Sign in to follow this  
Suldaanka

Culimo'uddiinka gobolka Awdal oo ugu baaqay Maxaakimta Mogadishu

Recommended Posts

50 Ka Mid Ah Culimada Diinta Ee Reer Awdal Oo Maxkamadaha Ugu Baaqay In Ayna Soo Faro Gelin Somaliland

 

Maayarka Magaalada Boorama Cabdi Shide Bile oo la kulmay culimada diinta ee magaalada Boorama

 

Hashim Goth, Harowo = BOORAMA, Culimaaudiinka reer Awdal ayaa manta shir bladhaan ku qabtay Hotelka RAYS, Shirkaas oo ay kaga hadlayeen Mawqofkooda ku aadan, hadalada mudooyinkan dambe ka soo baxayay Maxaakiimta Islaamka ee Koonfurta Somaliya Gobolada badan la wareegay.

 

Shirkaas waxa culimada u furay Iskuduwaha Diinta iyo Awqaafta ee G/Awdal Sh.Xaamud Nadiif Axmed oo ugu horayn sheegay in ay ayidsan yihiin gooni isku taiga Somaliland, wax walba oo ka horyimaad Somalilandna ay ka hortagayaan, isla markaana ay ilaashanayaan Nabada iyo Dawladnimada ku timid dadaalka badan.

 

Waxa isna ka hadlay Sh,Maxamed Siciid Saweer oo ka tirsan Culimada Borama ka caanka ah, wuxuuna sheegay in shareecada Islaamka uu ku dhisan yahay Dastuurkeenu, wuxuu intaas raacshay waxaan ahay Imaam isla markaana garsoore ka shaqeeya Maxkamada Borama, waxaan ku shaqaynaa oo aan wax ku xukunaa Shareecada Islaamka, hadaba maxaa la inoo keenayaa ?

Islaamku wuu ka soo horjeedaa Fawdada wuxuuna ogol yahay kala dambaynta iyo nidaamka, Ilaahayna marka uu leeyahay Janada Gala wuxuu yidhaa Nabadgelyo ku gala, Nabadgelyadu waa Aasaaska nolosha, Dastuurka loo codeeyayna mar hadii uu waafaqsan yahay Islaamka waa in aan ilaashanaa. Malaha dad ayaa qaba hadii ay wax yimaadaan waxa la bedeli doonaa D/hoose Dhakhtarka, Maskaxdiina ha gelinana waa Kitaabka aan imikaba ku socono, Islaamnimaduna waa ta aan ku dhaqano, waana IMAANKA ee Khasab maaha(LaaIkraaha Fi Diin) waa aayad quraan ah, Qofka imanaya masaajidka 4am habeenimo waxa keenayaa waa Ikhtiyaar iyo Imaanka taas ayaa soo kicinaysa.

 

Waxa Isna ka hadlay Sh.Maxamuud Cateeye Imaamka Masjidka Geed Goble wuxuu hadalkiisa ku bilaabay in uu raacsan yahay hadalkii ciida uu jeediyay M/weyne Rayale ee uu ku sheegay in uu shareecada in la isku xukumo dastuurku jidaynayo, Qolyaha Koonfurtana waxaan leehay Culimo waan leenahay, Dawlad maxkamado lehna waan haysanaa oo sharcigu shqeeyo ee fawdo uma baahnin, hana soo fara gelinina Somaliland, waanan iska difaacaynaa wixii na soo weerara gudaha iyo dibadaba.

 

Ugu dambayna waxaa Hadal kulul soo jeediyay Sh.Maxamuud Xoogbadane oo ah nin Caalim ku ah Diinta Islaamka. Wuxuu u mahadceshay culimadii ka horaysay wuxuuna yidhi Somaliland waa Dawlad Kaamil ah oo dhisantay, kuwa ay la tahay in ay ceebeeyaana waa kuwo garab marsan Diinta Islaamka.

 

Diinta Islaamkuna waxay ka kooban tahay Afar Rubuc, inata kalana waxaa la yidhaa Tawaabic oo waa inta soo raacda, waxayna kala yihiin.

Cibaadada

 

Macaamilada Bayca (iibka)

 

Macaamilada Nikaaxa oo Bani Aadamka dhexmarta

 

Jaraaxada oo Jariimooyinka lagaga hadlo

 

Afartaasi waxay biyo dhigeen Somaliland oo lagaga dhaqmaa.

