Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Gen Ilka-jiir The troops have full orders to continue campaign....

Recommended Posts

Boosaaso:Ciidanku amar bay Qabaan,Kooxdaas meeshay joogtaba way uga dabatagayaan”Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland.

9. august 2010

 

APL

 

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markale ku celisay in Dagaalada kasocda Buuraleyda gobolka bari ee dawlada Puntland oo ay saaka guulihii ugu waaweynaa ka gaareen ay sii wadi doonaan islamarkaasna aysan marna ka harin Kooxdii Alshabaab taabacsanayd ee ay dagaaladu dhexmareen.

 

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Dawladaha Hoose & Hor’umarinta reer miyiga ee dawlada Puntland Jen,Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo goordhaweyd oo Caawa ah kusoo noqday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dawlada Puntland ayaa APL u xaqiijiyey in Dagaalku uu sii socon doono.

 

Wasiirku wuxuu sheegey in Deegaanka galgala oo uusan Waqti dheer arag uu maanta si nabadgelayo ah u tagay islamarkaasna arkay Cuqaasha,Waxgaradka & dadka deegaanka,waxaana uu intaas ku daray in Ciidamadu ay amar buuxa ku qabaan inaysan dagalka joojin inta kooxda Hogaamiye Atam ay kasoo afjarayan.

 

“Adeer Ciidankeenu Amar bay qabaan…hadaan kuu sheegayaa amar buuxa baan kusiinay wayna u hogaansameen,waxaa weeyey inta Kooxdaas ay dhaqdhaqaaqayaan way dagaalamayaan,waxaana ay wadi doonaan Dagaalada ilaa ay kooxdaas kasoo afjaraanna dagaalku ma istaagayo”Ayuu yiri Jen,Cabdulaahi Axmed Jaamac oo labadii cisho ee lasoo dhaafay kamid ahaa Saraakiisha sida aan kala harsiga lahayn ujoogay islamarkaasna uga qeybqaadanayey Dagaalada kadhacay buuraleyda gobolka bari.

 

Jen,Cabdulaahi Axmed Jaamac wuxuu sheegey in Dawlada Puntland ay ka go’antahay inay tirtiro oo ay dhulka lasinto cidkasta oo Amaankeeda kasoo horjeeda,waxaana uu sheegey inay ciidanku weli baacsanayaan koox aad u kooban oo uu Hogaaminayey Hogaamiyaha ay ciidanka Puntland aadka u radinayaan ee Maxamed Siciid Atam,waxaana uu sheegey in ay rajeynayaan inay gacanta kusoo dhigaan Hogaamiyahaas.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dawlada Puntland ayaa Waxay Shaacisay in ay Ciidamadeedu Gacanta ku dhigeen Deegaanka Galgala kadib Dagaal aan Awood badnayn oo saaka Subanimadii hore ka dhacay Deegaankaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/laahi Axmed Jaamac ilka Jiir oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay 9-kii subanimo ee saaka in Ciidamada Dawladu Gacanta ku dhigeen Deegaanka Galgala i yo tuulooyinka ku xeeran, wuxuuna Wasiirku sidoo kale Sheegay Kooxihii Atam in ay dib ugu gurteen Togag iyo Qararka ka danbeeyay Tuulada Galgala ee dhinaca waqooyi xiga.

 

Wasiirka oo wax laga waydiiyay Khasaraaha ka dhashay Dagaalka Saaka ayaa sheegay in ay Dhinca Kooxda Atam laga dilay 3 Nin halka Dhinaca Dawlada Puntland uu sheegay in aysan Wax khsaare ah ka soo gaarin dagaalkii saaka.

 

Dhinaca Kale Odayaasha iyo Nabadioonada Tuulada Galgala oo ay Ciidamda Dawlada Puntland Gacanta ku hayaan ayaa Codsaday in lala soo gaaro Gargaar Cunto Maadama ay Mudo ku jireen Dhul Miyi ah intii Dagaaladu ay socdeen sidoo kalana Deegaankan Dawladu ay ka xayirtay in ay soo galaan Gaadiidka raashiinka Wada.

 

Axmed Saalax Caynab oo ka mid ah Nabadoon Tuulada Galgala ayaa sheegay in ay la kulmeen Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Dawlada Puntland ee Deegaanka soo gaartay Markii ay Ciidamadu si Awoodaysan ku qabteen, wuxuuna nabadoonku sheegay in ay Wadaan baadi goob Dadkii Buuraha galay ee xaasaska iyo Caruurta u badnaa.

 

Qabsahsada Dawlada ee Fadhiisimihii Atam Waxay ku soo aaday Xilli Maanta laga War dhawrayay Talaabada Dawlada iyo natiijada ka dhalan karta Dagaalo Maanta Dib u bilawda, waxaana hada la isweydiinayaa Ciidamada Dawladu in ay si wadayaan Dagaalada ay kooxdan kula jiraan iyo in ay intaa ku hakin doonaan maadama ay kala firxadeen oo an si rasmi ah loo aqoon halka ay cirib iyo jaan dhigeen.

 

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this