Sign in to follow this  
General Duke

Governor of Nugaal, the people support exploration project..

Recommended Posts

GAROOWE : Guddoomiyaha gobolka Nugaal “Nugaal waxay diyaar u tahay in ay dhaqaale ku bixiso soo saarida shidaalka”

Posted to the Web Jan 26, 16:28

 

 

Garoowe:-Gudddoomiyaha gobolka Nugaal C/laahi Ciise Aw-axmed oo maanta war-saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa wuxuu ka hadlay arimaha macdanta iyo shidaal soo saarista Puntland wuxuuna sheegay in ay dadwaynaha reer Nugaaleed ay diyaar u yihiin in dalka laga soo saaro khayraadka islamarkaasna ay dhaqaalahooda ku bixiyaan soo saarista macdanta iyo shidaalka Puntland.

 

Guddoomiyaha oo ka hadlay masuuliyiin ka socotay shirkadda Conmax oo 23/1/2007-dii booqasho gaaban ku yimid Conoco ayaa sheegay in ay halkaasi ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiintan oo uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Macdanta iyo Shidaal soo saarista Puntland Xassan Mohamoud Osmaan (Aloore) ayna halkaasi ku soo dhaweeyeen masuuliyiin iyo waxgarad badan oo ka tirsan maamulka Puntland iyo Odayaasha deegaanka gobolka Nugaal ku waa soo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf (gaagaab) , Guddoomiyaha gobolka Nugaal C/laahi Ciise Aw-axmed , Duqa Degmada Garoowe C/qaadir Cismaan (foodcade) iyo qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka oo ay ka mid yihiin Cismaan Guureeye Kaarshe iyo Xaaji Cabdi Shuluco oo labaduba horay u ahaan jiray Wasiiro.

 

C/laahi Ciise wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in ay shirkaduha ay shaqadooda ku bilaabayaan muddo 2 bilood gudahood ah kuna soo saari doonaan khayraadka muddo 6 bilood gudahooda sida uu sheegay Agaasimaha khayraadka dalka Xassan Aloore.

 

Halkan ka akhri soo dhawaynta shirkadaha uu hogaaminayo Mr.Alore

Waxaana 2-da bilood gudahooda la qodayaa 4 Ceel oo 2 ka mid ah ay ku yaaliihin Nugaal , 2-da kalana ay ku yaalaan dharoor.

 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xiligaan la gaaray wakhtigii la faa’iidaysan lahaa khayraadka dalka ee mudada dheer laga qatanaa, uuna quudaraynayo in dadka Puntland iyo guud ahaan Ummadda Somaliyeed ay ahaan doonaan kuwo la mid ah xaga nolasha dawladaha hormaray.

 

Wuxuuna intaasi ku daray in xiligaan ay dadka reer Puntland ay diyaar u yihiin in lala soo baxo khayraadka oo laga faa’iidaysto.

 

C/laahi Ciise Guddoomiyaha gobolka Nugaal wuxuu waxba kama jiraan iyo marin-habaabin ku tilmaamay warar qaar ka mid ah bogaga Internetka lagu daabacay kaa soo lagu sheegay in ay shirkadu ay si dhuumaalaysi ah u timid Conoco wuxuuna sheegay in ay arintaasi ay tahay wax been abuur ah , sidoo kale wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka kale ee iyana la faafiyay ee sheegaya in dadka reer Nugaaleed aysan waxba kala socon arimaha shirkada , wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin reer nugaaleed in laga faa’iidaysto khayraaddka ay diyaar u yihiin in ay ka qaybqaataan waxkasta oo looga soo baahdo ee sahalaya in la soo saaro khayraadka.

 

Cismaan Guureeye Kaarshe oo ka mid ah waxgaradka gobolka oo ku hadlayay magaca waxgaradka gobolka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in dalka khayraadkiisa la soo saaro oo laga faa’daysto si Ummaddu ay uga baxdo faqriga iminka jira.

 

Wuxuuna sheegay in reer Nugaaleedka iyo guud ahaan dadka reer Puntland-ba ay diyaar u yihiin in laga faa’daysto khayraadka wuxuna ballan qaaday in ay iyaku ay gacmo furan ku soo dhawaynayaan cidkasta oo dalka horumar ka samaynaysa.

 

Cismaan Guureeye wuxuu sheegay in dadka reer Nugaaleed ay maxkax-furan ku soo dhawaynayaan shirkadaha soo saaraya khayraadka ayna la shaqaynayaan meel-kasta iyo goob-kastaba oo ka mid ah Puntland.

 

Dadwaynaha ku dhaqan ayaa si wayn u hadal-haya soo saarista macdanta iyo shidaalka dalka waxayna inta badan aaminsan yihiin in ay arintaani ay tahay tallaabo mar hore loo baahnaa balse iminkana ay tahay in laga faa’iidaysto.

 

Haddii maamulka Puntland uu ku guulaysto soo saarista macdanta iyo shidaalka Puntland waxaa Puntland looga aqoonsan doonaa dawladii khayraadka.

 

Axmed C/salaam

Garoowe , Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kudos to them, that's what me and the rest of reer Nugaal were saying all along but something is missing, here!

 

Where's Garooweonline, spreading mischief and the likes of the characters who use to roam this side?

 

Gone into thin air I believe!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this