Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Government Imposes ban on Charcoal Export and trade by Presidential decree!!!

Recommended Posts

A decree by H.E. Abdullahi Yusuf Ahmad today from the transitional headquarters of the interim goverment in Baidoa imposed a total ban on charchoal export as it is worried about the environmental damage it is doing to the countries landscape and tree life!

 

I very much welcome it and I hope that the governmen forces enforce the decree very harshly and that the perpertraitors of the charchoal exporting business are brought fully to justice if they dare to still pursue their senseless, immoral profiteering and environment killing tree cutting and charcoal trade! They will be pursuit inshallaah and punished really hardly, at least I would hope so!

 

BAYDHABO: Madaxweyne Yuusuf oo wareegto uu ku mamnuucayo dhoofinta Dhuxusha iyo jarida dhirka ka soo saaray Baydhabo!!!

 

 

Posted to the Web Feb 16, 12:23

 

 

Baydhabo (PP) - Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ee Baydhabo ayaa lagu sheegay inaan dalka laga dhoofin karin wax dhuxul ah; isla markaana la joojiyo xaalufinta dhirta.

 

Wareegtadaan ayaa waxaa lagu sheegay inay dowladda federaalka Soomaaliya si weyn uga walaacsan tahay xaalufinta lagu hayo dhirta Soomaaliya, waxaana dowladdu ay uga digta kuwa wada jaridda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha inay ka digtoonaadaan howlahaas dhoofinta dhuxusha ah.

 

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidammada dowladda ay si toos ah iyo si aan toos ahayn uga hortagaan dhoofinta dhuxusha isla markaana ay baaritaanno ku sameeyaan goobaha dhigta laga jaro, ayna tallaabo ka qaadaan kooxaha wada jaridda dhirta iyo dhoofinta dhuxusha.

 

Wareegtadaan lagu mamnuucayo jaridda dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo ka soo baxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana tani ay u muuqtaan inay dowladdu xoogga saarayso inay joojiso waxyaabaha sharci darrada ah oo dhan.

 

Dhanka kale, Wareegtadaan ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay ka socdaan dekedaha macmalka ee Ceel-cadde iyo Dekedda Baraawe dhoofinta dhuxul aad u fara badan oo ay dhoofinayaan ganacsadto Soomaaliyeed.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Toloow goormuu soo saari doonaa wareegto lagu mamnuucayo, madfaca masaakiinta shacabka ah ay Itoobiyaanka iyo Dowlad-ku-sheeggu la dhacayaan? Waase su'aale tee baase qiimo badan in reer iska hurda, dad masaajidda u socda ama ka yimid, dad ganacsanaya, kuwo xoolo la jooga iyo ilmo bad ku dabaalanaya madfac iyo xabbado lala dhaco iyo in dhuxul la jaro.

 

Geedka iyo nafta bani'aadamka tee baa qiime badan?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by MKA Yoonis:

A decree by H.E. Abdullahi Yusuf Ahmad

Top warlord Abdullahi Yusuf allowed the West to dump toxic waste (including radioactive) into Somalia. The waste caused serious damage to Somalia's environment, epidemic and serious health risks/problems that would haunt Somalis for generations to come. What do you have to say about that?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Soomaaliya oo mamnuucay dhoofinta dhuxusha!!!

 

16.Feb. 2007

 

APL

 

Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa soo saaray qoraal digreeto ah oo uu ku mamnuucayo dhoofinta dhuxusha iyo gubidda dhirta.

 

Digreetada madaxwaynaha ayaa waxaa ku xusnaydd markii uu arkay qatarta ka imaan karta xaalufka deegaanka, markii uu tixgaliyay afkaarta waxgaradka Soomaaliyeed, aqoon yahannada , culimada iyo dhammaan shacabka, markii uu qiimeeyay talada maamullada gobollada, degmooyinka inuu ku dhaqaaqay go'aankan.

 

Waxaa madaxwaynuhu in hawsha ciqaabta dadka go'aankan bar bar mara inay u taallo wasaaradda arimaha gudaha ee dawladda federaalka Soomaaliya.

 

C/laahi Yuusuf wuxuu sidoo kale sdheegay in khatar ba'an ay kusoo fool leedahay deegaanka dalka Soomaaliya, dawladdana ay tallaabadan u aragto mid lagama maarmaan ah.

 

Digreetada madaxwaynaha ayaa kusoo beegmatay xilli si dar dar leh dalka oo dhan ay uga socoto dhoofinta dhuxusaha iyo gubidda dhirta qoyan iyo midda qallalan, taasoo hay'adaha u dooda deegaanku ay ka dayriyeen.

 

Qorshahan ayaa u muuqan kara mid guulaysanaya haddii ay dawladda federaalku dhaqan galiso digreetada heer madaxwayne ee markii ugu horaysay looga hadlo dhowrista deegaanka.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Taliban:

quote:Originally posted by MKA Yoonis:

A decree by H.E. Abdullahi Yusuf Ahmad

Top warlord Abdullahi Yusuf allowed the West to dump toxic waste (including radioactive) into Somalia. The waste caused serious damage to Somalia's environment, epidemic and serious health risks/problems that would haunt Somalis for generations to come. What do you have to say about that?
loooooool........Su'aashaan jawaabteeda waa laga weecweecanayaa ee adigana wadnaha hanna goyn, odaygu wuxuu rabaa inuu hagaajiyo sumcaddiisii ahayd inuu Soomaaliya qashin warshadeed ku shubay, adiguna waad na xasuusineysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Oo toloow arrimahaan dhuxusha iyo yaa weyn arrintii barnaamijkii uu TV-ga talyaanigu dabagalka ku sameeyey ee Mr Juriille.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this