Sign in to follow this  
General Duke

Hypocracy of clan courts: Xasan Dahir supported Carta...

Recommended Posts

MABDA’A MAXKAMADUHU WAA LA JIIFIYAANA BANNAAN IYO ISBURIN W/Q: Siciid Cabdille Cali-Ilweyn

Posted to the MOL October 27, 2006, 7:26 am

 

 

Sida la ogyahay, waxaa dhowaan saxaafadda waraysi siiyyey Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ilaa bilowgiiba aad uga soo horjeedey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Had iyo goor wuxuu ku dedaalaa, inuu isu muujiyo inuu yahay nin si mabda’a ah u aamminsan inaan Soomaaliya lagu maamulin wax la yiraahdo dimoqraaddiyad ama dastuur ay dadku dhigteen.

 

 

Haddaba, xaggee buu jirey markii dowladdii Carta oo dimoqraaddiyad iyo dastuur la mid kan dowladda maanta jirta ku salaysan lagu soo dhisay Jabuuti? Muxuu uga hor imaan waayey taas oo u uga horyimid tan, iyadoo waliba, aqoonsiga ay dowladda maanta jirtaa ku leedahay adduunka ayan ku

lahayn dowladdii Carta? Muxuu u yiri ”waxaan la yaabbanahay waxa dowladdii Carta oo dowlad sax ah ahaydna loo aqoonsan waayey tanna loo aqoonsaday”?

 

 

Sheekh Xasan Daahir ma ogyahay, in la isu war hayo oo dad badani la socdaan, inuu heshiis fiican oo shaqsi ah ama dan gaar ah la lahaa dowladdii Carta tanna uusan la lahayn ama ka rabin. Waliba, waxaa la ogyahay, inuu hubkiisii iyo ciidankiisiiba ku wareejieyey Carta, dabadeedna uu dibedaha iska mari jirey, taasoo ku timid heshiis iyo isafgarasho ay yeesheen Madaxweynihii dowladdii Carta Mudane Cabdiqaasin Salaad Xasan. Muxuu u kala godobsanayaa labada dowladood oo Carta iyo Fedraalka oo u dadweynaha Soomaaliyeed u dhex dhigayaa dagaal ka soo horjeeda diinta Islaamka, danaha iyo jiritaanka dadweynaha Soomaaliyeed oo kulligood muslimiin ah, oo isku af iyo dhaqan ah. Yaa ka maqlay waligeed Sheek Xasan Daahir Aweys wax jihaad iyo mucaaradidnimo ah oo dastuurkii dowladdii Carta?

Mise markaas kama u aqoon intuu hadda ka yaqaan diinta? Mise Sheekha wixiisu waa ”la jiiifiyaana bannaan”? Mar hadday muqato, inaan waxa dagaalka ku kallifayaa ahayn diin ee ay tahay necayb uu u qabo dowladdaan iyo hoggaankeeda, waa nasiibkeed ciddii diin lagu khaldaa.

 

 

Tan akle, Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xulufadiisu marar badan ayey dowladda Federaalka ah ugu baaqeen, inay timaaddo Xamar, waana arrin

wanaagsan, haddii ay tahay mid daacad ka ah.

Laakiinse su’aashu waxay tahay: ”ma Maxkamadaha ayaa dalka ka ah dowlad mise dowlada Federaalka ah? Haddii ay Maxkamaduhu dalka ka yihiin dowlad kale maxay ugu yeeranayaan? Haddayse aqoonsan yihiin dowladda Federaalka ah maxay hadba magaalo iyo gobollo nabad ah oo ay xataa ka mid yihiin deegaanno saldhig u ah dowladda Federaalka ah ugu soo duulayaan oo uga oogayaan colaad iyo dagaallo?

 

Markii ay ka guuleysteen kooxdii la dagaallanka argagiixisada, Bishii June 2006, waxay u muuqdeen ayna sheegeen inay xallinayaan deegaannada ay degaan beelohoodu. Maxaa haddaba keenay, inay yiraahdaan dalka oo dhammi annaga ha na hoos yimaado? Miyayan ahayn kuwo iyagu isburinaya oo ka fog daacadnimo iyo dhaqan Soomaaliyeed intaba iyo nidaam dowladnimo iyo fikir ku dhisan caqli fayow iyo aqoon?

 

 

War hooy ka jooga janno galimaysaan dagaal dad muslim ahe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddaba, xaggee buu jirey markii dowladdii Carta oo dimoqraaddiyad iyo dastuur la mid kan dowladda maanta jirta ku salaysan lagu soo dhisay Jabuuti? Muxuu uga hor imaan waayey taas oo u uga horyimid tan, iyadoo waliba, aqoonsiga ay dowladda maanta jirtaa ku leedahay adduunka ayan ku

lahayn dowladdii Carta? Muxuu u yiri ”waxaan la yaabbanahay waxa dowladdii Carta oo dowlad sax ah ahaydna loo aqoonsan waayey tanna loo aqoonsaday”?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Markii ay ka guuleysteen kooxdii la dagaallanka argagiixisada, Bishii June 2006, waxay u muuqdeen ayna sheegeen inay xallinayaan deegaannada ay degaan beelohoodu. Maxaa haddaba keenay, inay yiraahdaan dalka oo dhammi annaga ha na hoos yimaado? Miyayan ahayn kuwo iyagu isburinaya oo ka fog daacadnimo iyo dhaqan Soomaaliyeed intaba iyo nidaam dowladnimo iyo fikir ku dhisan caqli fayow iyo aqoon?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this