Sign in to follow this  
General Duke

Godfather of clan courts Abukar Cadaan + Oromo's captured in Kenya border

Recommended Posts

Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan iyo Xubno la socday oo Booliska Dalka Kenya ay gacanta ku dhigeen

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 06/01/07

 

Wararka ka imaanaya Xadka kala qeybiya somaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Dalka Kenya ay xadka ku qabteen Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan iyo Wiil uu dhalay, iyo Sedex Sedex xubnood oo la sheegay in ay ahaayeen Dagaalyahano oromo ah.

 

Xaaji Abuukar ayaa waxaa la sheegay Saakay in uu u gacan galay Ciidamada Kenya ee jooga Libooya Kenya, waxaana la sheegay in aan wax dhibaato ah la gaarsiin waxaana boliiska ay u kaxeeyeen dhinaca Magaalada Gaarisa lama oga go’aanka laga qaadan doono.

 

Ganacsade Xaaji Abuukar Cadaan waxa uu ka mid ahaa Mas’uuliyiin badan oo isaga baxay Muqdisho ka dib markii Maxkamadaha looga awood roonaaday Deegaanadii ay maamulayeen, waxaana si gaar ah isaga uu uga mid ahaa dadka laf dhabarta u ah Howlihii Maxaakiimta islaamiga ah.

 

Ganacsadahan oo ah nin Naafo ah ayaa waxaa uu Magaalada Kismaayo la tagay Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islamaiga ah oo aan iyagu haatan la ogeyn halka ay ku sugan yihiin, iyada oo warar na soo gaarayo ay sheegayaan maanta in ay ka baxeen Deegaanka Raas Kambooni.

 

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ah nin ganacsade si weyn looga yaqaano Koofurta Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid ahaa Aas-aasayaashii Maxaakiimta iyo dadkii Hantidooda u huray, waxaana dad badan ay xasuustaan dagaalkii u horeeyey ee ka dhaca Galgalato 13-kii janaayo in uu dhex maray Maleeshiyooyinkiisa iyo kuwa Bashiir Raage, taas oo markii dambe dhaliyey dagaaladii bilowday 28 Febraayo ee lagu kala baxay.

 

Dhinaca kale waxaa maanta gacanta lagu dhigay gudoomiyihii golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah Shiikh faarax macalin, waxaana laga qabtay Degmada buulo burte, waxaana la geeyey Baladweyn iyada oo markii dambe la sii daayey haatana uu si nabad ah ku joogo Magaalada Baladweyn ee gobalka Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaarisa: Ciidamada Kenya oo gacanta ku soo dhigay Abuukar Cumar Caddaan, wiil uu dhalay iyo sadax nin oo Oroma ah

 

Sabti, January 06, 2007

 

 

Gaarisa(Allpuntland)-Howlgal ay fuliyeen ciidamada Dalka Kenya ayaa maanta waxay kusoo qabteen xubin sare oo ka tirsan maxkaamdaha Islaamiga kaasoo dhaqaalihii ugu badnaa ku bixinayey maxkamadaha Islaamiga.

 

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ah xubin laf dhabar u ahaa jiritaanka Maxkamadaha Islaamiga iyo wiil uu dhalay ayaa maanta ciidamada Kenya ay kasoo qabteen guri nin ganacsade reer Kenya uu ku lahaa deegaanka Liboya Kenya halkaasi oo ay ku sugnaayeen.

 

Sidoo kale sadax nin oo kasoo jeeda Qowmiyada Oramada ayaa ciidamada Kenya ay qabteen kuwaasi oo ka tirsan Jabhada xoreynta Soomaali galbeed ee loo yaqaan ONLF, kuwaasi oo dhamaantood loo gudbiyay degmada Gaarisa, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

 

Abuukar Cumar Caddaan oo ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee magaca ku leh dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu inta badan hantidiisa ku bixiyay Maxkamadaha Islaamiga isagoo ahaa maskaxdii ka danbeysay abuurista gole ay ku mideysan yihiin maxkamaddaha Islaamiga isla markaana dagaaladii ka dhacay Muqdisho kaalinta ugu weyn ka soo qaatay, isagoo u huray maalkiisa.

 

Xaaji Abuukar Cumar Caddaani waa Cuuryaan lixdiisa lixaad ku waayay shil baabuur waxaana lagu wadaa gaadiidka cuuryaamiinta ay ku socdaan, iyadoo aan la ogeyn tallaabada dowladda Kenya ay ka qaadaneyso sidii ay ka yeeli lahaayeen Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan.

 

Cali Sandheere

Allpuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

I see! Good development that they've been captured alive! The rest still hiding, I guess!

 

Shariif Ahmad must be captured and brought into the TFG, I say! The rest well, what can I say?

 

Up to a recognised court such as the Hague for their crimes against humanity!

 

Sending thousands of youngsters and small children to their death, who were not allowed to fulfill their full-potential!

 

How many children does ina Dahir Aweys and Indhacadde have killed or have their bloods on their hands? Numerous and countless aswell, I reckon!

 

This murderous must be brought to trial for their crimes and put away for onnce and good inshallaah, so that they will not be able to brain-wash small children any longer and send them pre-maturely to their graves!

 

For some strange reason, this guy called Aweys always likes to push small children in front of him but miraculously everytime he manages to escape only to return to send more children to their early graves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

If Abukar Cadaan is held the fate of the others wont be good, because this man was the capo, the head of the organisation. Sharif Ahmed was his choice, and put in that position by him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this