Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Update on Sharif Sharmarke feud

Recommended Posts

Halkee Marayaa Khilaafka Dawladda Federaalka ee Kumeelgaarka Ah?.

 

September 20, 20101 comment| leave your own!

Share Khilaafka u dhexeeya madaxda u sareeysa Dawladda Federaalka ayaan weli xal kama danbeys ah loo helin, iyada oo ay fashilmeen isku dayo badan kuwaas oo ka yimid waddamada dersika ah iyo kuwa daneeya arimaha Soomaaliya.

 

Waxaa weli xaniban fadhigii xubnaha Baarlamaanku isugu imaan lahaayeen, maalinímadii Sabtida ee la soo dhaafey ayey ahayd markii uu baaqdey fadhigii uu iclaamiyey guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanku, laba maalmood kadib ma jiro wax kulan ah oo ka socda guriga Ummadda oo ah xarunta Baarlamaanka.

 

Wararka u danbeeyey ee aan ka helayno Muqdisho ayaa sheegaya in markaan khilaafku maraayo arimo farsamo iyo mid sharci:-

 

Kooxda taageersan qorshaha Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa weli ku adkeysanaya in Xukuumaddu ay kalsooni soo weydiisato Baarlamaanka, taas oo ka dhigeysa in xukuumaddu u baahan tahay 276 cod si ay shaqadeeda u sii wadato.

 

Halka Kooxda kale ay taagan yihiin in xukuumaddu ay haysato kalsooni ay ku shaqeyso, isla markaana mooshinku uu yahay mid sharci darro ah, laakiin haddii Baarlamaanku furmo isla markaana ay isku raacaan xildhibaano gaaraya 276 xildhibaan in xukuumaddu dhacdey, markaas Raysalwasaaruhu waa u hoggaansamayaa codka xildhibaanada.

 

Waxaa muuqata in markaan la isku hayo soo weydiista oo hela 276, iyo idinku u codeeya in ay dhacdey ileyn anaggu waan haysanaa kalsooni oo la imaada 276 cod, markaas waan banayneynaa xafiiska.

 

Waxaa loo badinayaa in maalinta berri ah (Talaado) xildhibaanadda Baarlamaanku ay kulan isugu yimaadaan, waxaana la sheegayaa in ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho xildhibaano gaaraya 360 xildhibaan, labada qolo ma haystaan xildhibaano ku filan ee midba kan kale ku muquuniyo, waxaana arintu taagan tahay mindi midni kale ku taag.

 

Dhanka kale waxaa cadaadis xoogleh saaran yahay Madaxweyne Shiikh Shariif, madaxweynuhu waxa uu doonayaa in uu maalinta berri ah u baxo New York oo maanta (Isniin) uu ka furmeyo shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobey waxaa shirkaas ka shirkaas ka soo qaybgalaya 192 dal, Waxaa ka horeeya Madaxweynaha Wasiirka Arimaha Dibadda Yusuf Dheeg oo hordhac u ah wefdiga Madaxweynaha, Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa ku qoran khudbadda maalinta u danbeysa shirka ee Arbacada ah 22.09.2010, sidoo kale isla maalinta ku xigta ee Khmaiista ah waxaa ka dhacaaya New York shir gaar ah oo looga hadlaayo arimaha Soomaaliya, waxaana shirkaas guddoomin doona Ban-Ki-Moon xoghayaha Qaramada Midoobey.

 

Haddii madaxweynuhu uu safro khilaafka oo taagan iyada oo aan xal la helin, waxa uu ku soo laabanayaa Muqdisho oo aan ahayn tii uu ka tegay, haddii uu isku dayo in uu ka baaqsado shirar si gaar ah looga hadlaayo Soomaaliya, taasna waa fadeexad aad u weyn oo Dawladda Federaalku luqunta suranayso. Dhanka kale haddii Madaxweynuhu isku dayo in uu derdaro sharciga oo ku dhawaaqo Raysalwasaare cusub, waxay taasi soo dedejinaysaa in Madaxweynaha laga xayuubiyo xurmada isla markaana la casilo.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mudanayaal Ugu Baaqay Madaxda Dowlada Is-casilaad

19 September, 2010 07:47:00 Isesos

Font size:

 

Mudanayaal ka trisan Baarlamaanka KMG ah, ayaa maanta kulan ku yeeshay golaha shacabka ee Muqdisho, waxeyna kaga arrinsanayeen sidii loo dhameyn lahaa Xiisadaha u dhaxeeya Madaxda Dowlada, iyagoo ugu baaqay Madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid inay is-casilaan, maadaama uu batay khilaafka u dhexeeya.

