Sign in to follow this  
Liibaan

Soo Dhoweyntii Garaad Jama G Ismaciil iyo Wasiirka Arrimaha Dabada ee SSC (Nairobi)

Recommended Posts

Liibaan   

weyn10.jpg

 

weyn11.jpg

 

 

weyn34.jpg

 

weyn23.jpg

 

Jaaliyadda SSC East Africa Oo Qabatay Shir Xogwaran & Soo dhaweyn.Shirweyne ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda SSC ee Bariga Afrika ayaa wuxuu maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Shirkan oo ahaa labo qodob oo kala ah, Soo dhaweynta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil , Xoghayaha arimaha debeda Ee SSC iyo wufuudo kale oo ka kala socdey jaaliyadaha SSC ee dalalka Sweden iyo Britain. Waxaa sidoo kale shirkan ka soo qayb galay Boqolaal ka tirsan shacab weynaha SSC ee ku dhaqan dalkan Kenya.

 

Shirka oo lagu furay Aayadaha Qur'aanka Kariim ah ayaa waxaa si rasmi ah u furay shirka Gudoomiyaha Jaaliyadda Barriga iyo Bartamaha Afrika Mudane Jibriil Cali Ciise {Jibriil Dheere}.

 

Jibriil wuxuu ugu horeyn soo dhaweyn iyo hambalyaba u diray Garaad Jamaac Garaad Ismaaciil iyo waftiga Hogaanka ee uu ka socdey Pro: Mohamuud Ali Jamaac.Wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in halkani ay ahayd meeshii laga abaabuley ama lagu Aasaasay Hogaanka Badbaadada iyo Mideynta SSC Somaaliya. Wuxuu sheegay Jibriil in loo baahan yahay in la **** galo oo la taageero waxii lagu unkay Nairobi.

 

Waxaa isna xidhiidhiyaha Shirku Ahmed Shide, ku soo dhaweeyey Mikrifoonka Afhayeenka Jaaliyadda SSC ee Mudane C/Qaadir Ahmed Aw cali. Afhayeenku wuxuu ka warbixiyey dedaaladii ay jaaliyadani u soo gashay sidii dhulkooda wax looga qaban lahaa isla markaana ay ujeedadoodii gaadheen. Wuxuu sheegay in madaxdii la doortay Dr: Saleebaan Ciise Ahmed Kaar iyo Col: Cali Ahmed Xassan ay hada gudaha ku jiraan waajibaadkoodiina gudanaya.

 

Afhayeenku wuxuu ku baraarujiyey dhamaan jaaliyadaha dunida dacaladeeda ee SSC, in ayu istaagaan ka midho dhalintan iyo taageerida hadafkii loo doortay Hogaanka asagoo xasuusiyey in hadii aan shacabka SSC taageero laga helin aysan jirin wax lagu naaloodo.

 

Waxaa sidoo kale halkaas hadal iyo tixba ka soo jeediyey labo Abwaan oo kala. Abwaan Cali Maaweel iyo Abwaan Ahmed Gelle. Waxaa sidoo kale Buraan buro guubaabo iyo ducaba ah soo jeediyey qaar ka tirsan haweenka SSC.

 

Waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Madaxa arimaha debeda ee Maamulka SSC. Pro: Mohamud Ali Jama, wuxuu ka warbixyey mudanuhu waxyaalihii u soo qaybsoomay waaxdiisa, Wuxuuna sheega in arintii ugu weynayd ee ay kugulasyteen ay ahayd in ay si rasmi ah uga qayb galeen shirkii Stanbul ee dalka Turkey. Wuxuu sheegay in shirkaas oo ahaa mid heer caalami ah loogana hadlayey xaalada SSC ay gaadhsiiyeen codkii dadka SSC." Waxaan ka sheegnay in aan cidina na Metelin" Oo aan anagu danahagayaga iyo aayahayaga Mas'uul ka nahay" ayuu yidhi wasiirku, waxaa xusid mudan intii uu wasiirku hadlayey in ay qudbadiisa hadhaysay sacab iyo Mushxarad taasoo ka turjumaysa sida shacabka SSC ugu bisil yihiin in ay heleen Mas'uuliyiin ay doorteen oo codkooda ku hadlaysa.

 

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay, Pro: Jama in waxyaalaha kale ee ay guusha ka gaadheen ay ka mid tahay in inta badan jaaliyadaha debeda ee SSC isku xidheen shirarka xaga Telefoonada ahna ay u qaybtan Axad kasta.

 

Wuxuu sidoo kale ka hadlay socdaalkiisii 7 maalmood qaatay ee uu ku soo maray magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia

 

Beentii Puntland iyo Somali-land?

 

Wuxuuna yidhi" Ma jirto SSC in dib danbe been looga sheego oo la dhaho waa Argagixiso" Dawladda Ethiopiayana in naloo adeegsado oo gacmo kale noo adeegsadaan taasna waa dhamaatay" Hada waxii ka danbeeyana waxaanu u wada xidhiidhi doonaa si toos ah" Baabuurtii shacabkeena laga gaxaystayna waan ka wada hadalnay ayagana waad maqasheen in dadkii lahaa loo celiyey' ayuu yidhi wasiirku. Ugu danbeyntii wuxuu Wasiirku ku baaqay in xafiis laga furo magaalada Nairobi oo ah ayuu yidhi xarunta ay fadhiyaan dhamaan hay'adaha iyo dalalka Daneeya arimaha Soomaaliya.

