Sign in to follow this  
General Duke

Road connecting Bosaso-Qaw- Las Qoray under construction: PICS

Recommended Posts

dhismo-lagu-bilaabay-wadad-tagta-laas-qo

 

 

Dhismo lagu bilaabay Waddada tagta Laas Qoray iyo Bander Siyaada (Qow)

– Sawiro

 

March 30, 2010| NEWS:

 

maalinimadii shalay ka bilowday Duleedka Airporka magaalada Bosaaso dhismo lagu dayactirayo jidka aaa magaalooyinka Laas Qoray iyo Bander Siyaada (Qow), halkaasi oo uu dhawaan Jaanka iyo biyaha wadadaasi xayiray.

 

Dayactirka wadada ayaa waxaa wada dadka ku dhaqan deegaanka Bander Siyaada, ayadoo shalay goobtaasi ay booqdeen mas’uuliyiinta gobalka Bari iyo Degmada Bosaaso oo ay wehliyaan Saraakiisha Booliiska iyo kuwa Asluubta.

 

Hawshan balaaran ee ka socota wadada marta duleedka koonfureed ee Bander Qasim International Airport ayaa ah mid hada si habsamileh u socota.

 

 

Xubnihii shalay goobtaasi booqday ayaa waxaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Guddaha Col.Axmed Yassin, Guddoomiyaha gobalka Bari Cabdixaafid Cali Yusuf, Duqa magaalada Bosaso Maxamuud Beeldaaje Faarax, Taliyaha Booliiska G/Bari Col.Cismaan Afdalow, Taliyaha Xabsiga dhexe iyo xubno kale oo badan.

 

Mas’uuliyiinta goobtaasi booqatay ayaa sheegay in Dowlada ay ka qeyb qaadan doonto hawshan ay bilaabeen bulshada ku dhaqan deegaanka Bander Siyaada, ayadoo wadadan muhiim u tahay dhanka deegaanada ku teedsan xeebta ee Waqooyiga degmada Bosaso ka xiga.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

good news sxb dhibaato wayne baa lagu qabay wadadaas biyaha gala janka qaw baabuurtu ma mari karaan waxaan xasuustaa 6 bilood kohor waa ku xayirmanay the most important is to build that bridge but i am still skeptical how wil they build the bridge that need more money and more skill people

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Maamulka Degamadda Xaafuun oo Ka warbixiyey Dayactir laga wadey Wadooyinka Degmadda

 

March 29, 2010| NEWS: Category | 4 comments

 

Maamulka degmadda Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa ka warbixiyey dayactir weyn oo muddooyinkii la soo dhaafey ay ka wadeen waddada tagta degmadda, Mr. Yusuf CabdullaahiSanyare oo ah guddoomiyaha degmadda ayaa sheegay, in ay gacanta wax uga qabanayeen arintan, maadaama aysan haysan qalab waaweyn oo ay wax ku qabtaan,waddada ay noqotey meel bacaad xirey, waxaan ku guuleysanay in masaafo 9KM ah aan dhagax dhigney oo ka dhigney waddo Jay ah, waxaana hawshaani socotey tan iyo sanadkii la soo dhaafey, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

 

Dheyayso Waraysiga Gudoomiyaha Xaafuun

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mashruucan ay u raadiyeen taageero, welina ay rajo qabaan laakiin aysan u helin taageero balaaran oo lagu dhameeyo waddada Xaafuun, waxaana in muddo ah sugeyna inta ay ka dhamanaayeso waddada Lafagoroyo ee Caluula tagta taasna hadda waa mid soo dhamaatey.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibta ka taagan wasdada ay ogyihiin Masuuliyiinta Puntland, madaxweynaha waan kala hadalney wasiirka arimaha guduhu waa og yahay laakiin weli wax taageero ah oo dhanka maamulka naga soo gaarey ma jirto.

 

Guddoomiyaha degmadda Xaafuun ayaa sheegay in dadka reer Xaafuun ay diyaar la noqdeen xoogooda haddii lagu taageero dhaqaalihii loo baahnaa, waxaa macquul ah in muddo 6 bilood ah waddadu ay noqoto mid wanaagsan oo aan bacaad ahayn, isgaarsiinta iyo noloshuba ay hagaagto.

 

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa cabasha ka muujiyey in maraakiibta shisheeye ee ka kaluumeysta xeebta Xaafuun ay yihiin kuwo marba marka ka danbseysa soo badanaya, waxaana hadda ay u bateen dhanka Hindiya kuwa ka yimaada kuwaas oo dhibaato u geysta Kaluumeysatada reer Xaafuun.

 

Maxamuud Cabdi Ibraahim

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

So Far the Cagaaran road in mudug was completed, so has the lafa goray road that connects hafun to caluula been done.

 

This years goals.

 

1. Bendar Ziyada to Las Qoray Road

2. Road that goes to Hafun

 

It's not bad way to start 2010. Inshallah step by step it will be all done and it's a matter of going up then onwards.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this