Sign in to follow this  
General Duke

Lower Shabbele : recruitment + weapon transfer..

Recommended Posts

DF oo laga taageray Sh/Hoose

 

12 Jan 12, 2007, 14:46

 

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa maanta kulan ka dhacay deegaanka Shalaambood ee gobolka Sh/Hoose waxaa uu kula kulmay maamulka gobolkaasi iyagoo ka wada hadlay sidii maamulka gobolka ugu qeyb qaadan lahaa nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya iyo sidii hubka loogu wareejin lahaa dowladda Federaalka KMG ah.

 

 

 

Col. Barre Hiiraale oo shir guddoominayey oo labo maalmood kahor soo gaaray gobolka Sh.Hoose ayaa waxaa uu ka dalbaday maamulka gobolka in hubkooda ay ku wareejiyaan dowladda Federaalka iyadooo ay geynayaan ciidamada gobolka iyo tiknikada goobaha loo cayimay in la geeyo hubka.

 

 

 

Bare Hiiraale ayaa ka codsaday shacabka gobolkaas in ay taageeraan dowladda isla markaana ka shaqeeyaan xasilooni kusoo dabaalida dalka, isagoo amar ku bixiyay in loo hoggaansamo awaamiirta dowladda Federaalka KMG ah.

 

 

 

Maamulka gobolka Sh.Hoose ayaa soo dhoweeyay codsiga Bare Hiiraale iyagoo si weyn u taageeray dowladda Federaalka, Cali Bariire oo u hadlayey maamulka gobolkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in hubkooda ay ku wareejiyaan dowladda.

 

 

 

Barre Hiiraale ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho oo ku sugan Madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

 

 

Cali Muxiyaddiin Cali, GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maleeshiyo beeleedyo lagu uruurinayo garoonka Ceel-Axmed ee Sh/hoose

 

Marko 13, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Sh/hoose ayaa maleeshiyo beeleedyo waxa ay ku uruuriyeen garoonka Ceel-Axmed ee gobolkaasi.

 

Abaabulo lagu uruurinayo maleeshiyo beeleedyo ayaa waxaa laga dareemayaa gudaha magaalada Marko, taasoo ay wadaan odayaal iyo waxgarad deegaanka ah.

 

Maleeshiyadaan oo ka soo jeeda hal beel ayaa abaabulkooda waxa uu ka dambeeyay, ka dib markii fariin uu soo gaarsiiyay odayaasha deegaanka Prof. C/laahi Sheekh Ismaciil oo ah wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka.

 

Wasiirka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro halkaasi.

 

Gobolka Sh/hoose ayaa maalmihii ugu dambeysay waxaa ka jirey amaan xumo, iyadoo wali aanu jirin ciidamo dowladda ka socda oo halkaasi fariisimo ka dhigtay.

 

Yuusuf Keynaan

 

Shabelle Media Network Sh/hoose

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this