Sign in to follow this  
Gabbal

Puntland State convey reaches Caabudwaaq district in Galgaduud.

Recommended Posts

Gabbal   

How accurate?

 

 

Gawaari dagaal oo uu leeyahay MG Puntland oo gaartay Caabudwaaq

 

War deg deg ah

Caabduwaaq 22, Oct.06 ( Sh.M.Network) Ciidamo ku hubeysan ilaa 7 baabuur oo dagaalka ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland iyo Col, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobolka G/gaduud, iyadoo ay hordhac u yihiin ciidamo Ethiopian ah oo sida la sheegay ku soo fool leh Caabudwaaq maalmaha soo socda.

 

Saraakiishaan Reer Puntland iyo Col. Cabdi Qeybdiid ayaa haatan waxa ay kulamo la leeyihiin Odayaasha magaalada Caabudwaaq si ay uga dhaadhiciyaan in ciidamo Ethioipian ah ay fariisin ka dhigtaan magaalada Caabudwaaq.

 

Wafuudaan ka socota Puntland ayaa si nabdoon ku soo gaaray magaalada Caabudwaaq, iyadoo aan la ogeyn xilliga ay dib kaga laabanayaan sida shabelle ay ka soo xigatay warkaan Ilo wareed ku sugan magaalada Caabudwaaw.

 

Imaatinka saraakiishaan Reer Puntland ee magaalada Cabudwaaq ayaa ku soo beegmay xilli Maxkamadaha islaamka ay ka digeen weerar ciidamada Ethipia ay ku soo qaadayaan gobolada Somalia.

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

15-gaari oo kuwa dagaalka ah oo Saakay gaaray Degmada C/waaq kuwaasi oo kayimid Dhanka Puntland.

 

 

C/waaq, 22-October-06 ( Qaadisiya.com) Sida ay kusoo waramayaan Wariyeyaasha kusugan Magaalada Cabudwaaq waxaa saakay halkaasi gaaray illaa 15-gaari oo u badan kuwa dagaalka kuwaasi oo ay wataan Saraakiil kasoo jeeda Puntland.

 

Saraakiishani soo gaartay Degmada C/waaq ayaa waxa ay kulamo la leeyihiin Saraakiishii hore ee Ciidamadii Dowladdii Siyaad barre ee kusugan Degmada C/waaq lamin lamina garanayo waxa ay kawada hadlayaan.

 

Wariyeyaasha kusugan Degmada C/waaq ayaa loo diiday in ay wax ka ogaadaan kulamada kasocda degmada C/waaq iyo sidoo kale in ay ka qeyb galaan kulamadaasi, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Baabuurtaasi dagaalka iyo saraakiisha lasocota ujeedada halkaasi ay u aadeen in ay tahay sidii ay abaabul dagaal uga sameyn lahaayeen Halkaasi.

 

Xiriir aanu la sameynay Maamulka Degmada C/waaq inooma suurta gelin in aanu helno hayeeshee Dadweynaha kudhaqan Degmada C/waaq ayaa ka muujiyay arrintaasi walaac aad u ballaaran.

 

Shacbiga kudhaqan C/waaq ayaa fiiro gaar ah ku haya dhaq dhaqaaqa Saraakiisha Reer Puntland ay doonayaan in ay ka sameeyaan Gudaha Degmada C/waaq, waxayna sidoo kale codsanayaan Shacbiga Deegaankaasi in aanan wax dagaal ah laga abaabulin deegaanadooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CAABUD-WAAQ: Ciidammo uu hoggaaminayo Col. Cabdi Qaybdiid iyo taliyaha Daraawiisha Puntland oo gaaray Caabud-waaq

Posted to the Web Oct 22, 14:19

 

 

Caabud-waaq (PP) –Degmada Caabud-waaq ee gobolka Galguduud ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in halkaas ay soo gaareen ciidammo iyo tikniko fara badan oo uu wato Col. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka tirsanaan jiray isbahaysigii laga awoodda badiyay.

 

 

Ilo wareedyo ku sugan Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Malleeshiyooyink iyo tikniada uu wato Col. Cabdi Qaybdiid aan loo hayn tiro cayiman oo la sheegi karo, waxaase ilo wareeyo ay Puntlandpost la xiriirtay ay sheegayaan in ay daggeen ciidanka banaanka degmadaas gaar ahaan halka lagu magacaabo Rabiiciyada oo ay daggan yihiin Culummmo Soomaaliyeed oo aaminsan Dariiqada Rabiiciyada.

 

 

 

Suxufiyiinta ku sugan Degmada Caabud-waaq ayaa waxay sheegayaan in loo diiday gabi ahaan inay tagaan goobta ay ku sugan yihiin Malleeshiyooyinka iyo tiknikada, waxaana lagu wadaa in Col. Cabdi Qaydbiid iyo Saraakii la sheegay inay ka tirsan yihiin Puntland ay kulammo la qaadanayaan Dariiqada Rabiiciyada culummada aaminsan.

 

 

 

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in xubnaha Saraakiisha ah ee la socda Col. Cabdi Qaybdiid uu ka mid yahay Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland, inkastoo aan la xaqiijin halka ay u socdaan iyo sababta dhabta ah ee socdaalkooda.

 

 

 

Sida ay tibaaxayaan warar hooseedyo ay helayso Puntlandpost waxaa lagu wadaa in saraakiishaan iyo ciidammada ay wataan ay gaaraan deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool, iyadoo lagu wado inay xoojiyaan ciidammada Dowladda ee ku sugan gobolladaas oo laga cabsi qabo inay dagaallo isaga horyimaadaan Qoryooley taageersan Maxakamadaha.

 

 

 

Wararkaan oo aan isku dhan u socon ayaa qaarkood waxay sheegayaan in Col. Cabdi Qaybdiid lagu wado inuu ku biiro Malleeshiyooyin ay wataan Maxamed Dheere iyo xubno kale oo ay iskula jireen Isbahaysigii burburay, Saraakiisha kale ee Puntland ka socdana ay u gudbaan dhanka xarumaha dowladda si ay u xoojiyaan kuwa Dowladda.

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

(Galgaduud}22.09-06

Ciidamo Xoogan oo uu hogaaminayo Col. abdi Xasan Cawaale Qaybdiid Oo Ay Weheliyaan Ciidamo Ethiopian ah iyo waliba kuwo la shegay inay katirsan yihiin maamul goboleedka puntland oo kasoo raacay Gaalkacyo ayaa kusoo wajahan Saldhiga ugu weyn ee kooxaha Maxaakiimta Islaamiaga ah ay ku leeyihiin Galgaduud

 

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan deegaanka cadaado ayaa sheegaya in uu deegaanka Cabud-waaq soo gaaray Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka tirsanaa xubnihii Isbaheysiga Argagaxa ee lagaga itaalka roonaaday gacan ku heynta magaalada Muqdisho dagaal ku dhex maray iyaga iyo Maxaakiimta , iyadoo ay wararku sheegayaan in Qeybdiid ay la socdaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa puntland oo ku hubeysan Gawaarida dagaalka.

 

Qeybdiid ayaa lagu soo waramayaa in la socdaan rag u dhashay Beesha uu ka soo jeedo Wasiirka Gaashaandhiga Col. Barre Aadan Shire Hiiraale,waxana la sheegayaa in ay haatan ku sugan yihiin dhinaca Bare ee deegaanka cabud-waaq iyadoo halkaasi ay deegaan ahaan ku badan yihiin Beesha ****.

 

Lama garan ilaa iyo haatan sababta dhabta ah ee keentay inay halkaasi yimaadaan Ciidamadan Itoobiyaanka ah uu hogaaminayo Cabdi Qeybdiid inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inay qorsheynayaan sidii ay ku qabsan lahaayeen Saldhiga ugu weyn ee kooxaha Maxaakiimta Islaamiaga ah ay ku leeyihiin Galgaduud, iyadoo dhanka kale la xaqiijiyay in dhamaan ciidamada maxaakiimta Islaamiga ah ee ka jooga deegaanadaasi ay heegan galeen ka dib markii ay ka war heleen in weerar lagu soo yahay.

 

Widhwidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Col. Cabdi Qeybdiid iyo Sargaal reer Puntland ah oo maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

October-22 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Mahad Xasan Diini “Caabudwaaqâ€

 

Maleeshiyooyin iyo gaadiidka dagaalka oo ay wataan Col. Cabdi Qeybdiid iyo sarkaal ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

 

11 gaari oo isugu jira kuwa yar yar iyo kuwa waaweyn ayaa saaka soo gaaray magaalada Caabud waaq.

 

Baaburtan oo uu horkacayo Seef Cali Kaar taliyaha ciidanka daraawiishta magaalada Gaalkacyo iyo Col. Cabdi Qeybdiid ciidan uu horkacayo ayaa soo gaaray saaka magaalada Caabudwaaq.

 

Ila iyo imminka lama oga ujeedada dhabta ee wefdigan u yimid magaalada C/waaq iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ujeedada Cabdi Qeybdiid ay tahay in laga abaabulo ciidamo ay ka abaabulaan magaalada C/waaq.

 

Si kastaba ha ahaatee shir albaabada u xiran yihin oo muddo saacado qaatay oo loo diiday Saxaafadda odayaal dhaqmeedka iyo bulshada rayidka ayey yeesheen saraakiisha ku dhaqan magaalada Caabudwaaq iyo wefdigii uu horkacayey Xiis Cali Kaar iyo Col. Cabdi Qeybdiid.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in isku dhacyo maxaakiimta iyo beesha Sadde ee xagga Kismaayo arrin la xiriirta C/qeybdiid halkaa u tagay isagoo doonaya inuu ku helo ciidamo iyo taakuleyn uu kaga rabo beesha Sadde ee ku dhaqan magaalada C/waaq.

 

Waa markii ugu horeysay oo Cabdi Qeybdiid uu soo gaaro magaalada Caabudwaaq iyadoo hore looga sheegi jiray magaalooyin Bandiiradley, Galinsoor, Gaalkacto iyo qeyba ka tirsan Mudug, iyadoo tan ay tahay tilaabadii ugu horeysay ee halkan uu ku yimaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Strategically, what do the military analysts call this sort of affront? War on all fronts. And indeed that seems the coordination of wars by anti-UIC groups. Bu'ale, Buur-Hakaba and now, Caabudwaaq. Well, all I can say is that these anti-UIC groups have been planning this coordination for sometime, testing the fences of the UIC through incursion to Buur-kaba and other similar tactics.War is war; there are bound to be losers and winners. However, what a timing of all the days.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this