they all spoke out and told us what happened? and how it happened.

 

These old men made a mess and the least they can do for us is tell us how they did it.

 

I believe they all deserve a fair trial.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

it dosnt really matter anyway wixii ka dambeeyay these shamefull acts waxay ku wada dhinteen duli wixii nool na kaba sii daran.

 

all those who bathed in the blood of our youth that fatefull day will ultimately answer to the almighty so its really no point returning to these dark moments of history, as only allah services justice and forgiveness on equall bounty.

 

 

we will live in turmoil untill allah washes the blood of innocent muslims that have been spilt so many times on our soil, may allah have mercy on us all.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Qudhac ease up man. We need justice; we need to put all these guys on trials.

 

We need to know the truth!

 

We need to get the members on the former regime, SSDF, SNM, USC, and all other factions on trials.

 

We have many questions and not enough answers. If we want to live in peace together we need to know what happened, who did it and why they did it.

 

All factions have blood on their hands and much of the current mistrust comes from those crimes committed.

 

So Allah will judge them in the hereafter, we should hold them accountable on this earth too.

 

There are many that are happy with the status quo, because those people want to keep telling lies to their clans and to keep the mistrust in place.

 

If we want peace, there should be justice. Without justice there will be no peace.

 

The truth shall set us free smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col. Canjeex waan u hambalyeynayaa in uu qoraal kasoo saaro, dhacdadii Jasiira, isagoo waliba isticmaalaya marqaatiyo nool.

 

Anigu waligey waxaan maqli jirey in dilkii Jasiira uu fuliyey Col. Canjeex ayaa laakiin waxaa ii sheegey nin la yiraahdo Hayeena oo ahaa Captain reer Sanaag ah oo markaasi la socdey ciidankii Canjeex.

 

Muran kama taagno, in dalku xasuuqyo badan ka dhacay. Jasiira kan ka dhacay kuwa 19 jeer ka badan ayaa dhacay. Laakiin su'aashu waxay tahay maxaa looga hadli waayey kuwii ay jabhaduhu geysteen? In shacab (maato iyo caruur) loo laayo "in the name of Qabiil".

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...Canjeex wixii Soomaaliya ka dhacay oo dhan dhacdada Jasiira ayaa kala weynaatey. Dalkaan aafo ayaa ku habsatay runtiina kuwii dumiyey ayuu ka mid yahay (Soomaalidu waxay tiraa fallaari gilgilasho kaagama harto). Runtii sida uu u sheegay waa laga yaabaa inuusan ka dambeyn dhacdadan Jasiira, mana habboona haddii aan caddayn lagu hayn in dusha laga saaro balse qoraalkan aan tayada sare lahayn oo aad mooddid oday reer baadiye ah oo sheekaynaya wax macne ah ma samaynayo oo haddii ay run ka tahay waa inuu soo bandhigaa khaladaadkii uu u joogey ee dhabta ahaa runtana ka sheegaa wixii ka dhacay meelo dalka ka mid ah ee uu ogyahay. Waxaad mooddaa inuu Canjeex iska dhigayo in waxa Soomaaliya ka dhacay oo dhan uusan waxba dembi ku lahayn taasna laga siisan maayo. Waxaa cajiib ah isagaaba isku qiray inuu Hargeysa ka soo shaqeeyey xilligii dagaallada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sikaawe   

Originally posted by me:

Sababihii Burburkii Ciidanka Soomaaliya, intii ka danbaysay Shilkii Maxmed Siyaad Barre 1987kii iyo Dilkii Xeebta Jasiira(Xogbixin Col.Canjeex).

 

 

Aug 07, 2006 By:Col. Ibraahim Cali Barre(Canjeex)

 

Dimishiq(Radiossc.net):-Sida aynu la socona Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan, kuwaas oo raadweyn ku yeeshay isbadeladii siyaasadeed ee ka dhacay dalka 30kii sanno ee dawladii dhexe ee Soomaaliba soo martay maamulaysay dalka.

