Liibaan Posted November 23, 2010 Kulan Dhexmaray Xafiiska Soomaaliya U Qaabilsan Maraykanka Iyo Wufuuddii SSC Tuesday, 23 November 2010 Nairobi: Sida wararka lagu helayo waxaa maanta kulan dhexmaray Wufuuddii SSC iyo Xafiiska Safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Kulanka oo sida la sheegay ka dhacay gudaha Safaaradda ayaan laga hayn wax faah-faahin ah, ayadoo la sheegay in laga wada hadlay arrimaha Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Xalaadaha SSC. Ilaa hadda si xaqiiq ah looma oga mas'uuliyiinta kulmay ee labada dhinac, mar aan isku daynay inaan wax ka ogaano faah-faahinta warkan ayey ka gaabsadeen Madaxda Hoggaanku inay ka hadlaan kulankaasi. Waxii wara ee ka soo kordha dib ayaanu idinkala soo socodsiin doonaa, Idinka Eebbe. Jidbaale.com Quote Share this post Link to post Share on other sites