Sign in to follow this  
Emperor

Nigeria to send peace keeping forces to Somalia

Recommended Posts

Emperor   

Nigeria to send around 800 peacekeepers to Somalia

Wed 25 Jun 2008, 9:05 GMT

 

[-] Text [+] LAGOS (Reuters) - Nigeria has a battalion of around 800 soldiers ready to deploy to Somalia as part of an African Union peacekeeping force and could send more if needed, a military spokesman said on Wednesday.

 

Brigadier General Emeka Onwuamaegbu said one battalion of 750-850 men would travel to Mogadishu as soon as the Nigerian government gave its final approval, to help the AU force support Somalia's U.N.-backed interim government.

 

"For now we have prepared one battalion but we have the capacity to have more than one if the government decides that is what they want," Onwuamaegbu said.

 

Nigeria has sent peacekeepers into several war zones around Africa, including Sudan's Darfur region, Sierra Leone and Liberia, bolstering its status as a major continental power.

 

But its contribution for Somalia will still leave the AU force well below its originally intended size.

 

The AU had planned to send 8,000 troops to support Somalia's interim government against an insurgency by Islamist rebels.

 

But deployment of the full force has been repeatedly delayed since last year as lack of funds and unrelenting violence in the city led several nations, including Nigeria, to reconsider their offers to provide soldiers.

 

The current force, which consists of 1,600 Ugandan troops and 600 Burundians, has been unable to stem the chaos.

 

Fighting in the Horn of Africa nation has killed thousands of civilians and uprooted nearly a million more since early last year, worsening a humanitarian crisis already sown by drought, high food prices and rampant inflation.

 

The AU force, known as AMISOM, is meant to replace Ethiopian troops whose presence has inflamed the insurgency since they helped Somalia's government oust an Islamist movement at the start of 2007.

 

But it has been restricted by its size to securing the capital's air and sea ports, the strategic K4 junction, and guarding President Abdullahi Yusuf, senior government officials and visiting delegates.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Abuja: Xukuumada Nayjeeriya oo ku dhawaaqday qorshe ay ciidamo deg deg ah ku geyneyso Soomaaliya.

25. juni 2008

 

Abuja(AllPuntland)- Xukuumada Nayjeeriya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ciidamo ku geyneyso dalka Soomaaliya ,ayagoo ay jiraan dagaalo & Rabshado ka aloosan dalka Soomaaliya.

 

Xukuumada Nayjeeriya ayaa todobaadkan Safiirkeeda jooga Magaalada Addis Ababa wuxuu ka sheegay warkan Magaalada Kampala ,mar uu halkaasi kula kulmayay Taliyaha ciidamada midowga Africa ee Soomaaliya ka jooga.

 

Safiirkan wuxuu sheegay in ay Nayjeeriya diyaarisay ciidamo loogu talagalay wax ka qabashada dhibaatada dalka Soomaaliya ,ayna doonayaan in ay badalaan ciidamada dawladda Itoobiya ee jooga dalka Soomaaliya.

 

Safiirku wuxuu sidoo kale cambaareeyey weeraradii lugu qaaday ciidamada Midowga Africa ee jooga dalka Soomaaliya ,wuxuuna ku sheegay weeraradaasi kuwa Argagixiso.

 

Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday masuulkan in ay ciidamada ay soo diyarayaan la geyn doono meelo ka mid ah gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ,isagoo diiday in uu sheego goobta rasmiga ah ee ciidamadaasi la geynayo.

 

Inkastoo ay Nayjeeriya ka mid tahay dalalka Africa ee mudo fog balanqaaday in ay ciidamo geynayaan dalka Soomaaliya ,hadana waxa ay kal hore ku dhawaaqeen dhaqaale la'aan ka heysata daad gureynta ciidamadaasi.

 

War kale oo isna ka soo baxay Taliska ciidamada Midowga Africa ee dalka Soomaaliya ayaa loogu dhawaaqey talaabada ay qaaday dawladda Nayjeeriya ,waxaana lugu sheegay warkaasi in ay dhawaan Soomaaliya ka tagayaan ciidamo ka socda Africa.

