General Duke Posted January 11, 2009 Qasaaraha ka dhashay Dagaal culus oo saakay aroor hore ka bilowday degmada Guriceel oo sii kordhaya iyo Halkaasi oo ay la wareegeen Ahlusuna Wal Jameeca. Posted: 1/11/2009 7:28:00 AM Shabelle: GURICEEL In ka badan 30-qof ayaa ku geeryootay tiro 50-qof ka badana dhawacyo ayaa ka soo gaaray dagaalo saakay aroor hore ka biloowaday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaalka oo bilowday abaari 4-tii Aroornimo ee saakay ayaa waxaa uu ka bilowday bartamaha degmada Guriceel kadib markii ay xoogaga hubaysan ee Ururka Al Shabaab weerar ku soo qaadeen fariismo ciidamada Ahlu Sunna waljameeca ay ku lahaayeen duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dagaal oo haatan u muuqada mid qaboobay ayaa waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay ee soo kala gaaray labada dhinac waxana cusbitaalka degmada Guriceel la soo gaarsiiyay dhawacyo ka badan 50-ruux waxana weli xaafadaha iyo goobaha ay dagaalada ka dheceen laga soo daad gureeynaayaa dadkii ku dhawacmay dagaalkaasi oo u badan dhinacyadii dagaalamay. Saraakiisha labada dhinac oo aan xiriir kala sameeyanay dagaalkaasi iyo qasaaraha ka dhashay ayeeynan noo suurto galin iyagoo ka gaabsaday in ay wax war ah ka bixiyaan. Dagalka ayaa markii uu in mudo ah socday waxaa hawada laga saaray dhamaan isgaarsiintii degmada Guriceel iyadoo sidoo kalena la sheegayo in isagaarsiintii laga saaray degmada Dhuuso Mareeb ee isla gobolkaasi Galgaduud oo iyana laga cabsi qabo in ay dagaalo ka dhacaan. 29-kii bishii la soo dhaafay ayay aheeyd markii ciidamada Al Shabaab laga saaray degmada Guriceel oo ay gacanta degmadaasi la wareegen ciidamada Ahlu Sunna waljameeca. Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalkaasi kala soco shabelle.net hadii uu illaah inoo saamaxo. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 11, 2009 Dagaalo si xun loogu hoobtey oo saaka ka qarxay degmada Guri Ceel Wararka ka imaanaya degmada Guri Ceel ee Gobolka Galguduud ee bartmaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalo qaraar saaka hiirtii waaberi ay ka qarxeen gudaha degmadaasi, kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad fara badan oo u badan dhinacyadii dagaalamayey. Dagaalkan oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa wuxuu dhexmarey maleeshiyaad kala taabacsan AL-Shabaab iyo Ahul Sun Waljameeca, waxaana dagaalkaasi sida aynu ka helay ilo xog ogaal ah la isku adeegsadey noocyada kala duwan ee hubka iyo waliba gaadiidka dagaalka. Dirirtan oo socotey saacado fara banada ayaa waxaa inta la ogyahay ku geeriyoodey ugu yaraan 31 qof, waxaana ku dhaawacmey 53 qof oo kale, iyadoo dadka dhintey iyo kuwa dhawaacmayba ay u badan yihiin labada firqo diimeed ee dagaalamaya. Warka ayaa wuxuu intaasi ku darayaa in dagaalkaasi saaka ka dhacay degmada Guri Ceel uu yimid ka dib markii maleeshiyaadka AL-Shabaab ay duulana xoogan ku soo qaadeen fariimo ay ku leeyihiin duleedka degmada Guri Ceel xoogaga Ahlu Suna Waljameeca, iyadoo dagaalkasi uu qarxay saaka abaara afartii aroornimo. Dagaalka maanta ka dhacay degmada Guri Ceel ayaa keenay in gabi ahaanba hawada laga saaro isgaarsiinta Guri Ceel iyo qaybo kale oo ka mid ah gobolka Galguduud, iyadoo sidoo kale mudo gaaban ay hawada ka maqneyd isgaariisnta degmada Dhuusamareeb wallow goor dhaw ay hawada ku soo laabatey. Iska horimaadyadan lagu hoobtey ee ka dhacay degmada Guri Ceel ayaa wuxuu ku xiriirsan yahay dagaalo soo noq noqdey oo degmada ka oognaa laga soo bilaabo dabayaaqadii bishii December kolkaasi oo ay la wareegeen degmada gacan ku haynteeda maleeshiyo diimeedka la magac baxcdey Ahlu Suna WalJameeca, kuwaasi oo ay haatan cadaawad xoogani u dhaxayso dhaqdhaqaaqa kale ee hubaysan ee AL-Shabaab. Cabdi Jamaal Macalin Axmed SBC International Dhuusamareeb Quote Share this post Link to post Share on other sites