Sign in to follow this  
Jacaylbaro

10th of May 2008

Recommended Posts

DJIBOUTI :Jamciyadda qurumaha ka dhaxaysa oo haatan isku dayeysa inay ukala dab-qaado dhinacyada isku haya Siyaasadda wadanka dhaca geeska Africa ee Somalia, ayaa ku wargalisey Dawlada KMG Somalia Iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia ee mucaaradka ah xiliga la qabanayo Wadahadalada dib u heshiisiineed ee dhexmari doona Labadaasi dhinac.

 

Shariif Xasan Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Golaha Fulinta ee Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia, ayaa sheegay in waqtiga kama dambeysta ah Qaramada Midoobay laga sugayo, balse hada loo sheegay in 10-ka bisha May ee soo socota ay dhici doonaan wadahadalada ugu horeeyay ee ay yeelanayaan Dowladda KMG Somalia iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia ee diidan joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee dalka Somalia iyo siyaasadda Dowladda Col. Yuusuf.

 

 

Aqbalidda Wadahadalada

 

Isagoo la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbahaysiga dib u Xoreynta Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu sheegay in ay aqbaleen isbahaysigoodu in wadadahadalo aan sharuud ku xirneyn ay dhexmaraan Dowladda KMG ah iyo Isbahaysigooda.

 

Shariifka ayaa intaa ku daray inay diyaar u yihiin wadahadaladan ay qabanqaabinayso Qaramada Midooby oo iskaashi la sameynaya dawladaha Gobolka gaar ahaan wadanka Jabuuti, oo ay haatan kuwada sugan yihiin Wufuud ka kala socota labada dhinac, inkastoo uu sheegay inaysan wadahadaladu wajigooda hore noqon doonin mid ay si toos ah isku soo horfariistaan Guddiyada labada dhinac, balse ay ukala dabqaadi doonto Qaramada Midoobay.

 

 

Hanaanka QM

 

Wadaxaajood dhexmara markii ugu horeysay Dowladda KMG ee u caal weysay xalinta mushaakilaadka ka oogan Somalia iyo isbahaysiga la magac baxay Dib u xoreynta Somalia ee saldhigoodu yahay Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, ayaa waxaa majaraha u haya Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arimaha Somalia Axmadu Waldu Abdalla.

 

 

Rajada Shacabka

 

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhex lumay dhinacyada ku hardamaya siyaasadda Somalia, ayaa rajo aan sidaasi usii buurneyn ka muujinaya wadahadalada haatan dusha laga riixayo, inkastoo ay ku taagan tahay maskaxdooda su'aal ah sida ay suurtagal ku noqon kareyso inay Ciidamada Ethiopia ay ka baxaan gudaha dalka Somalia, islamarkaana dalka lagu daadgureeyo ciidamo caalami ah oo Nabadda ilaaliya, sida uu yahay qorshaha Qaramada Midoobay.

 

 

 

 

Wariye C/risaaq C/laahi Maxamed

 

Xafiiska Afnugaal Nairobi-Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this