Hadaba yaa manta odhanaya Soomku waa xaaraan ?

 

Yaa odhanaya Bayca Xalaashu kama jiro Somaliland oo waa la is dhacaa ama Ribaa la qaataa ?

 

 

Ma jiraa cid odhanaysa Saaxiibnimo ayaa la isku qabaa oo meher shareecada Islaamka kama jiro Somaliland ?

 

 

Kumaa odhanaya Maxkamadaha Somaliland Jaraaxada kuma xukumaan sida shareecada islaamka.

 

Hadaba waxaan leehay kuwa leh shareecada Islaamka ha lagu dhaqmo xaalkoodu waa “kalimatul Xaq Yuraaduhal Baadil” halagu dhaqmadaasi waa xaq, laakiin hadii aan lagu dhaqmin ayay ahaan lahayd kalmad Xaq loola jeedo, balse hadii lagu dhaqmo waxay noqonaysaa kalmad Baadil ah.

 

Somaliland waxaa u qabsoomay nidaam dawladeed oo ay samaysteen beelaha dega Somaliland. Dastuurka qodobkiisa 5aadna wuxuu sheegayaa wixii ka horyimaad Diinta Islaamka waa khalad, markaas nidaamkeenu waa kii rasuulku inoogu tegay mar hadaan waafaqsanahay Diinta Islaamka, Ragii sameeyay Dastuurka ayaanan ka mid ahaa ee waafajinayay Diinta Islaamka iyo dhaqankeena ku salaysan caqiidada Islaamka.

 

Qolyaha jariirada Haatuf gubay ee baaqyada soo saarayana waxaan leehay wixiinu waa fawdo ee hadii aad talo haysaan ula yimaad golayaasha Qaranka, am aula yimaada Axsaabta Qaranka ee mucaaradka ah oo u muuqda hab mucaarad, hadiise aad tidhaahdaan Diin ayaan ka hadlaynaa waxaad tihiin Jidadgooye, Fitan Abuur iyo Fawdo samays, kuwa wadaada sheeganaya ee noocaas ahna waxaan leehay u soo noqda Diinta Islaamka, wadadiinu waa diinta oo aad u soo noqotaan.

 

Qolada Mustaqiimiinta ah ee Jariirada Haatufna waan ka tacsiyaynaynaa gubistii jariirada, waxaanan leenahay dulqaata waxa idin helay waxmagarato.

 

Qolada Koonfur waxaan maqli jirnay laba Qawlo ayaa isku haysta oo ku dagaalamaya, qawlihii Gadaal oogayaasha hadii laga adkaaday, oo loo hiiliyay kuwii huwanaa magaca islaamka oo shacabkub raacay, waxaan leenahay shacabka ha ku ciyaarina dhiigoodana ha daadinina Somalilandana ha haybsanina way idinka tagtee.

 

Wadaada Hargaysana iyo Buracana waxaan leehay Idinku raaci mayno wixii fawdo wada ee Somalialnd nabadeeda duminaya dawladnimadeenana diidan.

 

Ugu dambayna Maayarka Boorama Cabdi Shide Bile ayaa isna soo jeediyay in ay ka soo horjeedaan isla markaana talaabo ka qaadi doonaan cid walba oo nabada khalkhal ku abuurta, wuxuu intaas ku daray in aysan hore u arag wadaad dhiigdaadsha, balse ay Arki jireen wadaad maslaxad Umadeed ka shaqeeya. Waxan soo baxayna yahay weji cusub oo lala yaabo, waxa lagu wanaagsan yahayna waa nabadgelyada.

 

Wariye: Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

In a press conference in Burao, Togdheer, Sultan Mohamoud told reporters that he and the clan he represents will never betray Somaliland. He also categorically rejected rumours that he supported Mogadishu's Islamic Courts Union.

 

 

----

suldaan_maxamuud_xaaji_xuseen.jpg

Beeshayda kuma Qiyaamayn, Beeshayduna may Qiyaamayn… Cid nooga lexejeclo badan Dalka ma jirto, cid nooga soojeed badnayd ma jirto, cid nooga dhibaato badnayd ma jirto...

 

Burco (Somaliland.org) – Suldaan Maxamuud X. Xuseen oo ka mid ah Salaaddiinta Beelaha Gobolka Togdheer, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Burco faahfaahin ka bixiyey khudbado uu ka jeediyey masaajidada magaalada Burco labadii Jimce ee ugu dambeeyey bishii barakaysnayd ee Rammadaan, khudbadahaas oo sababay xiisad ka dhalatay warar sheegaya in xukuumaddu isku dayday inay xidho Suldaanka.

 

Suldaan Maxamuud X. Xuseen waxa uu sheegay in khudbadihiisaa si xun loo turjumay, isla markaana la gaadhsiiyey heer ciidan qaran iyo wasiirro ay ku soo baxaan. Waxana uu yidhi Suldaanku isaga oo arrimahaas ka hadlaya,

 

”Warkaa aniga iga baxay ee heerkaas la gaadhsiiyey oo ah heer Wasiir, heer Ciidan Qaran waxaan filayaa in aanu heerkaa gaadhin. Laba jeer ayaan ka hadlay Masaajid, waxaan ka hadlay waxay ahayd in Shareecada Islaamka ha laysku xukumo.

 

”Shareecada Islaamku ma aha wax Soomaaliweyn leedahay ee waa wax ka dhaxeeya ummada Muslimiinta oo dhan. Innagu Somaliland haddaynu nahay [in shareecada Islaamka aynu isku xukuno] waynu gaadhnay, waynu ku heshiinay, Dastuurkeena ayey ku taalaa Cid kasta oo Somaliland ah Qoys, Dad, Dalka, shareecada Islaamku waa inagu waajib, wax aan cid isu daba taagayona ma aha, mana aha wax haddii la soo qaado qoladaas ayaa iska leh la odhanayo, waana waxaan odhanayo mar walba, wax aan marnaba ka tanaasulayo ma aha”.

 

 

Jiritaanka Somaliland

 

Suldaan Maxamuud X. Xuseen, waxa kale oo uu ka hadlay mawqifkiisa Somaliland iyo wararka sheegaya in Suldaanku uu xidhiidh la leeyahay Maxaakiimta Islaamiga ah ee Muqdisho qabsaday, isla markaana uu u hanqal taagayo Soomaaliya. Waxana uu yidhi isagoo arrimahaas ka hadlaya,

 

“Waxaa la leeyahay Suldaanku wuxuu ku xidhan yahay Xamar iyo meelo kale. Arrintaasi ma jirto. Aniga iyo Beeshayduba beel ahaan ayaanu u qaadanay goonni isu taagga Somaliland, kuna balan furimayno Beelaha Somaliland. Beel ahaan iyo shaqsi ahaanba mawqifkayagu waxa weeye, mar walba jiritaanka Somaliland waa lama taabtaan muqadis ah. Arrintaas Beeshayda kuma Qiyaamayn, Beeshayduna may Qiyaamayn… Cid nooga lexejeclo badan Dalka ma jirto, cid nooga soojeed badnayd ma jirto, cid nooga dhibaato badnayd ma jirto. Waxaa Daliil u ah shirkasta oo Somaliland lagaga soo horjeedo ma jirto shaqsi ahaan iyo Beel ahaan [cid ka qaybgashay]. Waxaan ka hadlayaa waxaa weeye in aanu nahay Somaliland.

 

”Maxkamadaha Islaamiga ah ee had iyo jeer la yidhaahdo waa ku xidhan yahay ilaa heer baa la gaadhsiiyey in la yidhaahdo ‘Shiikh Cali ciidamo ayuu soo wadaa Ina Xaaji Xuseen na dadkii ayuu sii abaabulayaa, markaa sidii Aayatulaah ayuu Shiikh Cali ka soo dhex degayaa, markaa hawshaas halkaas ayaa layskaga dubbaridayaa..’ Taasi ma’aha arrin aan meel kaga shirnay aniga iyo beeshayda, qaasatan Beelaha Bariga Burco.

 

”Maxkamadaha Islaamiga ahi Muqdisho waxay ka qabteen waa wax weyn, dadkoodii ayey ka saareen dhibaato 16 sanadood ay ku jireen waana ugu hambalyaynaynaa waxaa wanaagsan ee ay Ummadooda u aabteen. Muslim iyo Gaalba wixii caqli saliima waa u hambalyeynayaa. Laakiin, wax xidhiidh Shaqsiya ama Beel ahaan aan la leeyahay ma jiraan. Waxaan maxkamadaha leeyahay dhulka aad gacanta ku haysaan xasiliya, Dhulkase Nabadgelyadu ka jirto ha nabadgeliyeen.