 

Waxaa sidoo kale hadalka la wareegay Faarax Aadan dhalac oo ahaa wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee maamulkii Puntland. Mr Dhalac wuxuu sheegay in mudadii uu ahaa wasiirka oo dhan sanad iyo badh uu ka bartay habdhaqanka maamulka Garoowe wax qabad la aanta SSC iyo faquuqidooda. Wuxuuna sheegay in waxyaalihii ay iskaga horyimaadeen ay ka mid ahayd mamnuuciidii Hogaanka SSC laga mamnuucay deeganada uu maamulku xukumo, taasoo cadaysay buu yidhi fogaanta maamulkaasi. Wuxuu sheegay in uu asagu ka tirsana Maamulkaas, waxyaalaha uu shaqadii uu u hayey uga tegayna ay ka mid ahayd' Waxaan arkay in uusan dadkeygawaxba u qabadeyn taas weeye tan aan iskaga Hornimin anigu'.

 

Wuxuu sheegay Mr, in uu Adis Ababa kula kulmay xubno ka tirsan dawladda federaalka ahee Ethiopia kalana hadlay qadiyada SSC, arintaas oo uu sheegay in ay isku afgarteen dhawaana uu ku noqon doono Adis Ababa.

 

Waxaa hadal kooban jeedshey Xubno ka socdey jaaliyadda Sweden oo kala ahaa Dalmar C/fatax iyo Danjire Aadan Xaashi. Danjiraha oo ku hadlayey magaca Jaaliyadda SSC ee Sweden ayaa sheegay in uu jaaliyada Bariga Afrika u aqoonsan yahay SSC oo dhan' maxaa yeelay waa ka duwan yihiin jaaliyadaha kale oo waa Aasaasayaashii waxaan aan maanta ku naaloodeyno' Mr Xaashi wuxuu sidoo kale amaan u jeedshey Garaad Jaamac oo uu sheegay in uu ahaa Garaad ku bilowday wax qabad'.

 

Sidoo kale waxaa ku sugnaa xubno ka socdey Jaaliyadda SSC ee Ingiriiska, waxaana ka mid ahaa Bashiir Maxamed Xirsi Cidhib.

 

Gebo gebadii waxaa Sameecada lagu soo dhaweeyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Wuxuuna Garaadku soo jeediyey qudbad dhinacyo badan taabanaysa, taasoo isugu jirtey xog waran, Mahadnaq ,Baaraarujin, Balan, Gubaabo iyo Duco. Garaadku wuxuu sheegay in dalkii barwaaqo ka dhacday xaga Roobka, dhanka kalese xaaladiisu Cakirnayd. Wuxuuna yidhi Abaaskuul meela ma wada joogo warna iskuma seegana'

 

Garaadku wuxuu mahadnaq u jeeshey ree Nairobi' mahada aad aniga ii soo jeedinaysaan idinkaa mudan oo mahadsan' Idinka ayaa ah kuwa *********** waxa uu maanta ku faanayo u dhisay' Awel maynaan kaftami jirin' Garaadku wuxuu is wadiiyey bal danbiga uu galay ruuxa doonaya in uu dantiisa iyo hawlihiisa iyo dadkiisaba maamusho.

 

'Anaga waxaa nalagu haystaa waar dadkayaga ayaanu u talinaynaa' waar waxaam doonaynaa in aan danahayaga u madax banaano' Taladaya aan gacanta ku qabsano' cidna duulaan kuma nihin ee anaga ayaa na lagu yahay ayuu yidhi Garaad Jaamac.' Garaadku wuxuu ku nuux nuuxsaday sida ay uga go an tahay in ay dadkooda wax u qabtaan' Isimada ayaa is haya ayaan maqlaa' ma jirto isimo is hayaa' 5 Bilood ayaan fadhiney oo aan Buuro wadal iyo Hol hol kala joogney waa la waayeylabo isim oo wax kala tirsanaya'.

 

'Hadana anaga wax noogu kiin hadhay ma jirto' Khusuusi ayaanu idin dhisnay; Hogaankii ayaanu idin ansixinay taladiinii ayaan idin dhiibney hawsha inta hadhay waa intiinii anagu dhameyn gudanay waajibaadkayagii' ayuu yidhiGaraadku.

 

Gebo Gebo

 

Guntii iyo Gabagabadii Wuxuu Garaadku ku soo Afmeeray duco iyo Baraarujin, wuxuuna ka digey in magaca Dhulabahante la waayayo hadaan tan (SSC) maanta loo midoobin.

 

Ha moogaan Qudbadihii shirka oo cod ah iyo sawirada dhawaan insha Allaah.

 

weyn31.jpg

 

weyn25.jpg

 

weyn29.jpg

 

weyn30.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this