 

 

Waxaana jirtay marxalado raadweyn ku lahaa isbadelka habsami u socodka hawlihii dawlada dhexe , haddaba waxaa jitay dhacdooyin abuuray isbadelo mugweyn oo laga yaabo Soomaalida inteeda badani in aanay dhaadin xilliyadaas oo raadweyn ku yeeshay ama abuuray jawi isbadel, waxaana ka mid ahaa muddooyinkii ka horeeyey kacdoonadii dalka ka abuuray isbadelka muggaweyn oo ayba kuba burburtay xukuumadii dhexe ee Soomaaliya, sida shilkii ku dhacay madaxweyne Maxmed Siyaad Barre, loolankii ka dhex qarxay labada kooxood ee ay kala hagayeen Maslax Maxmed Siyaad iyo Maxmed Cali Samatar loolankaas oo uu ku doonayey Maslax in uu dalka ku qabsado.

 

 

Waxa kale oo iyaguna isbadelka gogol xaadh u ahaa gudaha dalka marka laga yimaado jabhadihii dalka dibadiisa weerarka ka soo qaaday,kacdoonkii ka dhacay masjidka Sheikh Cali Suufi iyo xasuuqii xeebta jasiira, haddaba dhacdooyinkaas oo dhan waxaa xog balaadhan inaga siinaya Col. Ibraahim Cali Barre(Canjeex) Taliyihii Hore ee guutada labaad ee taangiyada, isla markaana ahaa ciidanka kayd wasaaradda gaashaan dhiga guutadiisuna u xilsaarnayd nabad galyada Magaalada muqdisho , oo isagu ka mid ahaa saraakiishii dhacdooyinka badankooda goobjoog ka ahaa.

 

 

Shilkii La Soo Gudboonaaday Maxweynihii Hore Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Siyaad Barre ILaahay Hawnaxariistee Sannnadkii 1987kii.

 

 

Sannadkii 1987kii waxaa madaxweynaha Soomaaliya la soo gudboonaaday shil gaadhi , kaas oo ka dhacay duleedka magaalada Afgooye , waxaana iyaga oo Muqdisho ku soo socda is galay gaadhigii madaxweynaha iyo Gaadhi Caasiya, xilligaas oo lagu jiray bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana gaadhiga uu madaxweynuhu saarnaa shufeer ka ahaa Xasan Abshir Faarax oo ahaa duqa magaalada Muqdisho.

 

 

Madaxweyne Siyaad Barre shilkaas jugweyn ayaa ka soo gaadhay wuuna miyir doorsoomay, waxaana isla markiiba diyaarad gaar ah u soo diray boqorkii dalka Sucuudiga ee xilligaas boqor Fahad ilaahay hawnaxariistee, waxaana loo qaaday dalka sucuudiga.

 

 

Waxaana xilkii dalka la wareegay golihii sare ee kacaanka oo ka koobnaa shan xubnood kuwaas oo kala ahaa, Maxmed Cali Samatar Axmed Saleebaan Dafle, , Ina Laxwas, Xuseen Kulmiye Afrax.

 

 

Loolankii Dhexmaray Kooxda Maslax Ee Xukun Doonka Ahayd Iyo Kooxda Cali Samatar.

 

Koox uu madax ka ahaa Maslax Maxmed Siyaad Barre, Aadan Gabyow, iyo saraakil yar yari waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay doonayaan in ay xukunka la wareegaan, waxaana uu loolan aad u xoogbadani dhex maray ruug caddaagii kacaankii ka soo qayb qaatay kuwaas oo ahaa Maxmed Cali Samatar oo ahaa xilligaas madaxweyne ku xigeen , isla markaana ahaa wasiirka gaashaan dhiga, Axmed Saleebaan Dafle oo ahaa wasiirka arrimaha gudaha.

 

Waxaana halkaas ka qarxay loolan aad u qadhaadh , anigu maadaama aan ahaa taliye guuto aad u xoogbadan, waxaa kulan ila yeeshay Maslax Maxmed Siyaad Barre iyo Aadan Gabyow waxayna igu yiraahdeen waxaanu doonayna in aanu dalka qabano, waxaan marka weydiiyey su’aal waxaana ku iri yaad saraakisha Soomaaliya ugu awooda badan kala haystaan ilayn wuxu inqilaab yar maahee, waxaa ii muuqatay in aanay la haysan Maxmed Aaadan Dagacadde oo qaybta dhexe ee dalka Haystay, Maxmed Siciid Xirsi Morgon oo waqooyiga Soomaaliya haystay, C/samad Cali Shire oo Baydhabo qaybta 60 Haysan , oo afarta dhina midna taageero ka wadan, oo doonayey in ay dagaal ahli qarxiyaan, waxayna iila muuqdeen dhidar onkod ku kacay.

