Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

Diyaradaha tagaya Soomaaliya oo Lagu Soo Rogey in ogolaansho ka Keensadaan DFKMG

Recommended Posts

Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo aqbalay in uu bixiyo Canshuur uu ku soo rogey Cabdulaahi Yuusuf.

 

Kaddib markii dhawaan uu iskaashi dhex maray Dowladda Kenya iyo Dowladda Federaalka gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Nabadgelyada ayaa waxaa maalmahan la dareemayay fulinta heshiiskaasi, gaar ahaan Dowladda Kenya, iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaan helnay warar xaqiijinaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf uu warqad qoraal ah u diray Dowladda Kenya oo uu kaga dalbanayo in ay kala shaqeeyaan dhinaca duulimaadyada Diyaaradaha ee imaanaya Soomaaliya, ha noqoto kuwo ganacsiga iyo kuwo samafalka. Waxaa la sheegay in arrinta uu soo jeediyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay Dowladda Kenya ay si weyn u soo dhaweysay iyadoo lagu amray Diyaradaha tagaya Soomaaliya in ay warqad ogolaansho ah kala yimaadaan dhinaca Dowladda Federaalka ah ee fadhigeedu yahay Jowhar, isla markaana in ay ogolaadaan bixinta canshuurta Diyaaradaha imaanaya garoomada, gaar ahaan kuwa ku dhow dhow Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa la go’aamiyay in Diyaaradaha Ganacsiga ee ka degaya garoonka Lambar 50, Deyniile, Bali-Doogle, in ay soo maraan Magaalada Jowhar si halkaasi loogu canshuuro, hase yeeshee Xildhibaan Xaaf ayaa warqad qoraal ah u diray Dowladda Federaalka uu kaga codsanayo in uu diyaar u yahay in uu bixiyo wixii canshuur ah, isla markaana waxa uu ka dalbaday Dowladda Federaalka in Diyaaradihiisu aysan ka degin garoonka Diyaaradaha ee Jowhar, waxaana la sheegay in Dowladdu ay ka aqbashay arrintaasi, wuxuuna maalmahan Xildhibaan Xaaf waday olole uu ku taageerayo Dowladda Federaalka garabkeeda Jowhar, iyadoo Xildhibaan Xaaf uu ka mid ahaa dadkii sida aadka ah uga soo horjeeday garabka Jowhar, iyadoo sidoo kale waxaa Xildhibaanka beryahaan laga dhendhensanayay ereyo uu kaga dhaadhicinayay Xildhibaanada kale in ay taageeraan Dowladda Federaalka.

 

Iskaashiga dhex maray Dowlada Kenya iyo Dowladda Federaalka waxa uu saameyn ku yeelan doonaa garoonka diyaaradaha ee Deyniile oo ka uu taliyo Wasiirka arrimaha aminga Max’ed Qanyare Afrax, maadaama Diyaaradaha qaadka keena garoonkaasi iyana ku qasbanaan doonto in Jowhar tagaan, haddii aysan bixin canshuurta la dul dhigay warar kale ayaa sheegaya in Maamulka Garoonka Diyaaradah Ciselay u ogolaadey bixinta canshuurtaas Dhawaan ayaa Dowladda Kenya waxay amartay in Xildhibaan iyo wasiir kasta oo imaanaya wadanka Kenya uu warqad qoraal ah ka soo qaato Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi

 

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

http://www.somalitalk.com/2005/oct/26m105.html

 

Very smart move from Abdullahi and Geedi and which they should have exercised their legitimate power by imposing sanctions before in which the days of the warlords not have any income from criminal activities and the first ones on the list I would presume is Dayniile and No 50 near marka and also this would probably prompt the opening of the Mogadishu International Airport or whats left of it! headed by Aided Juniour..... I also noticed that soem of the warlords usual trips to Nairobi has been concluded after the kenyan government acted on the directive from Geedi in which they must have written approval from the Prime Minister to leave the government :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this