Sign in to follow this  
Liibaan

Xowliga dagaalada Muqdisho oo sii yaraanaya

Recommended Posts

Liibaan   

Dagaallada Muqdisho oo maalintii afaraad galay: [Xowliga dagaalada oo sii yaraanaya iyo goobo isu bedelay lama degaan]

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 01/04/07

 

Iyadoo maalintii afaraad uu galay dagaalka ka socda Muqdisho ayaa waxaa isbedel weyn ku yimid jawiga dagaalada oo ka duwan dagaalkii saakay dhacay kuwii ka horeeyay, iyadoo dagaalkii maanta dhex marayay ciidamada Dowladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiyaanka iyo kooxaha ka hor jeeda ayaa waxaa yaraanaya madaafiicda iyo rasaasta wiiftada ah ee ay isu adeegsanayaan labada dhinac.

 

Degaanada ay dagaaladu ka socdeen labadii maalmood ee ugu dambeysay marka laga reebo maanta ayay la wareegeen ciidamada huwanta ah oo iyagu saacadba saacada ka dambeysa ay soo gaarayaan gurmad fara badan oo isugu jira qalab iyo ciidamo, hase yeeshee kooxaha ka horjeeda ayaa iyagu haatan ku sugan goobo teel teel ah oo ku yaala agagaaraha meelihii ay dagaaladu ka socdeen.

 

D Waxaa weli isaga sii qaxaya magaalada Muqdisho dadweynihii degenaa, kuwaasoo gaaraya goobaha nabdoon ee hareeraha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Afgooye, Balcad iyo Jowhar, inkasta oo dadka barakacaya ay qaarkood ay u soo qaxeen degaanada nabdoon, sida degmooyinka Kaaraan, Madiina, Shibis, C/Casiis, Shangaani, Boondheere iyo meelo kale.

 

Dhinaca kale waxaa soo badanaya qeyla dhaanta laga muujinayo sii socoshada dagaaladan, waxayna hay'adaha gargaarka caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba welwel ka muujiyeen xaalada ay ku sugan yihiin dadka ka barakacaya magaalada Muqdisho, inkasta oo Dowladda Federaalka ay sheegtay inay dhowaan soo afjareyso howlgalada Milateri ee ay ka wado gudaha magaalada Muqdisho.

 

Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

 

 

Somaliweyn Media Center

Somalia - Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this