 

 

Hawshaasina waxa ay ka soctay xarunta ciidamada ee heegan, waxaana aniga si toos ah iigu soo bandhigay Maslax Maxmed Siyaad iyo Aadan Gabyow oo ahaa markaa wasiir ku xigeenka gaashaan dhiga ,waxayna isaamineen in aanu odaygu soo noqonayn oo xaaladiisu khatar tahay , waxayna u xusula duubeen in ay dalka gacanta ku dhigaan, markaan arkay in aanay raggani wax natiijo leh soo kordhinayn ogaadeyna in aanay saraakiisha ciidamada kuwooda u waaweyn la haysan, shakiweyna la kala qaaday gaar ahaan labadan kooxood ee Maslax iyo Cali Samatar kala hogaaminayaan oo ragga qaarkiis anaay seexanba guryahooda sida Axmed Saleebaan iyo Cali Samatar oo kale ayaan waxaan guda galay in aan si toos ah xogta u siiyo wasiirka arrimaha gudaha Axmed Saleebaan Dafle una sheego in aanan la socon ragga hawsha ku foogan.

 

 

Waxaanay Maslax iyo kooxdiisu gacanta ku hayeen gaaska 14aad ee ilaalada madaxtooyada oo ay ciidamada aan anigu gacanta ku hayey a ka tiknika badnaayeen, markaa ciidan aanan ku jirin waxba may fulin karaynin, markii ay og-aadeen in aanan diyaar u ahayn in aan hawshaas la fuliyo hankii ay qabeen waa ka jabay, waxaana taas u sabab ahaa iyaga oo aan waxba hore u sii diyaarin, noqdayna Dhidar onkod kiciyey, waayo waxoodaba waxaa kala tuuri lahaa ciidanka gobollada dhexe jooga oo ka tikniko iyo hubba badnaa intayadii muqdisha joognay.

 

 

Soo Noqoshadii Siyaad Barre.

 

 

Sadex bilood markii uu inta badan miyir doorsanaan ku jiray, laguna baananayey dalka Sucuudiga, uuna dalka ka talinayey Maxmed Cali Samatar iyo golihii kacaanka, waxa uu ku soo noqday dalkii isaga oo waliba aanay garashadiisu taam ahayn, waxaana looga waramay waxyaalihii dhacay Maxed Cali Samatar iyo Axmed Saleebaan Dafle wax ay u sheegeen in aan anigu kala badbaadiyey oo haddii aanan ka dhaga adeegeen hungurigii Maslax iyo Aadan Gabyow dalka dagaal sokeeye ka dhici lahaa.

 

 

Markii uu madaxweynuhu warbixinihii kala duwanaa qaatay isbadelo hor leh ayaa ka dhacay dalka inyar markii uu madaxweynuhu joogay dalkaba, waxaana xilalkii laga qaaday wasaarada gaashaandhiga Maxmed Cali Samatar, AXmed Saleebaan Daflena wasaaraddii Gudaha, waxaana la dalacsiiyey Maslax Maxmed Siyaad oo laga dhigay taliyaha ciidamada qalabkasida, wasiirka gaashaandhigana waxaa laga dhigay Gabyow, waxayna ka faa.iideysteen shilkii iyo maskaxdii Maxmed Siyaad Barre oo aan sideedii ahayn.

 

Waxaana bilaabmay wixii shilkii ka danbeeyey iyo isbadelkii hogaanka sare ama wax loo yqaano (مراكز القوه in ciidamadu aad hoos ugu dhacayeen oo isbadelo xataa hogaankii qaybaha ay ka dhaceen taas oo u muuqtay in ay ka faa’iideysanyeen kooxda Maslax wixii iska hortaagay xukunkii ay doonayeen in ay gacanta ku dhigaan.

 

 

Waxaana diriray oo kala qaybsamay hogaankii dalka oo laba qaybood u kala jabay oo waaweyn , waxaana dalka ka bilaabmay dagaaladii waqooyi.

 

 

Kacdoonadii shacabka.

