Som@li Posted August 22, 2007 Baydhabo:- Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee u dhashey Gobolada Maakhir ayaa taageero, tahniyad iyo boogaadin usoo diraya Dowlad Goboleedka cusub ee Maakhir State of Somalia oo dhowaan ka hirgashey Gobolada Sanaag iyo Galbeedka Gobolka Bari. Xubanaha ayaa waxay tahniyad diiran u dirayaan Maamulka Maakhir State of Somalia iyo hogaanka Sare ee Maamulkaas iyagoo sheegey iney Maamulkan oo kale uu soo daahey oo la doonayey iney qabsoonto mar hore Xubanaha Baarlamaanka Federaalka ee u dhashey Gobolada Maakhir ayaa waxay kula talinayaan Dowlad Goboleedka cusub sidii ay uga shaqeyn lahayd danaha Gobolada Sanaag iyo Galbeedka Bari oo isla markaana ay cadaalad iyo wax qabad ku dhaqaaqaan. Xubaha Baarlamaanka Federaalka ee u dhashey Maakhir ayaa waxay intaa raacinayaan tahniyad kale oo ku socota dhamaan dadweynaha Reer Maakhir iyagoo ugu baaqaya iney la shaqeeyaan Dowladooda u dhalatey isla markaana ay garab istagaan Dowladooda si ay u gadato Dowladu hawsheeda Qaran. Xubahaha Baarlamaanka Federaalka ee u dhashey Maakhir ee baaqan soo gaarsiiyey Saxaafada ayaa ah dhamaan xubnaha Baarlamaanka Federaalka oo ay ugu horeeyaan Casha Cabadalle iyo Gen. Cabduraxman Maxamuud Cali Bayr oo ahaan jirey Wasiirkii hore ee Difaaca ee Somalia. LaasqorayNet/Baydhabo Quote Share this post Link to post Share on other sites