Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Banadir district admins sworn in..

Recommended Posts

Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banadir iyo Garsoorayaal oo lagu dhaariyey Muqdisho

Last Updated::2007-01-04 15:37:20

Muqdisho:- Munaasabad balaaran oo lagu qabtay maanta xarunta Maxkamada sare ee G/Banaadir ayaa lagu dhaariyey Guddoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir, Garsoorayaal iyo k/xigeenada Xeer Illaaliyaha.

Munaasabadan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa markii ugu horeysay lagu dhaariyey 8 kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir oo ka kooban 16 degmo.

Waxaa sidoo kale la dhaariyey 5 Garsoorayaal oo ka shaqeyn doona Maxkamada Sare ee gobalka Banaadir, ayadoo halkaasi ayaguna lagu dhaariyey 4 kamid ah Kuxigeenada Xeer illaaliyaha gobalka.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas'uuliyiin ka socota Dowlada Federaalka oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamuud Cadde Gaabow.

Guddoomiyaasha Degmooyinka

Magacaabida guddoomiyaasha degmooyinka ayaa qeyb ka ah maamul u sameynta gobalka Banaadir, oo maalmihii lasoo dhaafay ay Dowlada Federaalka ku hawlaneyd.

DFKMG ayaa kulamo kala gedisan la yeelatay Beelaha ku dhaqan gobalka Banaadir, ayadoo hada dhameystiray dhismaha 8 degmood halka ay hareen 8 degmo oo kale.

Maamulka Gobalka Banaadir ayay DFKMG horey u magacowday ayadoo uu Guddoomiye u yahay Md.Maxamuud Cadde Gaabow, waxaase markii ugu horeysay loo gudo galay dhismaha degmooyinka oo ayagu horey qabyo u ahaa maadaama aysan DFKMG horey gacanta ku heyn gobalka Banaadir.

Garsoorayaasha

Dowlada Federaalka ayaa sheegtay in ay xooga saareyso dhamaan waaxyada Amniga ee dalka, ayadoo maanta la dhaariyey Garsoorayaasha Maxkamada sare.

Prof.Cali Maxamed Geedi Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay hawlgalaan dhamaan Maxkamadaha, asagoo sheegay in ay hada wadaan dhismayaasha iyo magacaabida Saraakiisha la wareegi doonta Saldhigyada Booliiska ee degmooyinka gobalka Banaadir ee Caasimada Muqdisho.

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Ra’iisul wasaaraha oo maanta lagu hordhaariyay Garsoorayaasha Maxkamadaha gobolka Banaadir

Posted to the Web Jan 04, 15:11

Muqdisho (PP) - Xarunta Maxkamadda weyn ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacay munaasabad lagu dhaarinayay garsoorayaasha maxkamadaha Gobolka Banaadir, kuwa rafcaanka iyo qaar ka tirsan degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Xafladdaan lagu qabtay Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahayeen Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo xubnio kale.

Xafladdaan oo ahayd mid si heer-sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay qaar ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo xubno kale ayaa waxa lagu dhaariyay in ka badan 30-garsoore, iyadoo xubnaha halkaasi isugu tagayna ay u badnaayeen shaqaalihii hore ee maxkamadaha dalka.

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dib loo soo nooleeyo hay’adihii garsoorka qaar ka mid ah oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu muhiimsan bulshada isla markaana baahi fara badan loo qabo.

Sidoo kale Prof. Cali Maxamed Maxamed Geeddi ayaa sidoo kale ku booriyay mas’uuliyiinta la dhaariyay maanta inay waajibaadkooda u gutaan si waddaninimo iyo ALLE kaa cabsi ay ku dheehan tahay.

Maxamed Aadan Saciid oo ah Kusimaha guddoomiyaha maxkamada sare ahna ku-simaha ku-xigeenka 1-aad oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada dowlada federaalku ay ka leedahay arrintaan ay tahay sidii cadaaladii ay dib ugu soo celin lahaayeen, isagoo xusay inay ka howlgeli doonaan garsoorayaashan maxkamadaha gobolka Banaadir, wuxuuna kula dardaarmay in waajibaadkooda ay si RABBI ka cabsdi leh u gutaan.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

Garsoorayaal la dhaariyay

4 Jan 4, 2007, 11:46

Munaasabad ballaaran oo uu ka soo qeybgalay ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi isla markaana lagu dhaarinayey Garsoorayaasha Maxkamadaha racfaanka iyo ku-xigeenadooda ayaa maanta ka dhacday xarunta Maxkamadda sare ee gobolka Banaadir.

Garsorayaasha la dhaariyay ayaa afar ka mid ah goobta ka soo xaadirtay halka mid kale uu ka maqnaa, sidoo kale ku-xigeenada xeer-ilalayaasha oo gaarayey shan xubnood ayaa lagu dhaariyay.

Guddoomiyeyaasha 8 degmo oo gobolka Banaadir ka mid ah ayaa sidoo kale xafladdaaas lagu dhaariyay halka qaar kale ay maqnaadeen.

Xafladaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay marti lagu casuumay iyadoo halkaasi uu khudbad ka jeediyay ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo kula dardaarmay xubnaha la dhaariyay in xilkooda si daacad ah ay ugu soo baxaan isla markaana si caddaalad ah ay ku shaqeeyaan.

Geeddi ayaa sheegay in sharci la’aantiis aysan dowladdu howlgeli karin isla markaana sharciga uu wax walba ka weyn yahay, wuxuuna intaa raaciyay in dhawaan xukuumaddiisa ay howlgelin doonto saldhigyadii booliska, isagoo ka codsaday shacabka la shaqeeyaan Garsoorka iyo Booliska Soomaaliyeed.

Cali Muxayadiin Cali,GO

Gabbal   

I believe this an excellent leap for the TFG. As soon as they can fill the power vacuum and establish some sort of system, the faster every aspect of the capital can come under their control including the confidence of the people.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Sworn in what? Office

Who are these people? What kind of an education level do they hold? Their backgrounds?

Puppets are installing diminutive puppets.

Well if it makes them happy it makes me happy. I hope they just function right. They should systematize themselves orderly, each person should be held responsible or dismissed if they don’t uphold to whatever they have sworn on.

Share this post

Link to post
Share on other sites

^^When have you ever seen me supporting that Indacade vermin?

I am questioning their legitimacy not insulting them in anyway, aren’t some people just touchy touchy today.

Share this post

Link to post
Share on other sites

^^^Mujahid-SNM, you are no more Muslim than them, thus spare us the snide comments.

Your [Hargayse, sweet home] you suppose is ok, thus you can insult the people of Xamar?

I wish nothing but luck for these men, they have allot of work to do. I wish them success in making Mogadishu greatest city in the Horn.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this