 

 

Markii loolanku hadheeyey hogaankii sare ee dalka, qaybo badan oo dalka ka mid ahina dagaalo jabhado hurinayaan ka qarxeen , ayaa waxa iyaguna bilaabmay kacdoono shacab oo ay horkacayeen bulshada rayidka ahi, waxayna kala ahaayeen laba kacdoon.

 

 

Kacdoonkii ka bilaabmay masjidkii Sheikh Cali Suufi, kaas ciidamadu awood doodu wali waa jirtay ,waxaanay shacabkii ku maquuniyeen awood, kiidanbee dawladii dhex ku burburtayna wuxuu ku soo beegmay xilli aanay ciidamaba jirin, oo askari walbaa qabiilkiisii iyo meeshii cidoodu ka xigtay u dhaqaaqay, waxaana la odhan karaa wixii dalka burburiyey waxay ahaayeen ciidamada qalabka sida, waayo ninkasta oo sarkaal ahaa waxaa u yeedhay qabiilkiisii oo uu raacay, waxaana loo diray itoobiya, wixii dalka ku soo duulayna waxay ahaayeen saraakiishii , wuxuuna dalku sabeeyey oo uu hoos uun u sii dhacay markii ay hogaanka gacanta ku dhigeen kooxdii Maslax. Waxaana dalka ka dhacay danbiyo aad u tiro badan.

 

Dilkii Xeebta Jasiira Yaa Ka Danbeeyey.

 

Kacdoonadii ka dhacay Muqdisho badankooda waxaa soo abaabuli jiray kooxdii la odhan jiray Sulaxa, iyo maano feesto, hasa yeeshee markiiba waxaa la saaray dhalinyaro badan oo ka soo qaxday gobolada waqooyi oo xilligaasi dagaalo ka socdeen, waxaana jirtay in la sheegay in mudaharaadyadii ka dhacay Muqdisho laga maqlayey “ sida Hargeysoo kale ka dhiga Muqdisho, sida hargeysoo kale ka dhigaâ€, waxaana kale oo kacdoonkkii ka bilaabmay masjidka Sheikh Cali Suufi ku dhintay laba sarkaal mid boolis ah iyo mi Hangesh ah, askarina waa dhimatay.

 

 

Habeenkii Xeebta (Jasiira):-

 

Marka aan ka xogwaramo sida ay wax u dhaceen habeenkaas, aniga oo jooga guutada wakhti ay saacaddu tahay 11:00 habeennimo ayaa waxa ila soo hadlay Maslax Maxmed Siyaad Barre , wuxuun igu yiri meesha la yidhaahdo Daamay oo ah hotel uu lee yahay daahir Cali Daamay rabshaa ka jirtee ,halkaa gaar, waxaana waxaana u dhaqaaqnay aniga iyo nin gaashaanle ah oo igu xigay oo ah Ha-barje-clo ka ahaa Cimraan oo la odhan jiray Maxmed C/laahi Buraale(Ina Wildhad)wax kale oo ka mid ahaa raggaan israacnay nin sadex isbatoore ah oo la odhan jiray Maxmuud afrax shuunac waa nin ha-wiye ah oo dud-uble ah.

 

Waxaanu tagtay goobtii naloo tilmaamay ee daamay , annaga oo ah lixdan waxaanuna halkaas kula kulanay ninkii hutelka lahaa, wax dhibaato ahi ma jiraan ayuu nag yidhi, Maslax ayaan dib ula hadalay waxaanu u sheegnay in aanay wax dhibaato ahi ka jirin.

 

 

Wuxuu yidhi waxaad tagtaan tarbuunka boolsiya gaaskaa idin soo marayee , waxaanu tagtay meeshii , oo u dhow buula xuubay waa ku sugnay, waxaa nagu soo maray , shan sarkaal oo kala ahaa taliyaha xooga dalka Soomalaiyeed Maslax Siyaad oo amarka bixinayey, waxaa kale oo Joogay , waxaa joogay taliyaha ciidanka Cirka Maxmed Nur Dhuudhi , Taliyaha ciidanka Badda Siciid Mariino, Giriin oo qaabilsanaa taliyaha ciidanka hawlgalinta, dadkaas qaarna waa dhinteen qaarna waa nool yihiin, meeshii anigu waan imi waxayan yiraahdeen dhalinyaro ayaa qalalaase wade hala soo qabto oo xiraddii dhanaane hala geeyo.

 

Markaa anigu waxaan codsaday in aanu xeradaydii kunoqono , hasa yeeshee waxaa amar nasiiyey maslax oo nagu yiri la jooga bulaysmilataariyada, waxaana la bilaabay in dad badan la qabqabto, iyaga oo ay dadka qabqabnayaan dhar cad, waxaana la soo qabqabtya rag badan oo xattaa saraakiil ay ku jireen , kuwaas oo aanu aniga iyo ku xigeynkaygii ka sii deynay markaanu ogaanay in ay yidhiin saraakiil, waxaana ka mid ahaa raggaas aanu sii deynay, waxaan ka xusuustaa Xusen Xasan nin la odhan jiray oo Ha-baryo-onis ahaa Muuse Cabda-lle ka ahaa , waxaa kale oo ku jiray nin la odhan jiray food oo ba dhulba-hante ahaa, ibraahin Ruush ayaa ka mid ahaa,waxaa kale oo ka mid ahaa nin ganacsade ahaa oo la odhan jiray Xuseen Cumraan oo aanu isaga iyo caruurtiisiiba ka sii deynay oo aan markii danbena ilaali ku idhi Gaashaanlihii aanu wada soconay Raggan ilaali oo waardiye ka ahoow.

 

 

Arrintu markay halkaas marayso annagu xeradayadii ayaanu ku soo noqonay annagoo isla socona bilaysmilataariyana waxay u dhaqaaqeen dhinaca xeraddii dhanaane oo ahayd saldhig ku yaala koonfurta muqdisho ahaydna xero lagu tabbaaro ciidanka waxaana xilligaas xukumayey Cabdi Yuusuf faaluc.

 

Waxaana dadkaasi kaxeeyey, Col.Axmed Nuur C/salaam Xasan(Dhagabacayr) waxayna ahaayeen dad aad u tiro badan intoodii badnaydna waxaa la geeyey xerada hasa yeeshee sadex dhaga bacayr waxaa la sheegay in uu sadex gaadhi ,hal baroon iyo laba xamuul ah uu dhinaca xeebta u leexiyey.

 

 

Waxaana jirta in dad badan la cabsiiyey in aan angu ciidankan watay, waxaana jirtay in maalin maalmaha ka mid ah annagoo joogta magaalada Nairobi annag oo ka sheekaysanayna dagaalka socda gedo oo ay xilligaas ku dirirayeen Itixaadka iyo amxaardu, aan idhi war dadka maaladaayo, uu igu yidhi adiguba dad ayaad laysay oo jasiira ku laysay, nasiib wanaag waxaa markiba agtayada joogay laba askari oo dhacdadaas goob joog ka ahaa nina la yidhahado xunbubay nina aadan gaboobo oo isbatoorayaal ahaa, Aaadan gaboobe wuxuu ahaa ninkii baronka waday, ninkii ka fakadeyna dilkaas , sidii uu u fakadey ayuu ka sheekeeyey iyo in laysku qabtay ragga layntooda , laba sarkalaan diideen in ragga la laayo.

 

 

Taladii dadkaas lagu qabqabtay waxaa si toos ah u bixiyey Maslax Maxmed Siyaad Barre , mayna ogayn hogaanka sare ee dalku sida madaxweynaha Siyaad Barre , Maxmed Cali Samatar, Axmed Saleebaan Dafle, waxaana ay dad badan laga dhaadhiciyey in aan anigu watay ciidanka arrintaas oo ah mid aanay waxba ka jirin , sababtoo ah waxaa jiray rag badan oo aanu wada hawlgalay markii Maslax na amray, markii aanu soo noqonayna ogaa oo uu ka mid yahay ku xigeenkaygii Ina wildhad.

 

Arrintii waa ay qaraxday waxaana loo saaray guddi ay ku jireen sadex xubnood oo ka soo jeeda beelaha Is-aaqa, guddidaas oo ka koobnaa 13 sida uu ii sheegay nin la yiraahdo Jaan-go’an, waana lays qabsaday , raggii aan anigu sii daayeyna waxay ii haysteen in aan anigu watay ciidanka maadaama aan anigu ka sii daayey, waana u eekaan kartaa , amarkii uu bixiyeyna Maslax wax uu ahaa in dhalinyaro la qabqabto ee may ahayn in saraakiil la soo qabqabto sidaas ayaana anigu arrinka isu hortaagay , saarkishiina mid lagama soo kaxayn.

