Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland minister blames outsider for clan wars.

Recommended Posts

“Somaliland Waxa Soo Galay Mu’aamaraad Dhaliyay Dagaaladan Sokeeye, Khal-Khalkana Waxa Lagu Horeysiinayaa Saddex Magaalo Oo Waaweyn”Mr.Buuni

 

hadhwanaag 2007-02-26 (Hadhwanaagnews) Wasiirka Xidhiidhka golayaasha ee Somaliland Cabdi Xasan Buuni ayaa shalay gelinkii hore shir ku qabtay Hutelka RAYS ee magaalada Boorama, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen 150 qof oo isku jira qaybaha Bulshada ee ku dhaqan Boorama, Sida Maamulka Gobolka, Golaha Degaanka, Madax dhaqameedada, Culimada, Haweenka iyo Dhalinyarta.

 

Sida uu ku soo waramay Weriye ka tirsan shabakadda Awdal News (Haashim Goth), waxa ugu horayn hadalka furay Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Sh. C/laahi oo ka qayb galayaasha u sheegay in shirkan uu qabtay wasiirku, “isaga oo ah wasiirka keliya ee dadka la socodsiiya marxalada dalku marayo, Badhasaab ahaan waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku geeriyooday dagaalada Daroor, waxaanan hadalka ku soo dhaweynayaa wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Mr.Cabdi Xasan Buuni,” ayuu yidhi Mr. Maxamuud Cabdillaahi, waxaanu Makrafoonka ku wareejiyay Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha, Cabdi Xasan Buuni waxaanu wasiirku hadalkiisa ku bilaabay mahadcelin uu ujeediyay ka soo qayb galayaasha shirka ee madasha iskugu yimid, intaas ka dibna wuxuu khudbadiisa ku bilaabay oo uu yidhi: "Ujeedada kulankeenani wuxuu yahay mid xogwaran ah, oo aan idin soo gaadhsiinayo waxyaabo yaryar oo aydaan ka warhayn, waxaas oo ah wax xukuumaddu soo qabatay ama ku dhexjirto iyo waxyaabaha Somaliland dhexdeeda ka jira iyo waxa kale ee inagu xeeran. Sida aad maqasheena beryahan dambe waxaa soo galay Somaliland mu’aamaraad, dhaliyay dagaalada sokeeye ee aad maqasheen ee ka dhacay Gobolka Sool oo laba beelood ku dagaalameen, Sanaag oo Ceel-Afweyn agagaarkeeda lagu diriray, Saaxil oo aad maqasheen in Askari iyo hal qof oo shicib ah ku dhinteen iyo tan ka dhacday Daroor ee labada beelood ee walaalaha ah isku laayeen.

 

Waxyaabahaas dhacaya hadaan nahay Dawladda waxaan ku sababaynaynaa, gacan Shisheeye oo la soo adeegsaday loona soo diray in ay khalkhal geliyaan nabada iyo xasiloonida Somaliland ku naaloonayso. Waxaa Ilo lagu kalsoon yahay laga helay in khalkhalkaasi saddex magaalo oo waaweyn lagu horaysiiyo, iyada oo loo adeegsanayo gobolkasta iyo magaalo walba dadkii u dhashay, saddexda magaalana waa Burco, Hargeysa iyo Boorama. Mar wadaado ayaa laga hadli jiray nimankan reer Koonfureed (Somalia) inagu waan u ducaynaa, iyagauna (Somalia) way ka naxaan waxaan qabsanay waxayna jecel yihiin in aan sidooda noqono, waxaan idiinka digayaa dadkiina ka yimaad Somalia ee muddo ku noolaa xagaa iyo wixii la mid ah in aanay idin soo dhex galin. Intaas oo dhacdo ah ee dhacdayna dad la soo adeegsaday ayaa sabab u noqday oo waxyar ku soo dhuuntay, Dawladdu si fiican ayay uga hortagtay, mid walbana halkii ay joogtay ayay ku qabatay, Dadaal aad u weyn ayay dadka iyo dawladdu kaga jiraan Hargeysa, Anigana ujeedadayda aan shirka u qabtay waxay tahay in aad sidaa u ogaataan oo aad ka foojignaataan.

