Sign in to follow this  
Che -Guevara

Can he get along with anybody?

Recommended Posts

C/laahi Yuusuf oo ka degay Muqdisho kana hadlay inuusan jirin khilaaf udhaxeeya Nuur Cadde iyo isaga

Warkii 28-Feb-2008 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk

Madaxwaynaha dalka Somalia ayaa waxa uu galabta dib ugu laabtay caasimada dalka Somalia ee Muqdisho oo uu maalinadii shalay uu safar kaga soo anbabaxay uuna ku yimi safarkaasi magalaada Baydhabo oo uu ka socday shirar looga hadlayo xaalada dalka Somalia.

 

 

Shirarkaas ayaa waxaa looga hadlayay sidii xaalada dalka Somalia ay unoqon lahayd mid ku dhamaata wada hadal Dawlada KMG ah ee Somaliana ay lahadasho mucaaradka Dawlada si loo gaadho nabad ka dhalata gayiga Soomalaiyeed horseedana horumar.

 

 

 

Wadahadaladaasi oo uu hogaaminayay Madaxwayne C/laahi Yuusf ayaa waxa yeeshay saddex masuul ee ugu sareeya Dawlada KMG ah ee Somalia oo ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo wasiirka arimaha dibada ee Dalka Ethiopia Siyum Musfin.

 

 

 

Hadaba C/laahi Yuusuf oo maanta intaanu uduulin magaalada Muqdisho kadib wada hadaldii ay yessheen masuuliyiintaasi ayaa waxa uu ka hor hadlay Baarlamaanka Dalka Somalia isagoo halkaasi ka sheegay inaysan jirin khilaaf udhaxeeya isaga iyo Nuur Cadde ayna yihiin waxa hadda la sheegayo wixii laga sheegi jiray markii uu xaalada caafimaad ujoogay London.

 

 

 

Hadaba waxaa mudooyinkii udanbeeyay soo baxayay warar sheegaya in labada masuul ee C/laahi Yuusuf Axmed iyo Nuur Cadde uu u dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed kaas oo ku yimi qaabka uu Nuur Cadde u wajahayo siyaasada dalka Somalia ulana heshiinayo mucaaradka Dawlada oo ay usocdaan xidhiidh dhanka isgaadhsiinta ah.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

 

info@afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Baarlamaanka Soomaaliya ka hor sheegay in uusan jirin Khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde

 

 

 

Khamiis, February 28, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta khudbad u jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

 

“Waxay ila tahay in aad beryahan maqleyseen madaxa ayaa la iskula jiraa iyo wax baa qariban, hadde waxaan idiin sheegayaa in hadalkaas uu la mid yahay hadalkii la sheegi jiray markii aan xanuunsanayay ee aan maqnaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo Xildhibaannada Baarlamaanka u sheegay in ay hadalkaas ka dhigaan mid aan wax ka soo qaad lahayn.

 

Intaas kadib madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu ka hadlay waxyaabihii ay qabatay Dowladda Federaalka iyo waxyaabaha u harsan in ay qabato, wuxuuna sheegay in waxqabadka Dowladda laga sheegi karo kaliya sida uu u yiri uu yahay in ay jebisay Maxkamadihii Islaamka, in ay shir dib u heshiisiin qabatay iyo in ay Muqdisho ku shaqeyneyso, wuxuuse sheegay in ay howl badan u harsan tahay Dowladda Federaalka.

 

Mar uu ka hadlayay waxa keenay in Isaga, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo Muqdisho ku sugnaa ay isugu soo raacaan Baydhabo waxaa uu sheegay in ujeedada arrintaas ka dambeysay ay ahayd in ay soo dhaweeyaan Wufuud uga imaaneysay Itoobiya iyo Qaramada Midoobay oo maanta iyo shalay ay kulamo la lahaayeen, kuwaasi oo ay ka wada hadlayeen Arrimo ku saabsan Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya.

 

Hadalka Madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay beryahan jireen warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in uu jiro khilaaf ku saabsan qaabka loo wajahayo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, kaasi oo u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

 

Dhanka kalena, waxaa maanta isna la hadlay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay isu tanaasulaan, “Dadka Soomaaliyeed waa isku Af, isku Dhaqan, isku Diin, xalna wey gaari karaan, haddii aad xal gaartaan waxaad ka gudbeysaan dhibaatada mudada dheer idiin dhaxeysay”ayuuna yiri Dajire Ahmedou Ould-Abdallah oo la hadlayay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kulansanaa Xaruntooda KMG ah ee Baydhabo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this