 

Buuq ayaana dalkii galay oo dadkii aan anigu sii daayey iyo ninkii ka badbaaday dilka warkoodii ayaa soo baxay, gudidii loo saaray arintan ka dhacday jazeerana ismaanu arag waayo aniga markiiba waxaa lay badelay Hargeysa, waxaana laygu badelay dadkii aan badbaadiyey oo warkii iyo dhacdadii faafiyey, taas oo la yidhi waxaa ragaas sii daayey Col.Canjeex , waxaana sidaas igu ashtageeyey saraakiishii koofiyad casta oo yiri haddaanu dadkaas sii deyn Col. Canjeex waxan oo buuq ahiba ma dhaceen, aniga sidaas ayaa laygu badelay, .

 

Waxaana arrimahan wax iga weydiiyey ina laxwas,oo igu yiri dadkan maxaa loo laayey, anna waxaan ku iri arrintan maxkamad hala horkeeno, markaas ayaan waxaan ogaa ka sheegayaaye, wuxuuna wax ii weydiinayey markii dadkii la sii daayey yiraahdeen Canjeex ayaa ciidanka watey oo nagasii daayey sidaas ayaa aniga arrinka wax iiga weydiiyey Ina laxwas.

 

 

Waxan layska dhaadhiciyey ee la leeyahay Gen. Canjeex ayaa dadka laayeyna waa been, anigu cid aan amar ku bixiye in lalaayo ma jirto General-na . ma ahayn, dadkuna haday been u fakadaan uun waxay noqdaan sida bahalkan la yiraahdo Yey oo kale , isagoon xog hayn qof dusha uga tuura waxaanu samayn, oo yiraahdo ninkan ayaa dad laayey, meeshana layska qaylin mayo maxkamad ayaa laysla tageyaa, waxaana meel kasta u diray warqado gaar ahaan hay’adaha xuquuqul insaanka, waxaana u sheegay in aan been abuurkaas maxkamad-kasta oo aduunka ku taala aan dacwad uga ahay, waayo Soomaaliya dawlad loo dacwad tagaa kama jirto.

 

Gudidii loo saaray baaritaanka xasuuqii jazeera waxaa la sheegay in ay is hortaageen generaaladii dalka markaas ka calanwaleynayey (Maslax iyo Gabyow)waayo odaygu xilligaas awood ma lahayan ,gudiduna waxay ahaayeen gudi adag oo doonayey in ay hawshooda wataan.

 

 

Waxaana u arkaa arrinkan aniga Col.Canjeex ahaan laygu eedaynayo in ay tahay shirqool, laba waji ka soconayey, mid qabyaaladeysan oo ay wadaan qabiilooyinka qaarkood,oo cunsuriyeysan, ay tixgalinayaan uun qabyaalada,kuna talaxtagey, oo aan kala jeclayn mid danbi leh iyo mid aan lahaynba oo cuqdadi ka buuxdo iyo mid xilligii Dawlada la doonay in aniga dusha layga rido in aan anigu hawshan ka danbeeyey markii aan badbaadiyey dad badan , arrintaasina ay ka caraysiisey raggii markaas hawsha watey.

 

Dawladuna amaradeedu waxay ka soo bilaabmaan kor ilaa hoosa, min madaxweyne ilaa askari, dawladuna waxay ahayd in ay arrinkan maxkamad keento hasa yeeshee qaar ay dhibaysay ayaa jiray.

 

 

Waxaa la ogyahay in ninkii fuliyey hawshan ee la odhan jiray dhagabacayr uu ku dhintay dagaaladdii ay isla galeen dawladu iyo ururkii USC gobolada dhexe ee Soomaaliya, waxaase la garanayaa raggii gaandhariyada kahaa, gawaadhidii raggu saarnaayeen , sadexdii shufeerada ahaan waa la wada garanayaa.

 

 

Waxaana ragga rasaasta ku furay sida ay sheegeen shufeeradu, shan nin oo uu ku jiro dhagabacayr, sida uu sheegay ninkii gaadhiga wadey oo la odhan jiray Aadan Gaboobe mar uu ka waramayey Nairobi.