 

Hadaad maqasheen golayaasha qarankaa is khilaafsan ama aad aragtaan Warsaxaafadeed ama raadiyaha ka maqashaan, oo aad moodaysaan in belaayo taalo Hargeysa oo ay ka dhacayso Hargeysa Dawladnimada ayaa leh, Markii la yidhi Dimuqraadiyada waxaa xor ah loo yahay hadalka, waad ogtihiin aqoonteena halka ay gaadhsiisan tahay, iyada oo wax badan jaraa’idka xaaraan ka yahay in lagu qoro, weliba wixii qof naftiisa taabanaya ama wixii muwaadin xaq u leeyahay in la taabto.... Hadana waydinkii aad maqasheen in Madaxweynuhu qabtay guddiyaal iskugu jira golayaasha qaranka, waanagii ku shirnay Sheekh ee aan ku heshiinay in cid walba wixii dastuurku siinayo ay ku dhaqmaan, oo aan qolaba qolada kale aanay awoodooda faragelin ama dhexgalin, go'aankaasi inkasta oo aanu meelo ka hirgalin, haddana waa ka keenay in saddexda xisbi iyo xukuumaddu intay kulmaan ku heshiiyaan in wakhtigan la joogo la midoobo, taas ayaa lagaga bixi karaa marxalada taagan in laga midoobo wixii danta guud, waataan wada qabanay Banaanbixii waynaa ee dalka oo dhan ka dhacay laguna ayidayay qadiyada guud ee Somaliland, bishan 22 keediina wuxuu ka dhacay London iyo Oslo.

Xaga Aqoonsiga waxaan maraynaa meel fiican, bisha June shirka Afrika ee ka dhici doona wadanka Ghana waxaan ka filaynaa arrin wanaagsan, waanan ka qayb qaadan doonaa, sida aduunka ayaanan raacnay oo axsaab ayaan samaynay, maantana Somaliland saddex xisbi ayaa lagu abtirsadaa, waanan dhaafnay qaabkii qabaliga ahaa, Qabyaaladuna way xun tahay waxayna keentaa burbur, habkii heshiiska dhaqanka ee hoose wax aan ahayn ee la isku gargaarayay.

 

Hadaad tihiin reer Awdal waxaan idinku amaanayaa nabadiina iyo in aad ahaydeen Hoygii nabada iyo dib u heshiisiinta Somaliland, Haddii ay wax dhacaan waxaan idinku dardaarayaa in aan lala boodin, nabada iyo xasiloonida aad haysataana xajisataan, meesha wax ka dhacaana sidii dhaqanka idiin ahayd degdeg ugu gurmataan oo aad nabada ka shaqaysaan, wixii meel ka dhaca waa wax ina wada saamayn kara. Meelaha ugu daran ee aan arkay waa dhanka garoomada ciyaaraha, Caruurtiina u sameeya meelo ay ku ciyaaraan si maskaxdooda iyo muruqoodu u dhismo, Hay’ad garoomo dhisaysa ayaa igu tidhi Boorama meel garoon laga dhisaaba ma jirto, Madaxda gobolka in aad wax ka qabanaysaan ii balan qaada hawlahaas, Indhahayga waxaan ku soo arkay garoonkii oo dhagax la dhigtay, intaas ayaan hadalka kaga baxayaa” ayuu yidhi wasiir Buuni.

Waxa kale oo iyana halkaas hadashay Marwo Ikraam Daa’uud oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, waxayna tidhi: “Waxaan u mahad celinayaa abaabulayaasha shirka iyo dadka iskugu yimid, wixii horumar ah waa in loo midoobaa waxaanan jecelahay in aan samayno gudi haweena oo colaada Daroor u gurmata, wakhtiyadii hore marka ay wax dhacaan waan banaan bixi jirnay inaga (haweenka) oo waxaan odhan jirnay Hooyo Oyda dooni mayno, Aabo Ooya dooni mayno...Marka siyaasadda laga hadlayo waxaan nahay Xisbiyo qof walba ka u dan ah ayuu raacayaa.”

Dad kale oo ka hadlay goobtaasi ma jirin, iyadoo shirkaas Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha ay ku weheliyeen dhanka Dawladda Badhasaabka iyo Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Boorama Muumin Gadiid.

 

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Xaashi Daahir Cilmi oo la filayay inuu shirkaas ka soo qayb-galo kana hadlo ayaan isagu ka dhex muuqan madasha oo ka maqnaa.

 

Haatuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sida aad maqasheena beryahan dambe waxaa soo galay Somaliland mu’aamaraad, dhaliyay dagaalada sokeeye ee aad maqasheen ee ka dhacay Gobolka Sool oo laba beelood ku dagaalameen, Sanaag oo Ceel-Afweyn agagaarkeeda lagu diriray, Saaxil oo aad maqasheen in Askari iyo hal qof oo shicib ah ku dhinteen iyo tan ka dhacday Daroor ee labada beelood ee walaalaha ah isku laayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa Ilo lagu kalsoon yahay laga helay in khalkhalkaasi saddex magaalo oo waaweyn lagu horaysiiyo, iyada oo loo adeegsanayo gobolkasta iyo magaalo walba dadkii u dhashay, saddexda magaalana waa Burco, Hargeysa iyo Boorama. Mar wadaado ayaa laga hadli jiray nimankan reer Koonfureed (Somalia) inagu waan u ducaynaa, iyagauna (Somalia) way ka naxaan waxaan qabsanay waxayna jecel yihiin in aan sidooda noqono,

The logic here is that these clashes are occuring because of the jelousy and envy of the "Southerners".. :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this