 

"Madaxweyaha iyo ra'iisul wasaaraha, waxaan ka codsanaynaa inay xilalkooda iska casilaan, maadaama khilaafkooda uu batay ayna xal ka gaari waayeen," ayuu yiri xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro oo u hadlay xildhibaannadii kulanka yeeshay.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shalay saxaafadda ugu warramayay Muqdisho ayaa xaqiijiyay inuu jiro khilaaf kala dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo uu walaac xooggan ka muujiyay jiritaankiisa.

 

Xildhibaannada, maanta kulanka yeeshay ayaa waxay sheegeen in dowladdu ay ku fashilantay inay wax ka qabato dalka, iyagoo xusay in markii ay dalka timid inta badan Muqdisho ay gacanta ugu jirtay xukuumadda, balse haatan laga qabsaday.

 

"Madaxda dowaldda maadaama ay ku fashilmeen inay dalka wax ka qabtaan, waa inay u banneeyaan kuraasta dadka waxqabanaya ee dibadda jooga, waayo ma jirto wax natiijo ah oo muujinaya inay khilaafkooda dhameeyaan," ayuu yiri Daahir Ciiro.

 

Khilaafka u dhexeeya madaxda DKMG ah ayaa gaaray heer aad u sarreeya, taasoo keentay in dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay la baajiyo kulamo la filayay in codka kalsoonida ah loogu qaado xukuumadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khilaaf soo dhexgalay Shariif Xasan & Sh. Shariif

20 Sep 20, 2010 - 5:50:50 AM

 

Muran ka dhashay mooshin laga keenay xukuumada DF ee Sharma'arke uu u hayo hogaanka ayaa soo dhexmaray Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay la xiriirtay Garowe Onilne.

 

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Sh. Shariif iyo Shariif Xasan ay isku maan-diideen in xukuumada codka kalsoonida loo qaado, sida ay xildhibaano ka badan 296-mudane ay todobaadkii hore ku codeeyeen inay xukuumadu hortimaado baarlamaanka.

 

"Madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu xukuumada rido, halka Shariif Xasan uu taas kasoo horjeedo, uuna doonayo inuu qaabab kale maro" ayuu yiri mas'uul Vill Somalia ka tirsan oo aad ugu dhow Sh. Shariif.

 

Mas'uulkan oo magaciisa qariyay, ayaa sheegay in labada mas'uul ay labadii habeen ee ugu dambeeyay kulamo ku yeesheen Villa Somalia, kuwaasoo ay ku kala tageen, iyagoo aan wax natiijo ah ka gaarin.

 

"Shariif Xasan, wuxuu ku doodayaa in dowlada aan la ridin, isagoo sheegay in hadii la rido ay kala daadanayso xukuumada sidii horay u dhacday, balse waxaa taas ka horyimid Sh. Shariif" ayuu ma'suulka ka tirsan Villa Somalia u sheegay GO.

 

Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa la sheegay inuu isaguna xildhibaanada kulamo la leeyahay, kuwaasoo uu kaga codsanayo inaysan xukuumadiisa ridin, waxaana la xusay in shalay oo Axad ahayd uu xildhibaano badan siiyay lacag si u taageeraan.

 

Khilaafka Madaxweyne Sh. Shariif iyo Ra'iisul wasaare Sharma'arke ayaa cirka isku sii shareeraya, iyadoo la sheegay in sadexda mas'uul ee xukuumada ugu sareysa ay xiriir kala duwan la sameeyeen Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi si xal looga gaaro khilaafka jira.

 

Shariif ayaa doonaya inuu takhaluso ra'isla wasaaraha ina uusan tagin shir QM ka yeelan doonto arrimaha Somalia kaasoo ka dhacaya magaalada New York ee caragiga Mareykanka

 

Wasiiro ka tirsan DF, ayaa diiday inay jiraan xiriiro dhexmaray madaxda dowlada iyo ra'iisul wasaaraha Ethiopia, waxaase warkaan kasoo xiganay ilo wareedyo codsaday inaan magacyadooda la sheegin, kuwaasoo noo xaqiijiyay inay tahay arin qarsoon.

 

Ra'iisul wasaare Sharma'arke oo war siiyay saxaafada Muqdisho galinkii dambe ee shalay ayaa sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Sh. Shariif, isagoo xusay inaysan muddo dheer si waji-ka-waji ah iskusoo horfariisan.

 

Dhinaca kale Madaxweyanaha Puntland ayaa wareysi uu siiyey BBC-da maalintii shaley ayaa sheegey in ay aad ugu xun yihiin khilaafka waqtigaan soo dhexgaley mas'uuliyiinta DFKMG ah isaga oo sheegey in aan loo baahneyn.

 

Puntland ayaa qaadatey mowqifka beesha calamka kaasoo ah in aan loo baahneyn waqtigaan khilaaf siyaasdeed ee soo dhexgala madaxda dowlada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this