Biixi Posted December 24, 2008 Sheekh Shariif iyo iyo Kuxigeenkiisa oo maanta gaaray magaalada Muqdisho 24. December 2008 Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Kuxigeenkiisa Sheekh C/raxmaan janaqow ayaa galabnimada maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho. Wafdiga Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Maxkamaddaha iyo Dowladda Federaalka, waxaana hadal kooban uu uu jeediyay Sheekha uu sheegay in ujeedada socdaalkiisa ay tahay sidii mira dhal looga dhigi lahaa heshiiskii dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti ee dhex maray Dowladda KMG iyo garabka uu hoggaamiyo, wuxuuna intaa raaciyay Shariifka in socdaalkiisa ay qeyb ka tahay dhiirigelinta bixitaanka ciidamada itoobiya. Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay degeen Hotelka Laf-Weyn oo uu horay u deganaa, waxaana halkaasi uu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Sheekh Shariif ayaa Todobadkii hore ka ambabaxay magaalada Muqdisho isagoo gaaray dalka Jabuuti oo uu kula kulmay Saraakiil Mareykan ah iyo Senataro ka socday dalka Mareykanka kuwaasi oo uu kala hadlay arrimaha dalka Soomaaliya iyo dib u heshiisiinta socoto, wuxuuna Shariifka uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay iminka u soo jeesatay wax ka qabashada xaaladda dalka Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted December 24, 2008 Koleey waa nin kasban kara soona jiidan kara taageeroyin bulshada soomaliyeed dhexdeeda. Hadduu President noqdana koleey waxa horyaala wuu ogyahay wixii Yey kharibay oo dejiyey hadduu ka leexdo oo dadka iyo dalka isku keeno taariikhda baal dahab ah ayuu ka galayaa haddiise uu ka bayro halkii Yey kabaxay (sumacad xumo shacabka soomaliyeed dhexdiisa) halkii oo kale ayuu ka bixi, simple is that! Quote Share this post Link to post Share on other sites