Sign in to follow this  
Paragon

The Next Puntland Target: Qalwo, Sanaag, Somalia

Recommended Posts

Paragon   

I am not a soothsayer but I warned against reer Sanaag supporting the TFG and Cade. In this forum, I have made it clear that the current corrupt Puntland admin and the TFG would only seek their economic and political gains at the expense of all other Puntlanders except themselves. We have seen Majiyahan before which was a hunt for mineral resources and now another conflict is looming dangeriously because some boys want to burn charcoal in Qalwe, Sanaag and the locals object to this overture. As a result, there is a built-up of men and armour in the are of conflict. The last thing this region needs is another conflict between neigbours by a corrupt regime.

 

I said before to some of you in this forum that soon as Cade and yey secure the support of the Ethiopians, they would turn on those near them, which is basically what they are doing now. Even more expedient for them, today they have secured the privilage of being able to direct American bombs to whoever does not submit to them. Baargaal is a case in point. I hope this conflict is resolved before is gets out of hand.

-----

 

 

RADIO LAASQORAY:- Wareysi ku saabsan Ciidamada kusoo duuley Qalwo ee Gobolka Sanaag

 

Radio Laasqoray:- Deegaanka Hawdka ah ee Qalwo oo u dhexeysa sadexda magaalo ee lakala yiraahdo Buraan, Balibusle iyo Kaladhac ayaa maanta waxaa soo galey ciidamo beeleedyo aan u dhalan Sanaag oo ka yimi Qardho iyagoo difaacaya isla niman iyaga ka tirsan oo lebisan direyska ciidanka Puntland..

 

Si aanu wax xog dheeraad ah uga helno arinkan ayaanu waxaanu wareysi la yeelanay Aqoon yahan ku sugan Dhahar oo ka qeyb gelaya shirka Beesha.

 

Listen to the interview below

 

http://www.laasqoray.net/Audio/Qalwo_Sanaag.mp3

 

---

 

Ciidamo wata Direyska ciidamada Puntland oo u dhashey beesha ********* oo weerar soo qaadey

 

Buuraan:- War deg deg ah oo hada naga soo gaarey deegaanka Gaashaanbuurta [reer Sanaag] ayaa waxay noo xaqiijiyeen in Ciidamado kasoo duuley Qardho oo u dhashey beesha [Puntland Xukunta] ay soo galeen Hawdka u dhexeeya Buraan iyo Dhahar, ciidamadan ayaa waxay wataan baabuurta dagaalka iyo kuwa xamuulka waxaana ay ku tala jiraan iney dhuxul gubaan.

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Ciidamada Beesha [sanaag] ay ka kala bexeen magaalooyinka Dhahar iyo Buraan iyadoo ay hada horfadhiyaan ciidamadii soo duuley iyadoo ay xabadu ay taagan tahay dhuunta qoriga.

 

Wax garadka [sanaag] ayaa wefdi deg deg ah u direy Qardho si ay beesha [Puntland Xukunta] ugu sheegaan in ay ciidamadooda la laabtaan, waxaa kaloo jira wefdi loo direy Madaxtooyada Boosaaso, wax jawaab ahna lagama hayo.

 

Maaha Markii kowaad ee ay beesha [Puntland Xukunta] huwan Magaca Puntland ay kusoo duusho deegaanka [reer Sanaag] iyadoo ay hore wiilashooda kusoo marin habaabiyeen Majayahan macdan baa laga qodayaa.

 

Wararku waxay intaa ku darayaan in Gurmad badani uu ku sii jeedaan goobta ay ciidamadu isku hor fadhiyaan, waxaana laga yaabaa in xiisadani ay soo celiso dagaal aan loo baahneyn xiligan xaadirka ah.

 

Ciidamada soo duuley ayaa waxay wataan baabuur tikniko ah oo sida naloo sheegey kor u dhaafey 7 gaari oo isugu jira Baroono iyo Zuu, waa sida uu warku nagu soo gaarey e.

 

Dadka deegaanka ayaa waxay ku micneeyee arinkaas inuu yahay mid laga khal khalayo shirka Maamul dhisida ee ka socda magaalada Dhahar ee isla Gobolka Sanaag iyadoo uu maanta shirkii Hakad ku yimi.

 

Wixii warar ah kala socda LaasqorayNet.

 

Xusuusin:- Waxaa laga yaabaa in wararku is bedelaan , maadaama uu warku si dhaqso ah nagu soo gaarey.

