Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Juba clans peace meeting underway

Recommended Posts

Muqdisho: Beelaha wada daga gobalada Jubooyinka oo shir uga furmay magaalada Muqdisho.

4. september 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa waxaa ka furmay shir nabadeed ay ka qeybgalayaan beelaha daga gobalada Jubooyinka isla markaana ay ka soo wada jeedaan ciidamadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo duleedkeeda bilihii aan ka soo gudnay.

 

Shirkan waxaa soo agaasimay dowlada Faderaalka ee Soomaaliya gaar ahaan wasaarada Arimaha gudaha ee Soomaaliya waxaana ka qeybgalaya in ka badan 11 Beelood oo wada gudaha magaalada Kismaayo.

 

Sida ay sheegayaan Salaadiin shirkan ka qeybgalaya oo magacooda ka gaabsaday waxaa lugu falanqeynayaa xaaladaha Jubooyinka iyo sidii wax looga qaban lahaa colaadii ay sababeen dagaaladii qaraaraa ee dhexmaray labada ciidan ee ka wada tirsanaa dowlada faderaalka ee Soomaaliya.

 

Horay Vila Soomaaliya waxaa loogu qabtay shir hordhac ah oo ay yimaadeen qaar ka mid ah madaxda beelahaasi ,inkastoo shirkaasi dib loogu dhigay socoshadii shirweynihii beelaha Soomaaliyeed uga socday Muqdisho.

 

Mid ka mid ah waxgaradka beesha waqtigan magaalada Kismaayo gacanta ku heysa oo jooga Magaaladaasi ayaa Saxaafada usheegay in ay rajo weyn ka qabaan in ay go'aamo wax ku ool ah ka soo baxaan shirkaasi lugu qabtay magaalada Muqdisho.

 

Shirarkan oo kuwa beeleedyo isla markaana si beel ah loo wada hadlayo ayaa kuwa gabi ahaanba saxaafada loo diiday waxaana lafilayaa in ay wasaarada Arimaha gudaha ee dowlada Soomaaliya ku dhawaaqdo guulaha laga gaaray markii lasoo dhameeyo wada hadalada dhinacyada kala duwan khuseeya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

^Is Governor Horn I mean Taano invited?

 

On a serious note. Another endless shir beelood hardly presents any tangible progress. TFG should get a better brain to come up a better problem solving skill than relying village elders to do the hard work.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this