Liibaan Posted April 1, 2007 Dagaallada Muqdisho oo maalintii afaraad galay: [Xowliga dagaalada oo sii yaraanaya iyo goobo isu bedelay lama degaan] Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 01/04/07 Iyadoo maalintii afaraad uu galay dagaalka ka socda Muqdisho ayaa waxaa isbedel weyn ku yimid jawiga dagaalada oo ka duwan dagaalkii saakay dhacay kuwii ka horeeyay, iyadoo dagaalkii maanta dhex marayay ciidamada Dowladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiyaanka iyo kooxaha ka hor jeeda ayaa waxaa yaraanaya madaafiicda iyo rasaasta wiiftada ah ee ay isu adeegsanayaan labada dhinac. Degaanada ay dagaaladu ka socdeen labadii maalmood ee ugu dambeysay marka laga reebo maanta ayay la wareegeen ciidamada huwanta ah oo iyagu saacadba saacada ka dambeysa ay soo gaarayaan gurmad fara badan oo isugu jira qalab iyo ciidamo, hase yeeshee kooxaha ka horjeeda ayaa iyagu haatan ku sugan goobo teel teel ah oo ku yaala agagaaraha meelihii ay dagaaladu ka socdeen. D Waxaa weli isaga sii qaxaya magaalada Muqdisho dadweynihii degenaa, kuwaasoo gaaraya goobaha nabdoon ee hareeraha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Afgooye, Balcad iyo Jowhar, inkasta oo dadka barakacaya ay qaarkood ay u soo qaxeen degaanada nabdoon, sida degmooyinka Kaaraan, Madiina, Shibis, C/Casiis, Shangaani, Boondheere iyo meelo kale. Dhinaca kale waxaa soo badanaya qeyla dhaanta laga muujinayo sii socoshada dagaaladan, waxayna hay'adaha gargaarka caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba welwel ka muujiyeen xaalada ay ku sugan yihiin dadka ka barakacaya magaalada Muqdisho, inkasta oo Dowladda Federaalka ay sheegtay inay dhowaan soo afjareyso howlgalada Milateri ee ay ka wado gudaha magaalada Muqdisho. Maxamuud Axmed Xasan (Xuurshe) xuurshe114@hotmail.com Somaliweyn Media Center Somalia - Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites