Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Mudaaharaad Dad ku Dhaawacmay oo Hargeysa ka Dhacay

Recommended Posts

Waxa caawa fiidkii soo gabo gaboobay rabshado ka dhashay tartan kubadeed ay xisbiga Kulmiye u fureen wax ay ugu yeedheen dhamaan waaxaha ay ka koobantahay magaalada Hargaysi oo ay ug magac dareen is dhexgalka dhalinyarada caasimada, tartan kubadeedkaasi oo ay xadhiga ka jareen doraad ayaa ay xukumadu ku tilmaantay mid aan waafqsanyn sharciga iyo dastuurka isla markaasina tartanada noocaasi ah ay soo qaban qaabin karta uun wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyara da Somaliland.

 

Taasi oo sababtay in ciidamada boolisku ay arintaasi soo dhex galaan si loo joojiyo tartankaasi, oo ay wasaarada ciyaarahu ku tilmaantay mid sharci daro ah oo aan ogolaansho loo haysanin, iska hor imaadkii galabta ka dhex qarxay dhalinyaradii ciyaartaasi ka qayb qaadanysay iyo booliska ayaa sababy in ay xabad jeeraaro ahi ay dhaawac u gaysto Caaqil Cabdi Iimaan, oo isag isku dayaayay sida ay wararku sheegayaan in uu damiyo rabshadaha ka dhex qarxay dhalinyarada iyo booliska dhaawaca caaqilka ayaa ay ka soo baxayaan warar is burinayaa iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in xaaladiisu ay halis tahay xaga warar kalana sheegayaan in aanu halis ku jirin, sidoo kale waxa ay warar kale xaqiijinayaan markii ay caaqilka xabadu haleeshay in uu meel xoogaa u jirta halkii ay rabshadu ay ka dhacaysay uu iska maraayay oo uu sidaasi ku dhaawacmay, sidoo kale waxa ay dhaawacyo soo gaadheen qaar ka mid ah ciidamada booliska oo dhagaxaan lala dhacay.

 

Dhalinyaradii ay booliska isk dhaceen oo ay ku soo biireen kuwo kale ayaa caawa fiidkii dhagax turis ku sameeyay baabuurta ka talaabaysay biriishka weyn ee Hargaysa, iyaga oo eeganaayay baaburta ay dawladu leedahay, waxa ay dad goob joog ahaa noo xaqiijiyeen in ay dhalinyaradaasi wax yeelo u gaystay baabuur ay lahaayeen ciidamada wadooyinka ee caasimadu iyo baabuur kale oo aan badnayn.

 

Hadaba tartankani oo ay xisbiga Kulmiye ku sheegeen in ay ku tartamayaan dhalinyarada magaalada oo dhami ayaa waxa sidaasi beeninaaya qaybo ka mid ah magaalada oo iyagu sheegaaya in ayna koobkaasi ka qayb qaadanin xaafado ahaan iyo dhalinyaro ahaan isla markaasina ku gacan saydhay xisbiga Kulmiye in aanu tartankaasi u soo wada qaban qaabin dhalinyarada kala gadisan ee ku dhaqan waaxaha ay ka koobantahay caasimadu.

 

Ilaa hada ma cada dhalinyaradani xaafadaha iyo magacyada kala gadisan ee ay ku ciyaarayaan iyo qaabka u xisbiga Kulmiye u soo xushay.

 

Sideedaba waxa haboon in laga feejignaado wax kasta oo iska horkeen keenaaya, dhalinyarada iyo ciidamada amniga waxana haboon in tartanada noocani oo kale ah laga saaro siyaasda.

 

Goobahii ay caawa ay ka dhacayeen rabshadaha dhagax tuurka ahi ayaa caadi ku soo noqotay waloo laga dareemaayo baabuur yaraan ama ay yaraadeen baabuurtii ka talaabi jirtay biriishka, hase ahaatee ma jiraan wax dhib ahi oo hada ka taagani ka gudubka biriishka weyn ee ku yaala badhtamaha magaalada.

 

Dhanka kalena wasiirka ciyaaraha ayaa caawa war uu arintaasi maanta ka soo saaray dhakada ka saaray xibiga Kulmiye kuna tilmaamay in ay iyagu ka danbeeyaan waxii dhacay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this