 

F. C. Geylan

AllPuntland,Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Brigadier General Emeka Onwuamaegbu” Todobaadyada soo socda ayaanu dalka Soomaaliya geyneynaa 850 askari oo nabad ilaalineed”

 

LAGOS (Reuters) – Dowladda Nigeria,ayaa diyaarisay ciidamo gaaraya in ka badan 800 oo askari kuwaas oo lagu xoojinayo howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee haatan ka soconaya dalka Soomaaliya,iyadoo tiradaana ay dowladda Nigeria sheegtay in ay sii kordhineyso hadii loo baahdo.

 

LAGOS (Reuters) – Dowladda Nigeria,ayaa diyaarisay ciidamo gaaraya in ka badan 800 oo askari kuwaas oo lagu xoojinayo howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee haatan ka soconaya dalka Soomaaliya,iyadoo tiradaana ay dowladda Nigeria sheegtay in ay sii kordhineyso hadii loo baahdo.

 

Afhayeenka milatariga dalka Nigeria Brigadier General Emeka Onwuamaegbu ayaa maanta oo Arboco ah sheegay in ay dalka Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan usoo gaarsiinayaan nabad ilaaliye yaasha ay ugu talagaleen.

 

” Todobaadyada soo socda ayaanu dalka Soomaaliya geyneynaa 850 askari oo nabad ilaalineed”ayuu yiri afhayeenka milatariga dalka Nigeria Brigadier General Emeka Onwuamaegbu.

 

"Hada waanu diyaarinay ciidamadii aan geyn lahayn Soomaaliya,hase ahatee waxyaabo yar yar ayaa inoo harsan sida ugu dhaqsiyaha badan ayaana ku geyneynaa dalka Soomaaliya”ayuu mar kale yiri afhayeenka milatariga Nigeria Brigadier General Emeka Onwuamaegbu .

 

Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in uu dalka Soomaaliya geynayo ciidamo dhan 8,000 oo askari hase ahaatee dalalkii ciidamadaa balan qaaday badankood wali balan qaadkii maanay fulin,marka laga reebo Uganda iyo Brundi.

 

Hada waxaa midowga afrika ka jooga Soomaaliya 1,600 oo askari oo Uganda ay soo dirtay iyo 600 oo iyana ka socda dalka Burundi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ciidamada Nigeria oo kusoo fool leh Somalia

 

cidankanigeria.jpg

 

Afhayeen u hadlay Milliteriga dalka Nigeria, ayaa shaaciyey inay rajeynayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ciiddamo nabad-ilaalin ah ugu soo diri lahaayeen dalka Somaliya, si ay qeyb uga noqdaan ciiddamadda AMISOM ee hawlgalka nabad-ilaalinta ka wada dalka Somaliya.

 

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Nigeria ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay afhayeenka ciiddamadda Uganda ee hawlgalka u jooga Somaliya, Gaashaanle Barigye Ba-huku.

 

"Waxaa nalagu soo wargeliyey inay ciiddamadda nabad-ilaalinta Nigeria ay ku soo biiri doonaan hawlgalka AMISOM", ayuu yiri Ba-huku oo khadka Telefoonka ugu waramay wakaalladda Wararka ee Reuters, isagoo ku sugan caasimadda dalka Uganda ee Kampala, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo arintan si dadka Somaliyed ee nabadda u waashay nabad loogu soo dabaalo .

 

Hawlgalka ciiddamadda nabad-ilaalinta AMISOM ka wadaan dalka Somalia ayaa waxaa loo qorsheeyeey 8,000-askari, inkastoo ay haatan hawlgalaan oo kaliya ku dhawaad 2,400-Askari kuwaasoo ka kala yimid dalalka Uganda iyo Burundi.

 

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddamadda Ugandha ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, ayaa soo dhaweeyey Heshiiskii ay DFKMGS iyo Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia dhawaan ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti, wuxuuna sheegay inay tallaabo horseedi karta inay deganaanshaha dib ugu soo laabato dalka Somalia.

 

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this