Jacaylbaro Posted August 19, 2008 Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed MAxamed Maxamuud [siilaanyo] oo ka mid ahaa masuuliyiintii kala duwanaa ee ka hadlay xafladii qalin jabinta ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa ka hadlay arimo kala duwan waxaana hadalkiisi ka mid ahaa. "Madaxweyne ku-xigeenka, Madaxda kale ee sharafta leh ee halkan isugu timid, Ardayda, Waalidiintooda, Macalimiinta iyo dhamaan marti sharafta kale marka hore aad iyo aad baan idiin salaamayaa aniga oo ku hadlaya Magaca Xisbiga Kulmiye Taageerayaashiisa iyo hogaankiisaba hambalyo aad iyo aad u balaadhan oo kal iyo lab ah ayaan halkan idiinka soo jeedinayaa gaar ahaan Ardayda Maanta halkan ka qalin jabisay oo aan leenahay hambalyo. Marka labaad jaamacadda Hargeysa oo ah Jaamacad aad iyo aad u wayn dalka wax fara badan u qabatay dhalinyaro badan u soo saartay, mustaqbalka dalka Somaliland iyo aayihiisa ka geysatay ama ka geysan doonta gacan wayn iyagana waxaanu leenahay hawsha aad ku jirtaan ee wayn Illaahay haydin la qabto oo ha idiinku garab galo, Maanta anigu halkan ma jecli inaan siyaasad ka hadlo waayo? Xaflada tan waa xaflad arday ka qalin jabisay aan ku hanbalyaynayno iyo jaamacadda iyo shaqaalaheeda. Mr. Siilaanyo waxa uu xusay in Somaliland ay waxbadani u qabsoomeen "Dalkeenu maanta halka uu marayo waxyaabo badan oo aynu ku faanayno dal ahaan, oo aan dad ahaan ku faanayno oo qiimo inoo leh oo marka la inoo eego mandaqada aynu ku noolahay, ama tusaale ahaan walaalaheena Somalia xaaladdaha ka taagan oo kale, waa mid aynu isku hambalyayn karno kuna faani karno Illaahayna ugu mahad naqi karno, kuligeena waxa inagu waajiba Hadaynu dawlad nahay hadaynu axsaab nahay, hadaynu shacbiga qaybihiisa kala duwan nahay, inaynu nabad galyadaa dimuqraadiyadda horumarkaa, dadnimadaa aynu samaysanay inaynu hore umarino mooyee inaynaan dib uga noqon. "Maanta markaynu runta sheegno inaga oo waxaa oo dhan ku faanayna, oo waliba inteeda badan waxay dadkaa iyo dalkaasi qabsadeen aan siinayno guusheeda Illaahay ka sokow shacbi waynaha reer Somaliland maanta hadaynu u fiirsano, dalkeena waxa ka qabsoomay haday jaamacado tahay, haday cusbitaalo tahay, waa haday wadooyin tahay waa haday Biriishyo tahay waa haday wax la qabanayo waa haday dalkii dumay ee dib loo aasasay tahay ee loo dhaqaaqay tahay inta badan waxa qabsaday waa shacbi waynaha Somaliland, wax maamul dawladeed qabtay aad iyo aad bay ugu yar tahay. Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu tilmaamay in marar kala duwan uu dalku galay halis balse ay shacbigu gacan ka geysteen in la qabto dadkii ku lugta lahaa "Waynu ognahay dalkeenu dhawr jeer buu halis galay argagixisaa laynagu bilaabay hawlo badan baa dibada inagaga yimiday mar walba dadkii qabanayay ee gacanta ka geysanayay waxay ahaayeen shacbi waynaha reer Somaliland. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "Maanta hadaynu run ku hadalno inagoo intaas oo dhan ku faanayna rajadaa mustaqbalkana qabna, ma qarin karno inuu inaga muuqdo mad madow badani inooga muuqdo mad madow wax ka badan baa nooga muuqda, waxaa nooga muuqda dumuqraadiyadeeni oo dhawr jeer doorashooyinkii dib inooga dheceen oo masuuliyadeedana anagu kolayba saarayno 100% dawladda ku meel gaadhka ah ee maanta taagan. "Maamulka maanta inoo dhisani maaha maamulkaynu dooranay 5-sano ee aynu dooranay way dhamaatay, waanagii barigii dhawayd dooda iyo heshiiska wada galnay waxaanu ku galnay inay dawlad kumeel gaadh ah oo doorashadda soo socota inagu sinta ay noqoto ayaanu ku gaadhnay, maantana waxaanu leenahay heshiisyadii aanu gaadhnay laftigooda mad madow badan baa ka muuqda, qodobo badan oo aanu ku heshiinay oo caalamku markhaati nooga ahaa, oo ahaa inaan gudiyo samaysano oo aanu waxyaabo badan wada talaabsano dawladii aad iyo aad bay uga caga jiidaysaa, way muuqataa. Waxa uu Axmed Siilaanyo si wayn u duray hadalkii dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka arimaha gudaha ee uu Xirsi X. Cali ku edeeyay inuu Al-shabaab xidhiidh la leeyahay "Miyaynu maanta dawlada ka akhrisanayn iyada iyo cida la hal maasha dacaayadaha ay maanta dalka ku wadaan, dunida maanta waxa ka socda waynu og nahay, waxaa ka socda dhibaatooyin fara badan oo aynaan inagu doonayn, hadaynu reer Somaliland nahay iyo hadaynu mandaqada nahay iyo hadaynu geeska Africa nahay inay dhibaatooyinkaasi ay saamayn inagu yeeshaan, hirdanka maanta dunida ka socda inaynu inagu maanta isku soo hogaamino dhibaato oo aynu maanta dadkeena u bixino inay argagixiso la socoto oo ay dawladda afkeedi ka soo baxdaa war ma xalaalbaa midhkaasi? Maya maaha waa xaaran waxaanan u aragnaa inay qalad tahay. Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu sheegay inuu maanta cadaynayo baabuurta la jaray kurta iyo mawqifka xisbigiisa iyo taageerayaashooda "Waxaan maanta halkan idiinka cadaynayaa oo hadeer la sheegayay oo dawladu had iyo goor buun buunisaa Baabuur baa kurta la jaray, horta ilaa imika baabuurta madaxa la jaray indhahayga kuma arag cid aragtayna maan arag, wax laynoo soo bandhigayna ma jiraan, mararka qaarkood waxaan is idhaahdaa waa la abuurayaa, laakiin halkaa waxaan ka cadaynayaa in waxaa la sheegayo waxaan maqlaynaa hadalo dad loo duur xulayo oo imikana aan qaarkood maqlayay anigu waxaan ahay ninkii 80-ka cod ee waliba boobka ahaa ee tuugada ahaa ee dhaca ahaa nabad galyo darted si dalka loo xasiliyo kaga tagay. "Anigu iyo xisbigaygu iyo inta iga tala qaadataa halgan horaan u soo marnay qadhaadhkiisana waan naqaana iyo xabadi waxay tahay maanta xabad wax ku dooni mayno ee cod baanu ku doonaynaa, gabi ahaanba waanu dhaleecaynaynaa waan canbaaraynaynaa wixii la sheegayaaba haday jiraanba kuwii qoryaha saaray shuqul ala shuqul aanu ku leenahayna ma jiro, umana baahnin xabad taageeradii dadkaanu haysanaa, shacbigii baanu haysanaa doorasho xor iyo xalaal ah baanu ku helaynaa, waanan hubnaa inaanu ku helaynaa oo dadkayaga iyo dalkayaga iyo shacbigayagi baanu haysanaa oo aanu aaminsan nahay." Md. Siilaanyo waxa uu si wayn u duray dad uu sheegay in loo kiraysanayo af-miishaarnimo sidoo kale ayuu tilmaamay inuu si wayn uga soo hor jeedo Al-shabaab iyo cidii ku abtirsata Xisbigoodana aanay ka mid ahayn ee ay dagaal ka xigaan "In maanta dadka qaar af-miishaarnimo loo kiraystay shacbiga qaar oo sidii Madaxweyne ku-xigeenka Puntland lahaa war maxaa iskaga af-dhigay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo dawladeeni dalkeena xukumaysay? Oo la yidhi argagixaa dalkayaga ka dilaacday ee kaalaya na ban gareeya miyaa qoladii wax bam garayn jirtaye kaalay nala soo doontaa miyaa? Taasi waa wax laga xishoodo waana wax laga yaabo, waanan idiin cadaynaynaa arimahaas [Argagixisada iyo Al-shabaab] shuqul aanu ku leenahay ma jiro, mana aaminsanin, waanan ka xunahay waanan ka soo hor jeednaa wixii la socdana dagaal baanu ka xignaa oo waanu la dagaalamaynaa." Kuwaasi waxay ka mid ahaayeen hadaladii uu Axmed Siilaanyo gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ka jeediyay xafladii qalin jabinta jaamacadda Hargeysa ee maanta. Quote Share this post Link to post Share on other sites
SayidSomal Posted August 19, 2008 Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: The guy looks like a Giant in this picture what has he being eating??? i remembered a guy from siera leone who used to documentaries and he visited this african tribe once and because they were all skines and he was bit on the chuppy said they started to point their arrows on him as they thought that he eat people and thats why he was fat. everything reminds of something i have seen before :cool: don't post anything, otherwise i'll flood the whole sol with my memories. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 19, 2008 It is too long to translate ,,,,,,,,, i'll try some other time. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qorax Posted August 19, 2008 War ninku dherer badan, ma photoshobeyeen tolow? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 19, 2008 LOOOOOOOL ,, Look how Faysal is looking at him ,,, Muraayadaa ka dhici gaadhay ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 19, 2008 LOOOOOOOL ,, Look how Faysal is looking at him ,,, Muraayadaa ka dhici gaadhay ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites