Sign in to follow this  
Juje

Guddoomiye K/xigeen iska ilali yaan lagu magacabiin.!

Recommended Posts

Juje   

This is continues assasination of ' Guddoomiye K/xigeens' is despicable.

 

Guddoomiye K/xigeenkii degmada Yaaqshiid oo galabta lagu dilay Muqdisho.

Mogadishu 08, July 07 ( Sh.M.Network)- Guddoomiye K/xigeenkii degmada Yaaqshiid ayaa galabta kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay ku dileen degmadaasi, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa.

 

Guddoomiye K/xigeenka degmada Yaaqshiid oo lagu magacaabi jirey Nuur Cilmi ayaa la sheegay in ay toogteen rag tiradooda ay gaareyso ilaa 3 nin oo ku hubeysnaa bustoolado.

 

Rag ehelo la ah marxuumka ayaa halkaasi ka qaaday, iyagoo isku dayay in dhaawciisa la gaaraan goobaha caafimaadka, hasa ahaatee daqiiqado ka dib ayaa la sheegay in gurigiisa ay ku soo celiyeen isagoo meyd ah, isla markaana aysan suuto galin in goob caafimaad la gaarsiiyo si loo badbaadiyo.

 

Dad ka agdhow guriga uu daganaa Marxuumka ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo aan la garaneyn ay madaxa ka toogteen gaar ahaan wajiga hore halkaasi oo dhowr xabadooda ay kaga dhufteen.

 

Horey ayaa loo dilay xubno ka tirsan mas'uuliyiinta maamulka degmooyinka gobolka Banadir.

 

Arimahaan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda KMG ah ee Somalia ay amar Bandow ah ku soo rogtay caasimadda Somalia si loo adkeeyo amaanka, laakiin ma dhicin in amaan la helo,iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya caasimadda.

 

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this