Jacaylbaro Posted May 24, 2008 Kooxda Islaamiga ah ee ka dagaalanta gudaha dalka Somalia sida wayna uga soo horjeeda Dawlada KMG ah ee Somalia iyo joogi taaganka ciidadamada Ethiopia kulana jirta dagaalka hubaysan ayaa waxa ay soo magacaabeen ninkii badali lahaa Aadan Xaashi Cayrow. Shir maalmihii u danbeeyay ay kooxdan isugu timi ugana socday gudaha dalka Somalia inkastoo aan la ogayn goobta uu rasmi ahaan uga socday ayaa waxa ay kaga arin sanayeen ninkii badali laha Aadan Xaashi Cayrow oo ay horay duqayn ugu dileen Maraykanku. Waxa ay kooxda Islaamiyiinya ahi ay soo shaac saareen oo magacaabeen iskuna raaceen ninkii badali lahaa Aadan Xaashi Cayrow ninkan badali doona ayaa waxaa lagu magacaabaa Gen Abuu Saliim oo magaciisa lagu soo gaabiyay iyadoo magacani yahay magac ku cusub umada Soomaaliyeed. Magacan gaaban ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay ku tilmaantay inuu yahay arin nabad galyo oo lagu ilaalinayo Taliyaha kooxda Al-Shabaab oo ay si wayn ugu raad joogaan ciidamada Ethiopia,Maraykan iyo waliba ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia oo ay ka dhaxeeyaan dagaalo hubaysani. Lama sheegin goobta uu ka hawlgali doono oo fadhi u noqon doonta laakiin waxa ay kooxda Al-shabaab ay sheegtay inuu nqoon doono ninka badali doona Macalin Aadan Xaashi Cayrow oo ay dileen diyaaradaha Maraykanku xilli uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 24, 2008 Not another "abuu" magac yaaqeey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted May 24, 2008 Kudar cimmaamad case (has to be red Saudi kind) iyo Abu iyo surwaal/khamiis gaaban. War nimanku ma Somaali and their fashion miyey naceen. Quote Share this post Link to post Share on other sites