Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cabdi Nuurr Siyaad oo ka badbaaday qarax lala beegsaday gaari uu watay

Recommended Posts

Mogadishu 17, June.07 ( Sh.M.Network) Cabdi Nuurre Siyaad oo ka mid ahaa isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ayaa maanta ka badbaaday qarax lala beegsaday gaari uu watay oo marayay agagaarka Xaafadda SOS ee degmada Heliwaa ee gobolka Banadir.

 

 

Cabdi Nuurre oo waxar ka dib markii la qarxiyay gaarigiisa shabelle u waramay ayaa sheegay in aanu waxba ka soo gaarin qaraxaasi lafihiisa iyo dadkii la socday toona, hasa ahaatee uu burbur ka soo gaaray gaarigii uu watay.

 

Cabdi Nuurre waxa uu sheegay in xilliga qaraxa lala beegsaday uu marayay agagaarka warshadda Barafuunka ee xaafadda SOS, isagoo ka gaabsaday in uu sheego ciddii ku wehlisay socdaalkiisa.

 

Waxa uu ku sifeeyay qaraxa lala eegtay mid lagu qarxinayo cid kasta oo gaari wadata, waxaana uu sheegay in gaariga uu watay aanu aheyn mid isaga lagu yaqaanay balse uu lahaa mudane ka tirsan Baarlamanka oo aanu magaciisa sheegin.

 

Mar la weydiiyay cidda uu ku eedeynayo qaraxa ayaanu sheegin cid si rasmi ah uga dambeysay falkaan, hasa ahaatee waxa uu ku tilmaamay in ciddii ka dambeysay talaabadaan mid ku socoto waddo xaq darro ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Mr. Nuurre waxa uu sheegay in markii gaarigiisa uu qarxay meel aan ka dheereeyn goob uu yaalay gaari ay wateen ciidamo boolis ah oo lugi ay ka banjartay ay ku soo xoomeen ciidamada booliska, iyagoo halkaasi ka xir xirey tiro dad ah oo ku sugnaa meelo ka agdhow halki qaraxa uu ka dhacay sida uu xaqiijiyay Cabdi Nuurre Siyaad.

 

Qaraxaan oo dhacay duhurnimadii maanta ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca agagaarka SOS, iyadoo uu ka horreeyay qarax lagu qarxiyay meel wadada dhinaceeda ah kaasi oo aan si rasmi ah loo ogeyn ciddii lala eegtay iyo qasaarihii uu geeystay toona.

 

Cabdi Nuurre Siyaad ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu firfircoonaa isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ee la dhisay 18 kii bishii Feberaayo, kaas oo dagaal xoogan la galay Maxkamadihii islaamka ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this