Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: 800 student graduate from programm

Recommended Posts

zGECPD1l.jpg

Xarunta GECPD oo 800 oo arday u soo xirtay tababar xirfadeed iyo mid tacliineed oo muddo u socday.

 

Galkacyo, May 27 | Xaflada ballaaran oo lagu maamuusayey xiritaanka taba-bar soconayey muddo hal sano ah oo wax lagu barayey arday gaaraysa 800 oo arday ayaa galabta lagu qabtay xarunta waxbarashada, nabadda, iyo hormarinta Galkacyo ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno GECPD.

 

Ardayda tababarku u soo xirmay oo dhammaantood ahaa gabdho ayaa laga soo kala aruuriyey in ka badan 10 kaam qaxooti oo ku taalla gudaha magaalada Galkacyo iyo deegaannada ku xeeran, oo ay ku nool-yihiin dad tabaalaysan oo ka soo barakacay gobollada dalka ee ay deganaansho la’aantu ka jirto..

 

Gabdhahaan ayaa muddadii halka sano ahayd ee ay taba-barka ku jireen waxaa ay ku baranayeen xirfado kale duwan oo ay ka mid ahaayeen Cunta karinta, Tolliinka dharka, Akhrinta iyo qorista qoraallada, barashada is dhexgalka bulashada, ka shaqeynta nabadda, ka hortagidda shaqaaqooyinka lidka ku ah haweenka iyo arrimo kale oo la xiriira horumarinta bulashada oo ay ku jirtay dhaqan celin ardada laftigeeda lagu sameeyey maadaama meelo badan laga kala keenay.

 

Xirfadaha iyo tacliinta kale oo la barayey ardadaasi ayaa ahayd mid lacag la’aan ah oo ay bixisay xarunta waxbarashada, nabadda iyo hormarinta Galkacyo ee (GECPD), si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha gabdhaha ka soo jeeda qooysaska taagta daran ee aan awoodda u lahayn in ay lacag wax ku baraan carruurtooda, taasi oo hididiilo badan galisay waalid-diinta gabdhooda loo fidiyey taageerada aqooneed oo horay ula ciir-ciirayey maaraynta noloshooda.

 

Hay'adda cuntada adduunka ee WFP ayaa dhinaca cuntada iyo quudinta ka saacidday ardadaasi, iyadoo bilkasta bixinaysay raashin loo qoondeeyey isla markaana loogu talo galay qoysaska danyarta ah ee ay aradada gabdhaha ahi ka soo jeedaan.

 

Xafladda taba-barkaan lagu soo xirayey oo ka dhacday xarunta waxbarashada, nabadda iyo hormarinta Galkacyo (GECPD), ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin aad u tiro badan oo ka kala socday qeybaha bulashada sida maamulka gobolka, wasaaradaha waxbarashada iyo haweenka, madaxda hay’adaha UNHCR, UNOH, WFP, NRC, guddiyada waalidiinta, iyo horjoogayaasha xeryaha barakacayaasha iyo sidoo kale marti sharaf kale oo aad u tiro badan oo isla xafladdaasi lagu casumay.

 

Dhammaan mas’uuliyiintii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu mahad-celiyey maamulka iyo mas’uuliyiinta xarunta waxbarashada, nabadda iyo hormarinta Galkacyo (GECPD), iyagoo ku tilmaamay in ay qabteen waxqabad la taaban karo oo ay u fuliyeen dadka taagta daran ee ay liidato awooddooda dhaqaale iyo middooda aqooneedba, waxayna xarunta ku dhiirro-galiyeen in aysan ka daalin shaqada ay dadweynaha u hayso waxayna sidoo kale bulashada ka codsadeen in xarunta (GECPD) gacan lagu siiyo adeegga ballaaran ee dadka Soomaaliyeed uga faa’idaynayso.

 

Qaar ka mid ah ardaydii waxbaranaysay muddada ku siman halka sano oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey waxyaabihii ay barteen intii ay dhiganayeen xarunta (GECPD), iyagoo dhanka kalana carabka ku dhufanayey sidii ay ahaayeen ka hor intii aysan waxbarashada galin.

 

Waalidiinta carruurtooda loo soo xiray tababarka xirfadaha gacanta iyo aqoonta kalaba iskugu jiray, oo iyana goobtaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday mahad-celin ay xarunta u soo jeedinayeen iyagoo sheegay gacan fidin ballaaran in ay ka heleen, taasi oo aan marna la illaawi Karin waa sida ay ku cel-celiyeen qaar ka mid ah waalid-diinta oo waliyadooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsan yihiin xarfadaha iyo aqoonta kale ee ay carruurtoodu heleen..

 

Xarunta GECPD ayaa si gaar ah ugu dhaqdhaqaaqda, isla markaana u taakulaysa dadka taagta daran oo dhaqaalahoodu aadka u hooseeyo, kuwaasi oo ay ugu horreeyaan dadka ku dhaqan Kaamamka qaxootiga ama barakacayaasha, waxaana jira faracyo ama laamo kale oo ay xaruntu ku leedahay meelo ka mid ah gobolka kuwaasi oo dhammaantooda fuliyta adeegyada ku aaddan taakulaynta dadka tabaalaysan.

 

C/fataax Cumar Geeddi

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this