Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Bay gets a new governor.....

Recommended Posts

Baydhabo: Gobolka Baay oo Guddoomiye loo doortay.

Wednesday, June 28, 2006

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Print This Article | Daabaco warkaan

 

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Xaflad lagu dooranayay guddoomiyaha gobolka Baay ayaa galabta ka bilaabatay magaalada Baydhabo ee fariisinka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Xafladdan ayaa ahayd mid in muddo ah lawada sugayay , dhowr goorna soo baaqatay , waxaana maanta ku loollamay doorashada guddoomiyaha gobolka Baay Maxamuud Maxamed Aadan (Bar Baar) iyo Xuseen Xasan Ibraahim.

 

Doorashadan oo waqti qaadatay ayaa labada musahrax ay noqdeen kuwo isku cod dhow oo is mari waayay wajigii koowaad ee doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka.

 

Doorashadan waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda sida guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya , xubno ka tirsan labada gole, malaaqyadii hawlahan kusoo jiray iyo waxagrad kale oo aad u badan.

 

Waxay u muuqatay doorahadan mid aad u xiiso leh, dadkuna ay il gaara ku eegayeen , ayadoo ay tahay markii koowaad ee gobolka Baay loo sameeyo maamul ay soo doorteen dadku.

 

Wajigii labaad ee doorashada markii la isugu soo laabtay , kii koowaadna labada murashax ay kala bixi waayeen ayaa tirintii wajiga labaad la bilaabay waxaana guddoomiye gobol loo doortay Maxamuud Maxamed Aadan (Bar-Barbaar) oo helay 13 cod.halka ninkii la tar tamayay guddoomiyaha oo ahaa Xuseen Xasan Ibraahim wuxuu helay 7 cod .

 

Masuuliyiin ay kamid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wasiirka arimaha dawladda Soomaaliya Xuseen Caydiid ayaa hadallo talo ah kasoo jeediyay ,ayadoo Xuseen Caydiid oo madax u ah wasaaradda arimaha gudahana wuxu sheegay inuu la shaqaynayo guddoomiyaha cusub.

 

Doorashadan ayaa in badan lawada dhowrayay , ayadoo ay kusoo beegantay xilli uu madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ka maqan yahay magaalada Baydhabo.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiye loo doortay Gobolka Bay

E-MAIL THIS PRINT THIS

 

 

3173.jpg&w=210&h=291

Gddoomiyaha cusub ee Gobolka Bay

 

Doorashada guddoomiyaha Gobolka Bay ayaa doorashadiisa marar badan dib ugu dhacday faragelin uu ku sameeyay Wasiirka Beeraha Xasan Maxamed Nuur (Shaaatigaduud).

 

Wararka naga soo gaaray magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in goor dhoweyd la doortay guddoomiyaha Gobolka Baay, waxaan doorashada ku guuleystay ninka lagu magacaabo Xaaji Maxamuud Maxamed Aadan (Barbaar).

 

Laba musharax oao kale ayuu xaajigu uga guuleystay jagadan waxaana horeba loo hadal hayay inuu isagu ku soo bixi doono.

 

Doorashadan ayaa ka danbeysay kadib markii dhowr jeer muran la isku mari waayey dartiis dib loogu dhigay, waxaana loo arkaa tallaabo hore loo qaaday si maamul loogu sameeyo Gobolka Bay oo hadda ay degan tahay dowladda Federaalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Gobolka Bay oo la doortay

Baydhabo-28.June.2006

 

barbaar.jpg

 

Waxaa waaca fiidkii soo gabagabowday doorashada gudoomiyaha gobolka Bay oo galabta ka bilaabmatay hoolka ay baarlamaanku ku shiraan ee

ADC-da ee magaalada Baydhabo.

 

Waxaana gudoomiyaha gobolka loo doortay Maxamuud Maxamed Aadan (Barbaar) oo uu wareeg labaad oo doorashadaasi ah kaga adkaaday musharax kale oo la tartamayay oo la yiraahdo Xuseen Xasan Ibraahim.

 

Gudoomiyaha la doortay wuxuu helay 11 cod halka musharaxa laga adkaadayna uu ka helay 7 cod.

 

Munaasabadii lagaga dhowaaqay natiijada doorashada waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirka arrimaha gudaha ahna ra’iisal wasaare ku xigeenka Eng: Xuseen Maxamed Caydiid, wasirka beeraha Xasan Maxamed Nuur Shaati guduud, wasiirka dib u heshiisiinta Sheekh Aadan Sheekh Madeer iyo xubno kale oo aad u farabadan.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Eng: Xuseen Caydiid oo ka hadlay munaasabadaasi galabta ayaa sheegay inuu la shaqayn doono gudoomiyaha gobolka Bay isagoo ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.

 

Hawsha maamul u samaynta gobolka Bay waxay ahayd mid si weyn loo sugayay isla markaana hawl dhib badan loo soo maray.

 

Waxaana la filayaa in hawlo badan oo ay hay’adaha deeq bixiyeyaasha ku xireen fulintooda maamul oo laga hirgeliyo gobolka ay caqabadaasi meesha ka bixi doonto.

 

 

C/laahi Soomaali

SBC Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this