General Duke Posted July 2, 2007 Maamulka G/Banaadir Oo Marti Qaaday Jaaliyadaha Dibadda Ee Ku Sugan Muqdisho -------------------------------------------------------------------------------- Cape-Town(Calanka.com) 28-Juun-2007 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu martiqaad u sameeyay masuuliyiinta jaaliyadaha dibadda ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala socday wadamo badan oo ka tirsan qaaradda Yurub iyo Ameerika. Martiqaadkan oo uu sameeyay maamulka gobolka Banaadir goobjoogane uu ka ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada mudane Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxaa looga wada hadlay qaabka ey u wada shaqeyn lahaayeen isla markaana gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo dib u heshiisiinta. Masuuliyiinta jaaliyadaha dibadda ee kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ey gaarayeen ilaa iyo 15-xubnood, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintan. 1- Maxamed C/laahi Baashi 2- C/laahi Maxamed (Baxsanow) 3- C/laahi Xuseen Mahad 4- Cabdi Sh. Cismaan Sh. Ibraahim 5- Axmed Maxamed Xasan 6- Cali Axmed Jabaayi 7- Siciid Axmed Jaray 8- Xasan Diiriye Sabri 9- Xaaji Xasan Buul (Qaroofow) 10- Ciise Maxamed samow 11- Xaaji Macow Cumar 12- Shiikha Mudey Gacal 13-Maxamed Cilmi Cosoble 14- Maxamed Cali Gaab 15- Ibraahim Sh. Muxiyadiin Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno sar-sare oo iyana daneynayay macluumaadka jaaliyadaha dibadda, waxaana iyana xubnahaas ka mid ahaa: 1- Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere 2- Xussen Caraale Cadaan 3- Maxamed Cismaan Dhagaxtuur 4- Maxamed Cismaan Nuur 5- C/laahi Cabdi Cumar 6- Iyo Nuur Daqle[/] Kulankan ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan, waxaana lagu kala qaatay macluumaad kal duwan oo qaarkood muhiim u ah jaaliyadaha dibadda ku dhaqan doonayana in ey dalka ka shaqeystaan. Calanka.com Quote Share this post Link to post Share on other sites