 

Waxaana amar la siiyey in uu aaso dadkii la laayey taliyihii saldhiga dhanaane cabdi Yuusuf Faadaco, waxaana haboon in la weydiiyo.

 

Arrintan aniga waxaa iga soo gaadhay shirqoolo iyo isku dilo badan oo la doonay in laygu geysto magaalada Nairobi, waxaana laysku dayey in sideed jeer laydilo, dadkii laysoo qaybiyey oo uu ka mid ahaa nin lagu magacaabo Cabdi Haybe, oo laba kun oo dollar la siiyey siduu hawshaas u fulin lahaa, waxaana hawshaas yiri intaan la fulin sida aan baaritaan ku helay aan hubino nin reer ceerigaabo ah oo la yiraahdo Shiikhu Jabhab, waxaa laysku dayey in lay afduubo iyadoo la adeegsanayo diyaaraha qaadka iyo booliska Kenya.

 

Waxaana jirta in aniga oo jooga dalka Kenya barnaamij dhoofna iiga socdo oo dhinaca maraykanka ah , in gabadh turjumaan ii ahayd I ashtakeysay, waana wax ay dhamaantood iska dhaadhiciyeen.

 

 

Waxaana hubaa in aan anigu wax danbiya aanan galin, waxaana ogahay in aanay dadkan aaminsan in aan anigu ka danbeeyey ku qancayn, xaqiiqa waayo qabyaalada ayaa indha tirtay.

 

 

Anigu waxaan diyaar u ahay sidaan u sheegay meel kasta oo aduunka mid ah in arrinkan lagu baadho, meeshan been abuur ayaa yaala baaxad weyn, waxaana ka furay magaalada Dimishiq aniga iyo Qareenkaygu dacwad qofkii haya , intaa aan sheegay hawsoo gudbiyo maxkamada aan dimishiq ka furay Dimishiq.

 

 

 

Col. Ibraahim Cali Barre(Canjeex)

 

 

Dimishiq Suuriya.

Allah maxaa war yaraan leysula yimid halkan, waar hadii aad doonaysaan cidii burburisay ciidankan aad sheegeysaan dhegeysta gabeygan uu Hadraawi tirinayo,rag ayaa hadh cad u badheedhey oo cuney adeer:

 

http://video.google.ca/videoplay?docid=-6895441728092611031&q=sirta+ereyga#

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Cidda Qarranimadii Somalia burburisay waa la yaqaan. Hal hayb, gobol, ama xaafad ma ahayn. Hawl mar qudha dhacdayna ma ahayn. Waxa ku tuntay xaafado uu loolan siyaasadeed u dhaxeeyay iyo nin dawladda dukaan nin leeyahay mooday oo si gaara isagga sheegtay iyo xaafado badan oo ku taageeray. Iyo kuwo ku qabsaday oo yirri iiga kac kursiga annagaa kaa mudan ama kaaga haboon e! Diin iyo mabda' laguma dirririn. Ayaan darro nagu dhacday oo aannu naqaan halka ay gunta ku heyso weeye awoowe. Doodu yaaney noqon Cantuuga jiilaal canba can buu bidaa!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Col. Canjeex waa nin aad u xoog badan oo derbi ah. Isagoo kusugan maqaayad lagu qeylayey ayaa waxaa damcey sadex nin oo qaadireysan iney dilaan Col. Canjeer iyadoo waagaas lagu tuhmayo inuu dilkii Jasiiro geystey.

 

Waad iska "Garan kadhaaye" sadexdii ayuu sidii loxooxdii is dul saarey, iyagoo u eg baasto mirqaansan. Marka qeybta uu ka hadlayo isku day dil ayaa la ii geystey, isagaaba wax diley markaa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

LEST some will miss the link, Dhaga-bacayr is from? You guessed it right! PUNTLAND. Kullu cindi fidna minal cawar! Now General Duke and his clone Aw Muse will come to deny this!

 

Six months ago a man who was my guest and is from Gedo region confirmed to me that Canjeex was involved in the summary arrest of Northerners that night. He also told me this denial story. When I pressed him to give me evidence that this man was actually participated in the killing, he said he can not prove that but he thinks he was involved. The account of Canjeex adds up with what the man told as far as his role is concerned. But I suspect the truth might be somewhere in between.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this