Sign in to follow this  
Cowke

Bossaso: Injustices Are Occuring. **** Are Being Killed

Recommended Posts

Cowke   

Dilalka dadka soo barakacay lagu haayo magaalada Boosaaso, iyo maamuladii Puntland oo aan waxba ka qaban ??

 

Tan iyo intii Talada Puntland la wareegay Madaxwayne C/raxmaan Faroole waxa wax iska qul qulaysa Noqotay dilalka dadka soo Barkacay loo Gaynayso ee aan asla ahaan ka soo jeedin Gobolada Puntland, Meesha ugu badan ee dadkaasi lagu dilo ayaa ah Degmada Bosaaso.

 

Ilaa Laba Habeen oo isku xig xiga ayaa la dilay 3-Ruux oo ah Beelaha Jareer wayn ee Puntland u soo raadsaday xoogsiga iyo Amaanka, dadka dilalkaasi Foosha xun Fuliya ayaa u badan Wiilal Yar oo ku Labisan Diraysa Ciidamada Booliska ee Puntland lagu Yaqaan.

 

Tii u danbaysay ayaa dhacday xalay iyada oo Nin Jareer ah oo la sheegay inuu ahaa Gaari gacanle lagu dilay duleedka Bosaaso Waxana dilkaasi Fuliyay Rag Hubaysan oo si badheedh ah ruuxaasi u Qudhgooyay.

 

Culu"mada Magaalada Bosaaso ayaa arinkaasi aad uga Dayriyay iyaga oo Faroole Maamulkiisa ugu baaqay inay wax ka qabtaan Masiibadaasi Afka Loo Furay.

 

Dhanka Maamulka C/raxmaan Faroole oo haatan 9-Bilood Jirsaday ayaan ilaa iminka arinkaasi wax la Taaban karo ka qaban iyada oo la Xasuusto Maamulka Boqor Cade Muuse ee kan Horeeyay inay dadkaasi ahaayeen kuwa xitaa Maamulka Shaqooyin ku Filan ka haya.

 

Waxa Xusid mudan in Maamulka Cade Muuse ay Laba Askari si Badheedh ah u dileen Laba Ruux oo ahaa Dadka Soo barakacay isla markaan Madaxwaynihii markaasi talada hayay uu Amaray in labadaasi Askari la Toogto oo Sharciga la waafa Jiyo...... Su"aasha Iswaydiinta leh ayaa ah Mudane Faroole Tiirka Ma Gayndoonaa Askarta dadka Kibirka Madaxa uga Toogata Mise iyaga ayaa Madax Loo salaaxidoonaa.

 

Feyte,Feyte

 

Dhahar-Online

 

War wa maxay waxaan oo sharafta xun. Nimanka dhulkeena yimi oo shaqeysaneyo miyaa lagu soo jeesaneya? What the hell!!!!

 

Farole you better stop playing your games of reviews on everything and execute the two police officers who committed this heinous crime as to send a warning to all the police that police brutality can not occur in the state of Puntland.

 

Cade Muse signed off on the sentencing and approved the capital punishment, now farole it is you who must act and make sure these people are executed as the case is "life for a life". Regardless of what clan these police officers belong to, which I have no clue myself who they are nor do i care.

 

Justice system noqon meeyso 1 system for natives and another system for non-natives. Farole it is very easy to write a constitution up and say all peoplea are equal in puntland free of discrimination but it is another thing to actually IMPLEMENT IT. Your leadership is being watched and tested again.

 

[ September 28, 2009, 11:26 AM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

savagary!!!!

 

indeed am not suprise this heinous crime and not suprised that puntland has once again turn blind eye to such barbaric act because we all know puntland is for one clan and the rest make up the numbers, indeed puntland has been known to be restbonsible for alot of clan motivated killings before such as las anod and galkacayo.

 

indeed this practice is pasttime for puntland dictatorship regime

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Qudhac, Hold your geel for a moment sxb. The issue has been resolved and the death penalty applied to the killers.

 

Horseed Media

 

Bosaso,Somaliya

 

Maxkamadda Darajadda 1aad ee Magaaladda Bosaso ayaa maantay waxa ay xukun dil iyo xarig ah ku riday dhalinyaro lagu eedayay in ay fal amni xumo ah ka geystay Degaanadda Puntland.

 

Sheikh Maxamed Cabdi Awaare ayaa waxa uu sheegay in 5 Dhalinyaro ah oo lagu eedayay in ay Lacago baad ah ka qaadayeen Meel ceel biyood ah oo ku taal Duleedka Bosaso uu mid ka mid ah dhalinyaradii halkaas joogtay uu si Bareer ah u toogtay mid ka mid ah dadka degaanka.

 

Xeerilaaliyaha Maxkamadda ayaa waxa uu soo gudbiyey dacwad ka dhan ah ragaas oo la sheegay in ay abuureen Falal Amni xumo ah.

 

 

Ninka Dilka toogashadda ah lagu xukumay ayaa Maxkamadda wax ay sheegtay in ay u Cuskatay Ku dhaqanka shareecadda Islaamka ka dib markii uu dil bareer ah geystay.

 

Dhallinyaradii kale oo tiradooda dhammeyd ayaa iyagana waxaa lagu xukumay mid walba oo ka mid ah 4 taas dhalinyaradda ah 1 Sanno oo xarig ah mid walba oo iyagga ka mid ah.

 

Xukunka ay riday Maxkamadda ayaa ahaa mid markii uu sheikh ku dhawaaqay mar kaliya si weyn looga dareemay Gudaha Maxkamadda Bosaso, halkaas oo ay ku suugnaayeen Eheladda ninka dilka lagu xukumay iyo kuwii uu dilka u geystay.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Culimada Puntland oo Ku Baaqay in La Qisaaso Dad Dilal Ka Geystey Boosaaso

 

Published on: September 28,2009 Garowe Time 8:35 am

 

RBC Radio oo Wareysatay Duqa Cusub ee Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji Xasan (Dhageyso) Magaalada Gaalkacyo ayaan waraysi kula yeelanay Xafiiskiisa Duqa Cusub ee Gaalkacyo C/raxman Maxamuud Xaaji Xasan,

 

Wasiir Puntland: Dalka Waxaa Buburiyey Saddex Waxyaabood

Ciidamada DKMG oo Galay Gudaha Magaalada Beledweyne

 

Culimada Puntland ayaa ku baaqay in wax laga qabto dilalka isa soo taraya ee ka dhacaya magaalada Boosaaso.

 

Culimaa’udiink a ugu caansan degaanada Puntland oo ka hadlay labo dil oo ugu dambeeyey ee ka dhacay Boosaaso ayaa ka dalbadey maamulka in la qisaaso dadkii geystey dilalka oo hadda la hayo.

 

Sheikh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah culimada waaweyn oo xaley ka hadlay mid ka mid ah masaajidada magaalada Boosaaso ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dilka xaq darada ah uu sii badanayo iyadoo diintuna ay reebtay, waxaa kaloo uu sheekhu si kulul u cambaareeyey in labadii dil ee shaley iyo habeen hore ka dhacay bartamaha magaalada ay geysteen askarta dowlada oo ahaa kuwii iyaga ilaalin lahaa sharciga.

 

Waxaa uu Sheekhu tilmaamay in dilku uu ka mid yahay dembiyada waaweyn ee sababa in caro Alle ay timaado, isagoo sidoo kalena ka digay in beelaha ay isku dayaan inay difaacaan dadka iyaga ka dhashey ee dilka geysta.

 

Dadkii wax dilay waa la hayaa, waxaa laga yaabaa in beelihii ay ka dhasheen ay difaacaan oo ay yiraahdaan la dili maayo, arintaasi sax ma aha”, ayuu yiri Sheekh Daahir .

 

Waxaa uu Sheekhu sheegay in diintu ay qabto si dilku u yaraado in la qisaaso cidii wax disha, amaankuna uu sidaas ku hagaagi karo.

 

Maalmihii u dambeeyey ayaa magaalada Boosaaso waxaa ka dhacayey dilal loo geystey dad rayid ah oo magaalada ku sugnaa.

 

Maalintii shaley ayay ahayd markii askari ka tirsan ciidanka uu ku dilay bartamaha magaalada nin darawal ah oo ka mid ahaa dadka ka soo jeeda koonfurta dalka. Sidoo kale ayaa habeen hore askari kale waxa uu toogasho ku dilay nin rayid ah goob baar ah oo ku taalla bartamaha magaalada.

 

Taliska booliska gobolka Bari ayaa sheegay in labada nin hadda la hayo oo ay ku jiraan saldhiga dhexe ee Boosaaso.

 

Lama yaqaan sababaha ka dambeeya dilalka ay geysanayaan askarta.

 

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa walaac ka muujiyey dilalkan sharci darada ah ee ka dhacaya Boosaaso.

 

Cabdalle Muumin

RBC- Radio, Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Hold your damn geel sxb before you jump to conclusion and un-neccessary attack. The famous religious clerics have spoken loudly against this heinous affair and have pushed to make sure the killers are brought before justice.

 

The Police officers responsible for this disgraceful police brutality are being killed. 1 of them is killed as he was responsible for the murder and the others were accompanying and sheltering the murderer

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

 

 

Cowke, Puntland is the only region in Somalia where crimes will eventually get punished. It may take a while, but justice by the grace of God will always prevail. The reason why, is that-- the people and the government-- both realize it's in the best interest of our peace and stability, that we deal with the criminals in our midst with a resolute hand.

 

Like you said-- Puntland Always Forward!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this