General Duke Posted July 15, 2007 Shirkii Dib u Heshiisiinta Qaran oo aan u hakan Madaafiicdii Hoobiyeyaasha aheyd (Muxuu Madaxweynaha ka yiri) Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran ayaa lagu soo waramayaa in halkiisa uu ka sii soconayo, kadib markii hoobiyeyaal lagu weeraray xaruntaas, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in loo baajin doonin shirka hadii la soo rido xataa nus darsan Iyadoo Ilaa iyo 7 Hoobiye ay ku soo dhaceen Hareeraha Xarunta Gaadiidka Booliska oo uu ka furmay Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran, ayaa hadan hakad uusan u gelin shirka dib u heshiisiinta qaran. Dhawaqa Madaafiicda Hoobiyeyaasha ayaa aad u hareeysay Goobta uu shirka ka dhacayo, inkastoo aan wax gaarin goobtaas oo lala dan lahaa Madaafiicdaas. Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo qudbad ka jeedinayay Furitaanka Shirkaas ayaa intii uu hadlayay Madaxweynaha ay dhaceen Hoobiyeyaasha lagu bartilmaameedsaday agagaarka Xarunta Shirka, iyadoo Madaxweynaha uusan hadalkiisa joojin isagoo sii watana waxa uu yiri "Qofkii tiisa soo gasha ayaa dhimanaya, wax baqdin ah yaala sameyn, dhag jalaqna yaan loo siin madaafiicdaas, hadii ay soo tuuraan nus darsan madaafiic ah ma joogsan doono shirka"ayuu yiri Madaxweynaha. Xaalada Goobta uu shirka ka dhacayo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo Xaafadaha qaarna lagu soo daadiyay Ciidamo dheeri ah oo ay ku jiraan Milataarka Ethiopia. Xarunta Shirka waxaa ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo lagu wado in qudbad uu ka jeediyo Shirkaas oo looga hadlayo Masiirka soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites