Sign in to follow this  
General Duke

Pakistan Yemen sends congratulations to the Somali people

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweyne Yuusuf oo dhambaal hambalyo ah ka helay madaxda dalalka Yeman iyo Pakistaan

 

30. June 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax ayaa maanta dhambaal tahniyad ah u diray dhigiisa Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed isagoo ugu hambalyeeyay munaasabada xuska sanad guuradii 47-aad ee ka soo wareegatay xiligii xornimada ay ka heshay umadda Soomaaliyeed gumeystihii Talyaaniga, wuxuuna Cali Cabdalla Saalax uu Madaxweyne Yuusuf ku yiri dhamaan shacabka iyo dowladda Yaman waxay hambalyo u direysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda oo u dabaal degaya 1-da Luulyo.

 

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Pakistaan Perves Musharaf ayaa dhambaal hambalyo ah u jeediyay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed isagoo sheegay in shacabka iyo dowladda Pakistan ay shacabka Soomaaliyeed la qeybsaneyso farxada iyo u dabaal dega munaasabada 47-aad ee 1-da Luulyo.

 

“Md. Madaxweyne waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan dhambaal tahniyad ah kuu soo diro anigoo ku hadlaya magaca dowladda Pakistaan iyo shacabkeeda” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Pakistaan oo intaa raaciyay in xiriirka labada dal ka dhaxeeyo uu yahay mid wanaagsan haadana uu ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya in uu sii xoojiyo.

 

Waa markii ugu horeysay ee munaasabad qaali ah oo noocaan oo kale oo Madaxda dalalka saaxiibada ay hambalyo u diraan Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed inta la og yahay, iyadoo caawa magaalada Muqdisho looga dabaal degayo xuska 1-da Luulyo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar ka mid ah Madaxda dalalka Caalamka oo Madaxweynaha DFKMGS ugu soo hambalyeeyey Maalinta Qaranimadda dalka Somalia.

 

Somaliweyn Media Center(SMC) Mog.30/6/07

 

Iyadoo berrito 1-da Luulyo.loo dabaal degayo Munaasabadda 47-guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Qaranimadda dalka Somalia, ayaa waxaa Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed soo gaarayo Dhambaallo loogu hambalyeynayo Munaasabadaasi Qaran.

 

Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa uu dhambaallo ka kala helay dhigiisa dalalka Yeman iyo Pakistan, Cali Cabdalla Salaax iyo Jeneral Perves Musharaf, oo ay ugu hambalyeynayeen Maamlinta Madax-bannaanida dalka Somalia ee 1-da July.

 

Wakaalladda Wakaalladda ee dalka Yeman “SABA”, ayaa qortay inuu Madaxweyne Cali Cabdalla Salax ugu tahniyadeeyey dhigiisa dalka Somalia, C/llaahi Yuusuf Axmed Munaasabadda 47–guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Qaranimadda dalka Somalia, wuxuuna Madaxweynaha dalka Yeman u rajeeyey Ummadda Soomaaliyeed inay ku waaraan Nabad, Midnimo iyo Qarankooda oo ay dib u dhistaan.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha DFKMGS, Md. V/llaahi Yuusuf Acmed, waxa uu dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Munaasabadda Maalinta Qaranimadda dalka Somalia ka helay dhigiisa dalka Pakistan, Jeneral Perves Musharaf.

 

Wakaalladda Wararka ee Associated Pakistan Press “ APP”, ayaa sheegtay inuu Madaxweynaha dalka Pakistan, Jeneral Musharaf dhambaalkiisa ku yiri:- “Aad baan ugu faraxsanahay inaan Mudanne Madaxweyne kuu soo diro salaan diiraan oo aan kaaga wado Dowladda iyo Ummadda dalka Pakistan oo ku aadan Munaasabadda Maalinta Qaranimadda ee dalka Somalia.

 

Jeneral Musharaf, waxa uu dhambaalkiisa ku xusay inuu aad u rajeynayo inuu sii xoogeysto xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Dowladaha Pakistan iyo Somalia.

 

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Pakistan, Showkat Casiis, waxa uu isagana dhambaal ku aadan Munaasabadda Maalinta Qaranimadda dalka Somalia u soo diray dhigiisa dalka Somalia, Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Dhambaalkiisa waxa uu ku xusay Showkat Casiis inuu rajeynayo inuu sii xoogeysto xiriirka Walaaltinimo ee u dhexeeya labada dal, isagoo xusay inay diyaar u yihiin inay gacan siiyaan Dowladda Federalka Somalia si loo soo celiyo nabadda iyo deganaanshaha guud ee dalka Somalia.

 

Somaliweyn Media Center "SMC"

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Pakistan greets Somalia on independence day

 

ISLAMABAD, June 30 (APP): Pakistan has greeted Somalia on its independence day falling on July 1.President General Pervez Musharraf and Prime Minister Shaukat Aziz sent felicitation messages to their counterparts and wished them on their country’s independence day.

 

President Musharraf in his message to Abdullah Yusuf said, “It gives me great pleasure to convey to your excellency the warmest felicitation behalf of the Government and people of Pakistan on the national day of the Somali Republic.”

 

Prime Minister Aziz conveyed best wishes to Prime Minister for his health, long life and prosperity and hoped that the excellent relations between Pakistan and Somalia would strengthen in the years ahead.

 

Source: APP

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen.Musharaf oo Hambalyo u diray Dowlada Somaaliya

Last Updated::2007-07-01 13:53:17

 

Islamabad:- Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dalka Pakistaan ayaa si wadajir ah dhambaal hanbalyo usoo diray Dowlada Soomaaliya.

 

President General Pervez Musharraf iyo Prime Minister Shaukat Aziz ayaa qoraal ay soo saareen ugu hanbalyeeyay dowlada iyo ummada Soomaaliya sanadguurada 47aad ee maalinta Xoriyada dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Musharaf oo qoraal u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa waxa uu ku sheegay in asagoo ku hadlaya magaca ummada Pakistaan uu ugu hanbalyeenayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed maalinta xoriyada dalka asagoo sheegay inuu illaahay uga baryayo horumar iyo nabad ummada Soomaaliyeed.

 

Ra'iisul Wasaare Azizka dalka Pakistaan ayaa sidoo kale dhanbaal noocaan ah u diray dhigiisa dalka Soomaaliya, dowlada Pakistaan ayaa noqotay tii ugu horeysay oo dhanbaal noocaan ah u dirta dalka Soomaaliya tan iyo intii uu dhacay burburkii soomaaliya, ayadoo maanta oo ku aadan 1da Luulyo ay dalalka Islaamka, kuwa Carabta iyo dunnida kaleba dhanbaalo hanbalyo ah usoo dirayaan dowlada Soomaaliya.

 

Khaliif M Xaashi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this