 

LaasqorayNet

 

[ June 04, 2007, 06:51 PM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Sansaan Colaadeed oo ka taagan Deegaanka Qalwe ee u dhaxeysa deegaanka Gobolka Sanaag iyo gobolka Bari…

 

Buraan: Dhalinyaro ka soo jeeda deegaanka Qardho ayaa waxay damceen inay dhuxul ka shidaan deegaanka Qalwe ee u dhexeysa Kala-Dhacda iyo Buraan, ayaa waxaa ay isku dhaceen dhalinyaro hubeysan oo kasoo jeeda deegaanka Kala-Dhacda iyo Buraan.

 

Maalintii khamiista ayaa waxaa lagu heshiiyey kadib markii la wada hadlay in dhalinyarada meesha laga saaro si deegaanka dhuxusha laga gubaayo loo badbaadiyo. Haseyeeshee isla deegaankaasi ayaa waxaa shalay soo galay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland oo wata ugu yaraan 8 gawaarida gaashaamanah oo fadhigoodu ahaa meel u dhaxaysa deegaanka Qardho iyo Alxamdulilah, Kuwaasoo taageero u fidinaaya dhalinyarada dhuxusha ka gubeysa oo ay isku heybtayihiin.

 

Saaka ayaa waxaa deegaankaasi aaday odayaal dhaqameed kasoo jeeda degmada Dhahar si ay u kala badbaadiyaan ciidamada is hor fadhiya ee isir iyo ood wadaagta ah. Haseyeeshee odayaal dhaqameedkii ayaa waxay kala kulmeen waji gabax ciidamada huwan tuutaha Puntland ee jooga deegaanka Qalwe.

 

Galabta ayaa waxaa magaalooyinka Dhahar, Kala-Dhacda iyo Buraan ka ambabaxay Ciidamo beeleedyo wata dhowr iyo tobon gawaarida gaashaaman una ruqaansaday deegaanka maandhaafku ka jiro.

 

Maha markii ugu horeysay oo ay dagaalka dhuxusha uu dhexmaro ciidamada ku labisan shaatiga dowlad goboleedka Puntland iyo ciidama beeleedka Galbeedka Bari iyo Sanaag, Bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaaal ku dhexmarey deegaanka u dhexeeya Qardho iyo Baraagaha Qol, halkaasoo ay ku nafwaayeen 6 qofood labada dhinac, arintaasoo ilaa iyo imika loo fadhiyo xalinteeda.

 

Maxamed Xassan

 

Dhahar Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaasi oo dhan waa ugogol-xaar in amxaarada la geeyo min cirif illaa cirif kale. Sidii loo tegi lahaana waa in la yiraahdo: "waxaanu dadba soconaa haraadigii maxkamadaha oo halkaa isku uruursanaya" akhirkina waxay tageysaa ethiopian chekpoints everywhere, in dadka waraaqo dhaqdhaqaaq loo suubiyo sida yuhuudu kuhayso falastiinta camal..

 

Ethiopia koonfurta somaliya waa ku fogtahaya Kismaayo ama Hobyo ama ceelmacaan ama Marka iwm. Imagine haddii konfurta deked ka hesho xagge aay wax soo marsiin? ONLF, OROMA, UIC waxaas oo dhans jidka u galayaan, markaa stratiiji ahaan kuma haboona marka waxaa had iyo goor u roon dekadaha ku yaala waqooyiga soomaliya in meel wax looga cariirsho, Puntland waxaay cayaaraysaa sidii amxaada isaga fogeen lahayd sidaa daraadeed waxaay xoog saarayaan sidii amxaarada loo keeni lahaa dhulalkaas fogfog Sanaag, W/Galeed & Togdheer.

 

Ethiobiana oo waqooyi somalia dekeed ka hesho waa dream came true waayowaa meel kku haboon oo danaheedana ku ilaalsan karto milatari ahaan una soo gurman karto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkaan Cadde Ilaahay ummada haka qabto. Meel walba oo Puntland ka mid ah jufadiisuu xoogaa uga raadinayaa. Hadana ma dhuxul iyo in ummadda dhulkeeda la nabaad guuriyo ayuu ciidamo ugu diray carro Sanaag. Odaygaani innaba caadi ma aha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Qoloda soo duushay, reerka guud ee kamid tahay cid ishortaag ku samayso miyaa la waayey oo tiraahdo war joojiya falkaa wa fal gurracane?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

N/A and Paragon, there has already been an armed confrontation between the two groups. Thus, it appears reinforcements were sent because 4 of the Puntland militia were already killed in the first clash, but now elders have immediately intervened after assessing the gravity of the situation and the peace that is at stake.

 

 

The Dhahar and Qardho locals have been on their throats since many years in the past. Although this is a naked aggression against Dhaharians, still there is an ample room left to put out the stoking fire.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this