Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu Fifth day, courts hold advantage, deaths reach 120..

Recommended Posts

Islaamiga oo ku gacansareeya dagaalka Muqdisho

Last Updated::2006-05-11 16:55:24

 

Muqdisho:- Wararka naga soo gaaray goobaha uu dagaalka ka socdo magaalada Muqdisho ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa sheegaya in Maleeshiyooyinka

Maxkamadaha ay hada ku gacan sareeyaan dagaalka sida uu u muuqdo.

 

Maleeshiyooyinka Isbaheysiga argagaxiso la dirirka ayaa lagu soo waramayaa in ay qaarkood dib uga gurteen goobihii ay difaaca uga jireen ee xaafada SiiSii ee degmada Yaaqshiid.

 

Maleeshiyooyinka labada dhinac ayaa adeegsanaya hub aad u culus ayadoo tirada dhimashada ee dagaaladan maalmihii lasoo dhaafay socday ay kor u dhaaftay 120 ruux.

 

Dhaawaca ayaa ka badan 200 ayadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo weli lagu hayo qeybo kamid ah xaafadaha ay dagaalada ka socdaan sida Siisii iyo Waxarcade.

 

Dagaalka ayaa socda maalintisii shanaad ayadoo xalay sidoo kale magaalada Muqdisho laga maqlayey madaafiicda Hoobiyaha iyo Lidka diyaaradaha oo ay isla dhacayeen labada kooxood.

 

Weli ma jiraan wax xabad joojin ah oo labada dhinac la dhex dhigay, waxaana hirgeli waayey baaqyo kala gedisan oo loo diray labada dhinac ee dagaalka wada.

 

Shacabka magaalada Ku dhaqan gaar ahaan kuwa ku sugnaa Waqooyiga magaalada ayaa codsaday in la joojiyo dagaalka isla markaana la soo dhexgalo labada gara oo u muuqda kuwo ay ka go'an tahay in ay sii wadaan dagaalada.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this