 

Ugu danbayntii Waxaan u hambalyeynayaa M/Weynaha Jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo Munaasabaddii Ciidda ku dhawaaqay inuu Shareecada Islaamka dalka ku xukumaayo, waana soo dhoweynayaa. Waxaana leeyahay kaga dhabee arrintaa; waa arrin kuu wanaagsan If iyo Aakhiro, anagana noo fiicane”.

 

Intaas kadib, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur waxaa su’aalo weydiiyey warayayaashii ka qaybgalay Shirkaa Jaraa’id, Su’aalihii la waydiiyeyna waxay u dhaceen Sidan:

 

 

S: Suldaan waxad tidhi [Khudbadii Jimcihii ina dhaafay] C/aali Yuusuf, Cade Muuse iyo Riyaale ayaa ku heshiiyay in ciidamada la kala qaado waxaana ciidamadii la dul keenay Burco oo dadka ayaa lagu cabudhinayaa arintaa maxa ka jira?

 

J: Hadalkaas Jimcii hore oo aan hadlay ayaan sheegay markaan arkay tiiyo lagu soo kululeeyay ayaan dadka ku guubaabiyey hadalkaa. Waxanan ka soo xigtay Boqor Buurmadoow oo yidhi C/laahi Yuusuf iyo Cade Muuse ayaa ku heshiiyay inay Somaliland ictiraafaan. Waxan aaminsanahay in Boqorku ku hadlo afka Xukuumadda, laakiin xukuumadda kamaan maqlin, qofkuna ma ah hadalkiisa inuu dafiro hadalkaan waan idhi.

 

S; Suldaan intaad hadalkan dadka dhexdooda ka sheegaysaan Salaadiin ahaan ma u tagteen halka taladu ka go’do oo ma kala hadasheen Arrintan?

 

J: Way fiicantahay, arrintanina waxay ahayd in shareecad Islaamka laysku xukumo, arrimo badan oo hore aanu u soo jeedinay way jireen oo aan wax badan laga qaban. Arrintan aan soo jeediyayna waxay ahayd arrin shakhsi waxana u weyna labo qodob oo kala ah:

 

1. In Maxkamadaheenna uu yaallo Indian Panel Code oo kaa laga qaado oo la dhigo Kitaabka Illaahay.

 

2. Iyo in la xoojiyo Hay’adda Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista si loo joojiyo Mukhaadaraadka iyo Dhaqan xumadan fidaysa.

 

S; Xukuumada waxa xidhiidh ah ma kala sameysay arintan?

 

J: May.

 

S; Suldaan hadalkaad dhawaan jeedisay ma ku sheegtay in Burco Maxkamad la furaayo?

 

J: May, arrintaa man sheegin ee waxan ka hadlay uun Maxkamadaheenan.

 

S: Suldaan waxad kamid tahay Madaxdhaqameedyada Beelaha Culimaduna waxay ku eedaysa Xeerarka Beelaha inay ku jiraan arimo badan oo lid ku Shareecad Islaamka marka arimahaas maxad waxa uga qaban waydeen?

 

J: Anaku Beel ahaan arintaa waxanu ka balanay sidaan sheegayna waa arin Shakhsi, Qoys iyo Qaranba loo baahan yahay Suldaamo badana arimaha Diinta lidka ku aha waanu ka wada hadalnay Waanan sii Xoojinaynaa horena waannu uga wada hadalnay.

 

 

Jaamac Xuseen Yalaxle,

Somaliland.org, Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

I want that Turki dog to bark more and louder. His angry pathetic speech/interview has done nothing but to unite Somaliland people in general.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Boy from Boston, MA...it ain't that kind of party my friend. It's easy people to lose focus sometimes and take peace for granted. There are also fanatics everywhere in this world and Somaliland is no different. These kind of people need to be kept in check every now and than. It's called WACYE GALIN.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Che,

 

My name isn't Webster!

 

What is you definition of HEAVEN?

 

Don’t reed too much into Semantics…it won’t get you anywhere…waxaasi waa canaad nimo saaxiib.

 

You made a statement and I responded to it. If you don't like or agree with my answer than be it...

 

 

We can always agree to disagree!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this